Marwda Koowaad ee Madaxweynaha oo qalab dhismo ugu deeqday xarunta wasaaradda howlaha guud

0
Thursday January 07, 2016 - 23:25:57 in Wararka by
  • Visits: 1029
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwda Koowaad ee Madaxweynaha oo qalab dhismo ugu deeqday xarunta wasaaradda howlaha guud

    Marwada koowaad ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa deeq qalab dhisme ahgaarsiisay xarunta Wasaradda Howlaha guud oo hadda dhismaheedu ka socdo Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marwada koowaad ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa deeq qalab dhisme ahgaarsiisay xarunta Wasaradda Howlaha guud oo hadda dhismaheedu ka socdo Muqdisho.
Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Marwo Qamar Cali Cumar ayaa deeqda ay gaarsiisay xarunta Wasaaradda howlaha guud waxa ay ka koobneyd Shamiindo, Alwaax, biraha guryaha lagu shubo, carro iyo Jaay, iyadoo wakiillo ka socday Marwada ay ku wareejiyeen Wasiirka Wasaraddaasi Eng. Saalax Sheekh Cismaan, asigoo wasiirku ka warbixiyey halka uu marayo dhismaha Wasaaradda oo socday maalmihii la soo dhafey.

Dr. Maryan Maxamed Xuseen oo aheyd wakiilka Marwada koowaad ee Madaxweynaha Dalka Qamar Cali Cumar ayaa ka warbixisay kaalmada qalabka dhimaha ah ee ay Marwo Qamar ugu deeqday Wasaaradda howlaha guud, iyadoo xustay in kaalmadani qeyb ka tahay taba rucaadda lagu dhisayo xarunta Wasaaraddaasi.

Eng. Saalax Sh. Cismaan Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud, dib u Dhiska iyo guriyeeynta oo guddoomay qalabkaasi ayaa ugamahadceliyey Marwada Koobaad ee Madaxweynaha Soomaliya Qamar CaliCumar sida ay hormuudka ugu noqotay gacan ka geysashada dib udhiska xaruntii wasaradda howlaha guud, isagoo sheegayin qalabkani uu fududeeyey dhismihii Wasaradda oo agab la’aan u fadhiyey, wuxuunaugubaaqay bulshada Soomaaliyeed ee kala joogta dalka iyo dibadda iney ka qeybqataan dib u dhiska dalkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaakal hore ku dhawaaqey in si wada jir ah looga qeyb qaato mashruuca dalkaaga dhiso, waxana loogafadhiya muwaadiniinta Soomaaliyeed iney si waddaniyad leh uga qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip