Booliska Faransiiska oo toogasho ku dilay nin mindi ku hubeysnaa (SAWIRRO)

0
Friday January 08, 2016 - 19:00:18 in Wararka by
  • Visits: 978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Faransiiska oo toogasho ku dilay nin mindi ku hubeysnaa (SAWIRRO)

    Ciidanka Booliska Magaalada Paris, ayaa waxay Khamiistii ka hortaggeen nin mindi ku hubeysnaa, oo doonaayay inuu gudaha u galo Saldhig Boolis oo ku yaala Magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Booliska Magaalada Paris, ayaa waxay Khamiistii ka hortaggeen nin mindi ku hubeysnaa, oo doonaayay inuu gudaha u galo Saldhig Boolis oo ku yaala Magaaladaasi.

Ninkan, ayaa wuxuu watay teleefanka gacanta iyo warqad yar, oo uu ku sawiran yahay Calanka (Astaanka) Ururka Daacish, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska Paris.

Ciidan fara-badan oo gaaray halka lagu toogtay ninkaasi, ayaa waxay xireen wadooyinka, waxaana jiray dad badan oo baaritaano lagu samaynaayay, intii uu hawlgalku ka soconaayay halkaasi.

Toogashadan, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, sanad ka dib markii la weeraray Wargeyska Charlie Hebdo, weerarkaasi oo dhacay 7-dii bishi January ee sanadkii 2015-ka.

Madaxweynaha Fransiiska, François Hollande, ayaa ku ammaanay Ciidanka Booliska inay difaaceen qaab nololeydka Faransiiska, xilli uu khudbad ka jeedinaayay xus loo sameeyay sanad guuradaasi.

"Waxay ciidamadeena dalka dibadiisa kula dagaalamayaan Daacish, waxaan ka gaarnay natiijo wanaagsan. Kooxdan argagaxisada hoos ayay u dhaceysaa gudaha Faransiiska. Waxaana ku daba joognaa argagaxisada.” Ayuu yiri Madaxweynaha Faransiiska.

Madaxweynaha, ayaa yiri "Waan kala fur fureynaa xiriirkooda, waxaan xireynaa meelaha ay lacagaha ka hellaan iyo ururada caawiya argagaxisada. Si aan u wajahno arrintan, waxaan u baahanahay waxyaabaha lagama maarmaanka ah.”

ParisParis1Paris2Paris3Paris4Paris5Paris6Paris7Paris8Paris9






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip