HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 10-KA OKTOOBAR 2018-KA

0
Wednesday October 10, 2018 - 08:00:17 in Wararka by
  • Visits: 628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 10-KA OKTOOBAR 2018-KA

    ITOOBIYA OO QORSHEYNAYSA IN DALKE EDA VISA LA'AAN LA GALO Dr Mulatu Teshome Madaxweynaha Itoobiya shalay Baarlamaanka dalkaasi u jeediyay Khudbada sanadlaha, Waxaa uu sheegay dowladda Itoobiya ay doonayso in ay hirgeliso go'aankii sana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ITOOBIYA OO QORSHEYNAYSA IN DALKE EDA VISA LA'AAN LA GALO Dr Mulatu Teshome Madaxweynaha Itoobiya shalay Baarlamaanka dalkaasi u jeediyay Khudbada sanadlaha, Waxaa uu sheegay dowladda Itoobiya ay doonayso in ay hirgeliso go'aankii sanadkii 2011ka ee ahaa Visa La'aan in lasoo galo Itoobiya. Waxaa uu sheegay dalalka waddamada Afrika iney Visa ha dal ku galka ah ay ka qaadan karaan Airboorrada caala miga ah ee ay dalka ka soo galaan. Madaxweyne Dr Mulatu ayaa wuxuu sheegay "sida uu dhigayo qorshaha Midowga Afrika ee ah iney dalalka Midoga ka tirsan ay fududeeyaan isusocodka muwaaddiniinta qaaradda.


Dadka waddamada Afrika ka yimaadda waxay hadda ka hor fiisaha dal ku galka ay ka qaadan jireen safaaradaha Itoobi ya ay ku leedahay oo waddamadooda.

Midowga Afrikana wuxuu dajiyey iney waddamada qaaraddana Afrika


ITOBIYA OO SHEEGTAY IN VISSO LA'AAN LAGU GALAYO DALKEEDAmuwaaddiniinta u dhashay dal Afrikaan ah ay Fiisaha dal ku galka ay weydiin karaan oo keli ah ilaa iyo 2023ka, wixi xilligaa ka dambeeyana muwaaddiniinta waddamada qaaraddu Fiisa la’aan ay waddankey doonaan ku soo geli karaan.


DUUFAANNO XOOGGAN OO KU SOO WAJAHAN XEEBAHA WAQOOYI BARI SOOMAALIYA

Duufaanno dabeyllo xooggan wata ayaa Axadda soo socota wixii ka dambeeya waxa ay ku dhufanayaan dalalka Cummaan, Yeman, Soomaaliya iyo Jabuuti.

Culimada saadaasha hawada oo warkaan soo saartay ayaa ka digaya halista duufaantan, waxayna dadka uga digeen inay u dhawaadaan xeebaha wixii berri ka dambeeya.

Culimada saadaasha hawada ayaa waxa ay sheegeen in Soomaaliya duufaantaan ay ka saameyn doonto xeebaha waqooyi bari Soomaaliya ee Puntland.

Dad ku xeeldheer saadaasha cimilada ee xarunta saadaasha cimilada ayaa sheegaya in duufaannadu dhanka waqooyi u sii socdaan ilaa ay caga dhigtaan dalka Cummaan abbaaraha 14ka october 2018.

Dadka Kalluumeysatada ah ee wata doomaha yar yar ayaa looga digay inay u shaqo tagaan xeebaha maalmaha soo socda, sababo la xariira halista duufaantan.

Duufaantan oo saacadiiba jareysa 100KM, isla markaana ay la socdaan daruuro iyo roobab ayaa aad looga cabsi qabaa inay geysato khasaare isugu jira naf iyo maal.

Duufaantan oo loo yaqaano Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

MADAXWEYNE XAAF OO LA KULMAY QALBI DHAGAX

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa shalay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug kulan kula yeeshay Wafdi uu hoggaaminaayay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Waxaa uu sidoo kale kulan la qaatay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

C/kariin Sheekh Muuse QalbiDhagax ayaa Mas’uuliyiin Galmudug iyo shacabkii kusoo dhaweeyay magalada Dhuusamareeb, uga mahadceliyay sida diiran ee ay uga soo qeybgaleen soo dhaweyntiisa.

