
DEG DEG: Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay bar koontaroolka hore ee Madaxtooyada iyo goobta uu ka dhacay la sheegay
Qarax aad u xoogan ayaa goor dhow laga maqlay magaalada Muqdisho, iyadoo qiic iyo uuro laga arkayay, waxaana qaraxan uu dhacay xilli lagu jiray salaada Maqrib. Sida ay sheegayaan wararka qaraxan ayaa ka dhacay banaanka
Madaxtooyada, gaar ahaan Bar koontaroolka ugu horeeya ee xiga dhinaca
Hotelka SYL ee wadada Laamiga.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxa oo ahaa nuuca ay Soomaalida u taqaano Qooqan.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu waxyeelo u geysteen gidaarka Hotelka SYL oo ku dhow wadada laamiga ee u leexata Madaxtooyada.
Xilliga uu Qaraxa dhacayay ayaa xarunta Madaxtooyada waxaa Wariyeyaasha loogu akhrinayay war murtiyeedka laga soo saaray shirkii wada tashiga ee looga hadlayay arrimaha doorashooyinka.
Waxaa aad u adag in la helo faah faahin ku aadan khasaaraha uu sababay qaraxan, inkastoo badanaa ay bar koontaroolka hore ee laga ilaaliyo Madaxtooyada ay ku sugan yihiin ciidamo.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
DEG DEG: Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay bar koontaroolka hore ee Madaxtooyada iyo goobta uu ka dhacay la sheegay
Qarax aad u xoogan ayaa goor dhow laga maqlay magaalada Muqdisho, iyadoo qiic iyo uuro laga arkayay, waxaana qaraxan uu dhacay xilli lagu jiray salaada Maqrib.