Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi oo sheegay Maamulka Bakool Sare inay raacinayaan Hiiraan & Sh.dhexe

0
Thursday January 07, 2016 - 12:13:13 in Wararka by
  • Visits: 876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi oo sheegay Maamulka Bakool Sare inay raacinayaan Hiiraan & Sh.dhexe

    Iyadoo Magaalada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, looga dhawaaqay maamul la magaca baxay Bakool Sare, ayaa Xildhibaanadii Doorka ka qaatay dhismaha Maamulkaasi waxa ay sheegayaan inay raacinayaan Maamulkaasi, Maamulka loo sameynaayo Hiiraan iyo Shabeella

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo Magaalada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, looga dhawaaqay maamul la magaca baxay Bakool Sare, ayaa Xildhibaanadii Doorka ka qaatay dhismaha Maamulkaasi waxa ay sheegayaan inay raacinayaan Maamulkaasi, Maamulka loo sameynaayo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi (Xeroow) oo Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, ayaa sheegay in Maamulka Bakool Sare labo jiho midkood la raacinaayo, kol hadii uu ka go’ay Maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay in wadada u furan Maamulkaasi inay tahay inuu raaco Maamulka Jubbaland ama inuu raaco Maamulka loo dhisaayo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, balse ay u badan tahay sida uu yiri inuu raaco Maamulka loo dhisaayo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sababta loogu badiyay inay raacaan Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe loo sameynaayo, ayaa waxa uu ku sheegay inay tahay dadka ku nool Degmada Ceelbarde in noloshoda ay ku xiran tahay Magaalada Baledweyne, maadaama xuduuda Bakool iyo Hiiraan ay halkaasi ka wadaagaan.

"Maamulka Bakool Sare wuxuu raacayaa Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, Dadka Ceelbarde noloshooda ayaa Baledweyne ku xiran marka waxa ay la tahay in halkaasi loo badinaayo oo uu dhankaasi raacayo.” Ayuu yiri Xildhibaan Xeroow.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekunaa ayaa sheegay in cid waliba oo wax ka tabanaysa Maamulka Koonfur Galbeed ay la hadlayaan si loo dhameeyo tabashooyinka.

Xigashoo:dhacdo.com






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip