Ninka la soo qabtay ayaa lagu magacaabaa Ikirima Shosi, waxaana shalay oo Jimco aheyd laga soo qabtay guri Booliska ay ka sameeyeen howlgal gaar ah.
5-tii Bishan ayuuIkirima Shosi ka baxsaday howlgal ciidamada ay ka sameeyeen Magaalada Mombasa, isaga iyo rag kale oo Shabaab ka tirsan.
Saraakiisha ciidamada Booliska Mombasa waxa ay sheegeen inay wadaan baaritaan ku aadan ninkaan Shabaabka ka tirsan.
Arimaha ugu waaweyn ee hada la weydiinaayo ayaa la sheegay inay tahay macluumaadka ku saabsan ragga kale ee Shabaabka ah ee isaga la howlgeli jiray ee ka baxsaday howlgalkii 5-tii Bishan lagu soo qaban rabay.
Rag taageersan fekerka Shabaabka ayaa ka howlgala Magaalada Mombasa ee dalka Kenya, kuwaasi oo isugu jira Somali iyo Kenyan dalkaasi u dhashay.



0 



Sarkaal ka tirsan Shabaab oo Kenya lagu qabtay
Sarkaal ka tirsan Ururka Shabaab, gaar ahaan qaybta ka howlgasha Magaalada Mombasa ee dalka, ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Booliska Magaalada Mombasa, sida ay sheegeen Saraakiisha ciidanka ammaanka.