C/raxmaan Faroole oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay magaalada Boosaaso
C/raxmaan Xaaji Maxamuud Faroole madaxweynihii hore ee maamulka Puntland ayaa khudbad xasaasi ah oo taabatay meelo badan waxa uu ka jeediyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa si gaar ah u karbaashay qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu si toos ah ugu sheegay inuu xamar ka dego isagoo dhahaya "4.5 ma jirto”.
C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in maamulka Puntland aan lala simi karin maamulka Galmudug oo uu sheegay inuu ku xabisan yahay magaalada Cadaado, isla markaana aanu tegi karin magaalada Dhuusamareeb oo ay ka taliyaan maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobolada dhexe.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in dastuurkii lagu qoray magaalada Garowe uu yahay midka la raacayo, isla markaana C/Weli Gaas aanu wakiil uga ahayn shacabka Puntland inuu u soo qaado 4.5-ka.
"Waxaa la yiri 4.5 xaq ma aha ee waa xal, xagee laga keenay in wax aan xaq ahayn ay xal noqonayaan?” ayuu isweydiiyay Ex-Madaxweynaha Puntland.
xigasho:- somaiweyn