Madaxweynaha Somaliya oo ka qaybgalay xaflad lagu xusaayay 2-sano guuradii ka soo wareegatay markii Gaas la doortay (SAWIRRO)

0
Saturday January 09, 2016 - 10:02:19 in Wararka by
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliya oo ka qaybgalay xaflad lagu xusaayay 2-sano guuradii ka soo wareegatay markii Gaas la doortay (SAWIRRO)

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, wuxuu kaga qaybgalay xaflad lagu xusaayay labo sano guuradii ka soo wareegatay markii xilka loo doortay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, wuxuu kaga qaybgalay xaflad lagu xusaayay labo sano guuradii ka soo wareegatay markii xilka loo doortay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas).

Xaflada oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka qaybagalay masuuliyiin kala duwan oo Somali iyo Ajaanib isugu jirtay, kuwaasi oo isugu tagay Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali, ayaa sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay Puntland ay gaartay horumaro kala duwan oo ku saabsan dhanka Siyaasada iyo Ammaanka.

Waxa uu sheegay in horumaro ballaaran lagu tilaabsaday oo ay ka mid yihiin Dhismaha Garoonka Magaalada Boosaaso oo shalay un la furay iyo wadooyin muhiim ah oo deeganada Puntland laga hirgeliyay.

Madaxdii meesha ka hadashay ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Puntland horumarada kala duwan ee uu halkaasi ka sameeyay, labadii sano ee la soo dhaafay ee uu xilka haayay.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Somaliya ayaa qiray in deeganada Puntland ay ka jirto ammaan buuxa iyo horumaro kala duwan.

Waxa uu ku ammaanay Madaxweynaha Puntland dadaalkii iyo kaalintii uu ka geystay daminta colaadii ka taagneyd Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, taasi oo u dhaxeysay Galmudug iyo Puntland.

8-Janaayo sanadkii 2014 ayaa loo doortay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas xilka maanta uu haayo.

Gaas 1Gaas 2Gaas 3Gaas 4Gaas 5Gaas 6Gaas 7Gaas 8Gaas 9Gaas 10Gaas 11Gaas 12






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip