
Shabaab oo weerar culus ku qaaday Deegaanka Goofgaduud ee Gobolka Baay
Shabaabka ayaa galay qayb ka mid ah Deegaanka Goofaduud, kadib markii ay u awood sheegteen ciidamada Dowladda, balse dagaal kulul ayaa halkaasi ka dhacay ka hor inta aysan galin Shabaabka.
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Dagaalka ayaa la geeyay Magaalada Baydhabo, gaar ahaan Isbitaalka Magaalada sida Suxufiyiinta Baydhabo ku sugan ay soo sheegayaan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Shabaabka ay qabsadeen guud ahaan Deegaanka Goofgaduud oo Qiyaastii 30-KM u jirta Degmada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa ka ambabaxay Magaalada Baydhabo si ay weerar ugu qaadaan Shabaabka qabsaday Deegaanka Goofaduud.
Weli Saraakiisha ciidamada faah-faahin rasmi ah kama aysan bixin inta uu la eeg yahay Khasaaraha ka dhashay Dagaalka ka dhacay Deegaankaasi.
Shabaab ayaa Baraha Inter-netka ee wararka ku faafiyaan ku qoray inay la wareegeen gacan ku haynta Deegaankaasi oo hada iyaga ay maamulayaan.
XIGASHO;-DHACDO,COM


0 


Shabaab oo weerar culus ku qaaday Deegaanka Goofgaduud ee Gobolka Baay
Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Goofgaduud ee Gobolka Baay, ayaa sheegaya in Xoogag ka tirsan Ururka Shabaab ay weerar culus saaka ku qaadeen Deegaankaasi.