
Xukuumadda Federaalka Somalia oo sheegtay in ay xiriirkii siyaasadeed u jartay dowladda Iiraan
"Mas’uuliyiinta Safaaradda dalka Iiraan iyo hay’adda Al-Khudmeyni Waxay si joogto ah u booqdaan degmooyin ka tirsan dalka, iyagoo aan ogeysiinin wasaaraddaha ku shaqada leh, waxayna isku dayeen inay abuuraan kooxo hubeysan oo la mid ah kuwa ka jira; wadamada Yemen, Lubnaan iyo Ciraaq,” ayaa lagu xusay warbixin ay golaha wasirrada ka jeediyeen mas’uuliyiin ka socdaywasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.
.jpg)
Eedaha loo jeediyay dowladda Iiraan ayaa waxaa ka mid ahaa weerarkii foosha xumaa ee loo geysatay safaaradda boqortooyada Saudi Arabia ay ku leedahay magaalada Tehran ee xarunta dalka Iiraan.
Gaba-gabadii, golaha wasiirrada Somalia ayaa waxay go’aamiyeen in dowladda Somalia ay xiriirka Dublamaasiyadeed u jarto Xukuumadda Iiraan, maadaama ay ku xad-gudbeen xeerka caalamiga ahaa ee Vienna (Vienna Convention).
Dhanka kale, war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go’aankaan lagu Wargeliyay sii-hayaha Safiirka safaaradda Iiraan ee Somalia, isla markaana dublamaasiyiinta Iiraan ee ku sugan Soomaaliya lagu wargeliyay in ay dalka uga baxaan muddo 72-saacadood ah.
Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa xilli inta badan waddamada Islaamka ah ay xiriirka u jareen dowladda Iiraan, kaddib markii Axaddii lasoo dhaafay ay dowladda Sucuudiga si rasmi ah ugu dhawaaqday inay xiriirkii u jartay dalka Iiraan.
Haddaba, AKHRISO; War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia;



0 



Xukuumadda Federaalka Somalia oo sheegtay in ay xiriirkii siyaasadeed u jartay dowladda Iiraan
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shir ay maanta golaha wasiirrada Soomaaliya ku yeesheen Muqdisho lagu go'aamiyay in xiriirka siyaasadeed loo jaro dalka Iiraan, waxaana war-saxaafadeed ay maanta soo saaray wasaarada arrimaha dib