Qalbi Dhagax ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ka dib markii uu kasoo galay dhanka maamulka Puntland.

RA’IISUL WASAARE KHEYRE OO SAMEYS TAY BOG TWITTER U GAAR AH

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horreysay xisaab ka furtay shabakadda lagu wada xiriiro ee Twitterka.

Cinwaanka cusub ee Ra’iisulwasaaraha oo magaciisa ku sameysan @HassanAKhaire ayaa heysta oqoonsiga rasmiga ee lagu garto sax aahnshaha cinwaannada dadka caanka ah, taa oo xaqiijineysa inuu yahay cinwaan rasmi ah.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa muddadii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa adeegsan jiray cinwaanka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha @SomaliPM ee la sameeyay sanadkii 2011, balse, maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa jiray olole dhanka baraha bulshada ah oo Ra’iisul Wasaaraha ku eedeynayay inuu doonayo in uu la wareego twitterka xafiiska.

Qoraalkii ugu horreeyay ee la soo geliyo cinwaankaan ayuu ra’iisulwasaaruhu ku shaaciyay inuu u safrayo dalka sucuudiga isaga oo afka carabiga lagu qoray.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa noqonaya masuulkii ugu dambeeyay ee dowladda ka tirsan ee furta Twitter, iyada oo la ogyahay in isticmaalka Soomaalida ee Twitterka uu aad u yaryahay. xigasho:jowhar.com

GUDDOONKA AQALKA SARE OO LA KULMAY WAKIILKA CUSUB EE QM EE SOOMAALIYA

Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soom aaliya ayaa kulan la qaatay Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobay ee Somaaliya Nicholas Haysom.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Aqalka Sare, waxaana looga hadlay sidii loo dardargelin Wada shaqeynta Aqalka Sare iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Nicholas Haysom Wakiilka Cusub ee Qaramada Mido obay ee Somaaliya ayaa dhawaan soo gaaray Magaal ada Muqdisho,isagoona xilka la wareegay Wakiilkii hore ee Qaram ada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Michael Keating.

KULAN KU SAABSAN ISLA JAANQAADIDA DIBUEEGISTA DASTUURKA IYO DOORASHOOOYINKA OO MUQDISHO KA DHACAY

XOOSH JABRIIL Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa qabatay kulan dood wadaag ah oo ku saabsan isla jaanqaadida dibueegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, kulanka waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Xisbi yada dalka iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka Arimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka furay ayaa sheegay in Wasaaradda ay dhiiragelineyso in dadweynaha ra’yigooda ay ka dhiibtaan arrimaha masiiriga ah ee quseeya dibueegista Dastuurka.

"Wasaaradda waxay aasaastay Madasha ka qeybgalka Dadweynaha taasoo marba looga doodo arrimaha taagan ee quseeya dibueegista Dastuurka. Shalay waxaa miiska noo saran isla jaanqaadida dibueegista Dastuurka iyo doorashooyinka, waxaan soo dhaweyneynaa aragtiyada iyo su’aalaha ay qaabaan dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka.

Ka qeybgalayaashii kulanka ayaa soo jeediyeen aragtiyo iyo su’aallo ku saabsanaa dibueegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, waxaana su’aalahaas si wadajir ah uga jawaabay Wasiir Cabdi Xoosh, Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan, Lataliyaha Madaxaweynaha Maxamed Cabdirisaaq iyo Lataliyaha Ra’iisulwasaaraha Avv Cumar Dhageey.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa sii wadi doonta qabashada kulamada noocan oo kale ah ee dadweynaha ay fikradooda uga dhiibanayaan arrimaha masiiriga ah ee quseeya dibueegista Dastuurka.                          --DHAMAAD

RA’IISUL WASAARE KHAYRE OO BOOQA SHO RASMI AH AY UGA BILAABATAY DALKA SUCUUDIGA.

booqashorasmi ah kheyre sacuudiga ku jooga Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Riyaadh ee dalka Boqortooyada Sucuudiga, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ra’iisulwsaaruhu ka helay dalka aan walaalaha nahay.

Ra’iisulwsaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhow eeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Boqortooyada, iyada oo booqasho laba maalmood ah ay halkaas uga billaa ban eyso.

Ra’iisulwasaaraha ayaa kulamo la yeelan doono mas’uuliyiinta ugu sarsareysa dowladda aan walaalaha nahay ee boqortooyada Sucuudi Carabiya, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada dhaq aalaha iyo aminga.

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya mad axda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maalgelinta iyo dibuhabaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

WASIIRKII HORE EE GAASHAANDHIGGA OO DF KU EEDEEYAY INAY BALAMO UGA BAXDAY ROOBOW

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in aysan sax aheyn in Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo horey uga tirsanaan jiray Ururka Al Shabaab marna noqday kuxige enka hoggaanka ururkaasi uu u tartamo doorashada Koonfur Galbeed.

Bulshada ayaa aad u hadal heysay arrintaasi iyo waqtiga ay dowladda ka hadashay, maadaama ay muddaba cadeyd qorshaha Sheekh Muqtaar Roobow.

Wafdi ka socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo Sheekh Muqtaar Roobow ayaa maalmo kahor kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo, waxayna gaareen is afgarad aanan warbaahinta lala wadaagin.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid Cabdullahi Maxamed oo ahaa shaqsigii bilaabay wada hadalka dhexmaray dowladda federaalka iyo Sheekh Muqtaar Roobow ayaa wuxuu sheegay qaabkii loo balamay in badan oo ka mid ah in dowladda dhankeeda uusan ka fulin.

Wuxuu sheegay qodobada la isku afgartay ee dhanka dowladda uu ka fuli waayay inay ka mid aheyd in si wadajir ah oo dalka iyo dadka dano ah lagu wada hawlgalo, balse arrintaasi iyo kuwa kaleba ay dowladda ka baxday.

"Muqtaar Shabaab mar hore ayuu ka baxay, warkiisana wuu cadeeyay, dagaallo lala galay Shabaab wiilkiisa C/laahi ayaa kaga dhintay, marin habaabin ayaan u aragnaa in Muqtaar markale lagu tiriyo Shabaab, dano siyaasadeed ayaa laga leeyahay arrintan”. ayuu yiri wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya oo la hadlay VOAda.

Wuxuu sheegay intii uu wasiirka ka ahaa wasaaradda gaashaandhigga in lagu balamay Shabaab intooda ku haboon in wada hadal lala galo, inta kalena dagaal toos ah lagu qaado, balse dowladda ayuu tilmaamay inay arrimahaasi meel iska dhigtay oo ay ku mashquushay siyaasadda maamul goboleedyada iyo doorashooyinka 2020ka.

C/rashiid C/laahi ayaa tilmaamay ololaha doorashada Roobow inay soo bilaabatay mar hore dowladda hadii ay dooneysay inay wax saxdana goor hore laga rabay inay soo saarto warqada ay ku hor istaagtay, wuxuuna sheegay in dano siyaasadeed laga leeyahay is hor istaaga lagu sameeyay Roobow.

Sheekh Muqtaar Roobow oo todobaadkii hore tagay magaalada Baydhabo ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, dad badan ayaa aaminsan hadii xilkaasi uu qabto inuu isbedel weyn sameyn karo.

LAMMAANE LA QABTAY "IYAGOO XUBNO BANII’AADAM KU IIBINAYA” DALKA MEXICO

Booliiska dalka Mexico ayaa baaritaan ku haya lamaane la xiray iyaga oo wata xubno banii’aadam, waxaana lala xiriiriyay dilka toban ruux.

Markii ninka la xiray ka dib waxaa la sheegay in uu qirtay in uu 20 haween ah ku dilay goob ka tirsan magaalada Mexico City.

Baareyaasha ayaa xubno banii’aadam ku arkay gurigii ay lamaanahaasi daganaayeen iyo dhismo kale oo aan ka fogayn. Xubnaha ayayna ku hayeen firiij ama qaboojiye.

Baareyaasha ayaa sheegay in lamaanahan ay gadayeen xubnaha jirka dadka balse aysan caddayn cidda ay ka gadayeen.

Dumarka in la dilo ayaa caado ka ah dalka Mexico inta badanna cidna looma ciqaabo, balse faahf aahinta laga helay arrintan ayay caro ka dhalatay, waxaana ka dhashay in ay dadku mudaaharaad ka dhigaan waddooyinka Ecatepec oo ah deegaan ay ku nool yihiin dad danyar ah oo ka tirsan gobolka uu dhibkani ka dhacay.

"Dumarka ay dilaan carruurtoodana way gadi jireen”

Dadka dariska ah ayaa sheegay in lamaanahan ay mar walba wadan jireen gaariga carruurta lagu riixdo, kaas oo markii dambe ay booliisku ka heleen xubnaha jirka.

Booliiska ayaa istaajiyay oo baaray ka dib markii bishii Sebtembar la waayay Nancy Huitron oo 28 jir ah iyo ilmo yar oo ay dhashay Valentina oo labo bilood jiray.

Markii eedaysanaha oo magaciisa lagu sheegay Juan Carlos uu qirtay in uu dilay Huitron waxaa kale oo uu magacabay Arlet Olguín oo 23 jir ah iyo Evelyn Rojas oo 29 jir ahayd, kuwaas oo uu sheegay in uu khaarajiyay.

Dacwad oogeyaashu waxay sheegeen in sidoo kale uu qirtay in uu dumarka tacaddi galmo u gaysan jiray inta uusan dilin, intaas ka dibna uu gadan jiray wixii ay wataan iyo qaybo kamis ah xubnaha jirkooda.

Saddexdaas dumarka ah oo dhamaantood garoob ahaa ayaa la waayay bilihii dhawaa.

Huitron ayaa la waayay lixdii Sebtembar iyadoo uu weheliyo ilmaheedu ka dib markii ay iskuul gaysay labadeeda gabdhood ee waawayn.

Markii gabdhihii la waayay wax iskuulka ka celiya, ayay dariskii qaylo dhaan direen.

Booliiska ayaa helay ilmihii yaraa ee Valentina ahaa kaas oo ay sheegeen in laga gaday lamaane. Intaas ka dibna ayaydii ayaa lagu wareeejiyay.

Isla xisaabtan la’aan

Baareyaashu waxay sheegeen in haweenaydu ay taqaannay Juan Carlos iyo lamaan tiisa ayna ka gadan jirtay dhar iyo cunto.

Baareyaashu waxay sheegeen in Patricia lagu khalday oo loosheegay in ay alaabo kale keeneen oo ay soo aragto.

Booliiska ayaa sheegay in Juan Carlos uu askarta ka codsaday in loo la biso oo suut loo xiro ka hor inta aan saxaafadda la horgaynin "sababtoo ah dambiile wasakh ah ma ihi” ayuu yiri.

Gobolka Mexico waa gobolka dumarka ugu badan lagu waayay dalkaas oo dhan, bishii Janaayo ilaa bishii Abriil ee sannadkan 395 ruux ayaa lagu waayay gobolka Mexico, 207 ka mid ah dadkaas ayaana dumar ahaa.

Goobaha ay rabashaduhu ka jiraan ee dalka Mexico ayaa inta badan dadka lagu waataa, burcad ayaana goobahaas maamusha booliiskuna way ka cabsadaan in ay aadaan

DANJIRE NIKKI HALEY OO ISCASISHAY

Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in danjirihii Mareykanka u joogtay Qaramada Midoobay Nikki Haley ay xilkaasi ka dagi doonto dhawaan.

Kadib kulan shalayy Aqalka Cad ku dhexmaray madaxweyne Trump iyo Haley ayuu Trump ku sheegay in Haley ay xilkaasi banneyneyso marka la gaaro dhammaadka sannadkaan.

Madaxweyne Trump ayaanan faahfaahin sababta ay xilka uga dageyso ergaygi Mareykanka u fadhiday Qaramada Midoobay, balse wuxuu sheegay inuu rajo ka qabo in Haley ay maamulkiisa dib ugu soo laabato kana qabato xil kale.

Ka hor inta aysan Mareykanka u matalin Qaramada Midoobay, Haley waxay aheyd barasaabka gobolka South Carolina oo ay ka noqotay haweeneydi ugu horreysay ee xilkaasi kusoo baxda. Mar kale ayaa loo doortay gudoomiyaha gobolkaasi sannadki 2014.

GO'AAMO LAGA SOOSAARAY COLAADII KONFURTA GOBOLKA SOOL

Gudigii u fadhiistay xalinta khilaafaadka u dhaxeeya laba beelood oo mudadii u danbaysay ku shirayay magaalada Laascaanood iyo maamulka gobolka ayaa manta xukun ku riday labadii beelood ee colaadu ku dhex maratay koonfurta gobolka Sool kaasi oo u qoraa sidatan.

1. Labadii nin ee dilka ku fuliyay Cabdi weli (Dhiindhiinshe) in lasoo qabto oo maxkamadda la horkeeno oo wixii sharcigu ku xukumo lagu fuliyo.

2. Labaatankii qof ee dhummay ku dhintay ee midi gabadha ahayd in laga bixiyo mag shareeco oo ah ninka boqol halaad. Gabadhana konton. Laguna bixiyo muddo lix bilood ah.

3. In berri la keeno duugtii oo ah calaa qof kun doolar.

4. In la keeno sabtida furkii oo ah xaga bahararsame labo qori iyo labo gaadhi. Xaga Cabdigaraadna afarta qori ee ay qirran yihiin iyo baastooladda oo ay iska soo caddeeyaan.

5. Qiimayntii dhaawaca iyo khasaarihii hantiyeed waxaa dib loogu dhigay waqtigay ku habboon tahay.

GO'AANKII DHAQANKA.

1. Afartii nin ee guriga lagala baxay waxay ka xukumeen min 20 halaad oo Tacsiir ah.

2. Weerarkii tiknikada ee magaalada waxay ka xukumeen konton halaad oo tacsiir ah.

GO'AANKII MAAMULKA.

1. Waxay xukumeen ciidamada iyo tiknikada labada beelood ee iyaga maamulkooda ka tirsan ciddii fal ka qayb qaadata in maxkamad mullatari lasoo taago doono.

2. Inaan la arki karin ciidammo malaysiyaad beeleed ah oo is urursanaya ama meel ku sugan.

3. Magaalooyinka la wada degan yahay inay yihiin goobo ka caagan hubka kiisa culus iyo kiisa fududba.

4. Ciddi ka hortimaadda ama fulin weyda waajibaadka laysa siiyay oo dhan in meel looga soo wada jeesanayo.

Qodobadan ayaa la rajaynayaa in ay noqdaan kuwa meel mara iyadoo sanadkii la soo dhaafay colaadan raagtay la soo afjaray hase yeeshee dib u qaraxda bishii aynu soo dhaafnay.

SOMALILAND OO KA HADASHAY DAGAAL KA DHACAY DEEGAANKA TUKO RAQ

Wasiir ku xigeenka warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Maxamed Muuse Abees ayaa ka warbixiyey dagaal habeen hore ku dhexmaray deegaanka Tuko raq ciidanka Somaliland iyo ciidanka Puntand.

Wasiirku waxa uu sheegay in dagaalkaasi hal askari kaga dhintay, waxaanu tilmaamay in ciidankaasi ku soo qaadeen weerar ku dhufo ka dhaqaaq.

"Sagaalkii habeeninimo wakhti roobab da’ayeen ayey weerar ku soo qaadeen ku dhufo ka dhaqaaq ah maleeshiyada maamulka Puntland, waxay siteen hub casri ah oo ay ka mid yihiin qalabka habeenkii dagaalka lagu gallo ee la xidho iyo hub kale oo loogu tallogalay argagixisada in lagula dagaalamo ayey isticmaalayeen, markiina jawaabtii way heleen oo dib baa loogu celiyey halkii ay ka yimaadeen”ayuu yidhi Abees.

Mar uu ka hadlayey khasaaraha dagaalkaasi sababay waxa uu yidhi "Waxa nagaga dhaawacmay hal askari oo markii dambe u geeriyooday wax kale oo khasaare ah oo Somaliland ka soo gaadhay ma jirto, iyagana dhawac iyo dhimashaba waanu gaadhsiinay.”

Wasiirku waxa uu sheegay in dulqaadkii ka dhamaaday,isla markana wixii ay xeerinayeen ee beesha caalamku ka dalbaday ay dhankooda fuliyeen, haseyeesheee aanay mar dambe difaac uun ku jiri doonin ee ay talaabo ka qaadi doonaan ciidamada maamulka Puntland.

DANJIRE NIKKI HALEY OO ISCASISHAY

Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in danjirihii Mareykanka u joogtay Qaramada Midoobay Nikki Haley ay xilkaasi ka dagi doonto dhawaan.

Kadib kulan shalayy Aqalka Cad ku dhexmaray madaxweyne Trump iyo Haley ayuu Trump ku sheegay in Haley ay xilkaasi banneyneyso marka la gaaro dhammaadka sannadkaan.

Madaxweyne Trump ayaanan faahfaahin sababta ay xilka uga dageyso ergaygi Mareykanka u fadhiday Qaramada Midoobay, balse wuxuu sheegay inuu rajo ka qabo in Haley ay maamulkiisa dib ugu soo laabato kana qabato xil kale.

Ka hor inta aysan Mareykanka u matalin Qaramada Midoobay, Haley waxay aheyd barasaabka gobolka South Carolina oo ay ka noqotay haweeneydi ugu horreysay ee xilkaasi kusoo baxda. Mar kale ayaa loo doortay gudoomiyaha gobolkaasi sannadki 2014.

SHABAAB OO XUKUN DIL AH KU FULIYAY SHAN NIN

Maxkamadda Al Shabaab ee ku taalla degmada Jilib ayaa gelinkii dambe ee shalay xukun dil ah ku fulisay Shan nin oo lagu eedeeyay in ay basaasiin u ahaayeen hay’adaha sirdoonka reer galbeedka.

Dadweyne la isugu keenay fagaare ku yaalla degmada jillib ayaa daawanayay qisaasta lagu fuliyay raggan oo da’dooda ay u dhaxeysay 22 ilaa 36 sano.

Qaadiga Maxkamadda AlShabaab ayaa sheegay in raggaan ay qirteen falka lagu soo eedeeyay, islamarkaana xukunkooda uu noqday dil.

Saraakiisha Al Shabaab ee goobta ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in sidan loo tooganayo qof walba oo basaas u noqda hay’adaha sirdoonka reer galbeedka.

Xukunada noocaan oo kale ah ayey Shabaab ka fuliyaan gobolada dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalooyinka ay joogaan iyaga oo sheegaya qofka falka lagu fulinayo inuu sameeyay qiraal.

MAREYKANKA OO SHEEGAY INUU DUQEYN KA GEYSTAY KUUNYO BAROW

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay diyaaradaheeda aan duuliyaha laheyn in duqeyn hor leh ay ka geysteen Sabtidii ina dhaaftay degaanka Kuunyo Baroow ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa wuxuu sheegay duqeyntan oo lala beegsaday saldhig ururka Al Shabaab ay leeyihiin in lagu dilay xubin ka tirsan Al Shabaab.

Sidoo kale Mareykanka ayaa qoraalkiisa ku sheegay duqeyntan oo ay garab ka siiyeen ciidanka gaarka ah ee Kummaandooska Soomaaliya inaan qof shacab ah lagu waxyeeleyn, maadaama bartilmaameedka uu ahaa mid qorsheysan.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin gobolada dalka.

Al Shabaab ayaa dhawr mar lagu bartilmaameedsaday degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya, halkaasi oo gaadiid looga gubay saraakiilna looga dilay duqeymo kala duwan oo ka dhacay.

SIYAASI DA' YAR OO LAGU DILAY AFGHANISTAN

Nin dhalin yaro ah oo u taagnaa xilka xubin kamid ah baarlamaanka dalka Afghanistan ayaa kamid ahaa dad gaaraya sideed ruux oo lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay gobolka koonfurta dalkaas kuyaal ee Helmand, sida ay saraakiisha dalkaasi sheegeen.

Qofka weerarka qaaday ayaa isku qarxiyey gudaha xafiiska Salem Mohammad Achakzai oo kuyaal magaalada Lashkar Gah. Kow iyo toban kalena way ku dhaawacmeen.

Waa weerarkii labaad oo ismiidaamin ah oo lagu bartilmaameed saday musharax u tagaan kamid noqoshada baarlamaanka dalkaas intii lagu jiray olo'olaha dorashada dhacaysa 20ka bishan October.

Kooxda Taliban iyo ururka isku magacaaba dawladda Islaamiga ah ayaa sheegay in ay carqaladaynayaan doorashada.

Majirto koox sigaar ah u sheegatay qaraxyadii u dambeeyey, kuwaas oo madaxweyne Ashraf Ghani uu ku eedeeyey argagixisada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Helmand ayaa muddo dheer ahayd fariisin ay ku xoogganaayeen ururka Taliban, kuwaas oo xukunka looga tuuray duullaankii uu Maraykanku hoggaaminayey ee sanadkii 2001dii. Omar Zwak, oo ah afhayeenka guddomiyaha gobolka Helmand, ayaa sheegay in weerarku uu ka dhacay gudaha xafiiska ol'olaha ee Mr Achakzai markay saacadda dalkaasi ahayd 14:30 (10:00 GMT).

Achakzai, oo 32 jir ahaa ayaa ahaa ganacsade markii ugu horraysay u tartamayey xubin baarlamaan asagoo ku ololaynayey "isabaddal dhanka wanaagsan ah"

Dhimashadan ayaa ka dhigaysa tirada murashixiinta la dilay ilaa lix murashax, sida ay sheegtay AFP.

Ku dhawaad 2,500 oo murashax ayaa ku tartamaya doorashada.

SHAQAALAHA DOWLADDU XUBIN MA KA NOQON 

KARAA XISBIYADA SIYAASADDA?

shaqaalaha dow3ladda xisbiyada maka mid noqonkaraanSoomaaliya waxa ay u socotaa heerkii ay dowladnima deedu ku billaabatay oo ah hannanaka xisbiyada bad an, sidaas awgeed waxaa kadhismaya xisbiyo siyaasadeed oo hordhac u ah kaqaybgalka muwaadiniinta ee siyaasadda iyo hoggaanka dalka.

Habka ay xisbiyadu siyaasaddu u dhismayaan iyo hirgelinta hannaanka xisbiyada badanwaxa uu Baarlama anku ka soosaaray xeerka dhismaha xisbiyada siyaasadda ee Xeer Lr: 19, summadiisu tahay1300/3/1/9/16, soona ba xay 27062016

Kaas oo maamulaya dhammaan wixii la xiriira sam eynta xisbiyada siyaasadda, waxaana suuragal ah in xisb igii aan xeerkaas raacin ama kusoo baxa hab aan xeerka as waafaqsanayn uusan xaq u yeelan doonin kaqaybqaa dashada siyaasadda.

Sida kuxusan qodobka 11aad ee xeerka dhismaha xisbiyada siyaasadda waxaa jira muwaadiniin aan kaqab geli karin dhismaha xisbiyada siyaasadda islamarka ana aan asaasayaal iyo xubno ka noqon karin xisbi siyaasi ah, waxa kamid ah Ciidanka, shaqaalaha ma am ulka wasaa radaha, Danjirayasha, shaqaalaha maxk amad aha iyo garsoorka, hay’adaha gargaarka ee dowlad da iyo guud ahaan shaqaalaha dowladda.

Qodobka 11aad:

Xubnaha Ka Reeban Ka Mid Noqoshada Xisbiyada Siyaasadda.

Ciidamada Qalabka Sida

Garsoorayaasha Maxkamadaha Dalka

Hawlwadeenada Safaaradaha (Diplomaasiyiinta)

Dhamaan Shaqaalaha dawladda waxaa ka reeban Inuu kamid noqdo

asaasayaasha ama xubin xisbi siyaasadeed, Inuu ka qeybqaato ololeynta ama

dardargelinta hawlaha xisbi iyo kulammadiisa, Inuu muujiyo ujanjeerida xisbi

siyaasadeed si oraah ama qoraal ah oo wax u dhimi karta

dhexdhexaadnimadiisa.

Xubnaha Baarlamaanka iyo laanta fulintu waa ay Asaasi karaan xubnana waa ka noqon karaa xisbiyada siy aasadda, sidaasna waxaa u ogolaanaya dastuurka iyo xeerka xisbiyada siyaasadda.

Haddaba waxa jira shaqaale kashaqeeya hay’adaha dowladda sida wasaaradaha, maxkamadaha iyo gudd iya da madaxa bannaan oo lagayaabo in aanay fahamsan ayn in xeerku kareebayo in ay xisbiyo siyaasadeed kamid noq daan ama u ololeeyaan oo hadda isu diyaarinaya ka mid noqoshada xisbiyada siyaasadda ama wada taageero iyo u ololeyn.

Muwaadiniintakuxusan qodobka 11aad ee xeerka xisbiyada ee aan kaqaybgelin dhismaha iyo ololaha xisbi yada siyaasadda waxa u furan in ay shaqada dowl adda katag aan haddii ay doonayaan in ay kaqay bgalaan dhis maha xisbiyada siyaas adda, balse suuragal ma aha in shaqaale dowladda u haya waajbaadka ku xusan qodob kaas uu haddana u ololeeyo aa kamid noqdo xisbi siyaa sadeed.

Haddaba waxa saran shaqaa laha dowladda ee wada dhismaha iyo olaha xisbiyada siyaasaddu in ay shaq da banneeyaan kahor inta aanay ka mid noqon ama u ololeyn xisbi siyaasi ah

WQ: Axmed Ciise Guutaale

{Dersa Sharciga & Qaanuunka}

xigasho:Shaaciye.com

BOGGA CAYAARAHA

Lionel Messi oo ka mid ah Shanta ciyaaryahan ee ugu dambeesay ee lagu dhawaaqay

Football ayaa shaacisay liiska shan ciyaaryahan oo kale kuwaasi oo ku biiraya 20 ciyaaryahan oo goorhore lasoo saaray.

Liverpool-news-Barcelona-Lionel-Messi-956862
Kabtanka Kooxda Barcelona iyo Xulka Argentina Lionel Andreas Messi ayaa hogaaminaya shantan ciyaa ryahan.

Messi ayaa abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan aduunka Bollon d’or ku guuleeystay shan jeer waxaana uu haatan kamid yahay musharixiinta.

Dhanka kale kubad abuuraha Manchester United Paul pogba iyo superstarka kooxda paris saint germain Neymar jr ayaa kamid ah liiskan.

1- Lionel Messi Barcelona/Argentina

2- Luka Modric Real Madrid/Croatial

3- Neymar Paris saint germain/Brasil

4- Jan Oblak Atletico Madrid

5- Paul Pogba Manchester United/France



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip