Waad ogtihiin Siilaanyo iyo Saleebaan Waa da' oo bartoodii Anigaa Fadhiisanaya oo idiin Odaya".

0
Thursday January 07, 2016 - 11:04:19 in Wararka by
  • Visits: 953
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waad ogtihiin Siilaanyo iyo Saleebaan Waa da' oo bartoodii Anigaa Fadhiisanaya oo idiin Odaya".

    Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa gaadhay magaaladda Caynabo isla markaana xadhiga ka jaray xafiis cusub oo xisbiga UCID ku yeelan doono guud ahaanba gobolkaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa gaadhay magaaladda Caynabo isla markaana xadhiga ka jaray xafiis cusub oo xisbiga UCID ku yeelan doono guud ahaanba gobolkaa. Gudoomiye Faysal oo madasha xadhig ka jarida xafiiskan cusub ka hadlay ayaa yidhi; " Socdaalkani maaha kambayn, waa socdaal nabadeed. Maanta magaaladiini waxay noqotay magaaladii madiintul salaam (magaaladii nabadgalyadda), siday Boorame ahayd 1993-kii nabad baa ka bilaabmatay barigga ilaahay ajarkeeda ha idin siiyo. Nabada timi ee reer kalabaydh yimaadaan ee idinku aad gogasha dhigteen Somaliland oo dhan nabadaasi way gaadhi doontaa, taasaanu doonaynaa in aanu aniguna gacan wayn ka gaysanno .” Faysal wuxuu hadalkiisaa sii raaciyay oo uu yidhi; "Waxaad ogaatan reer Caynabooy in aanay dawladnimadeennu taam ahayn haddii aynu kala maqannahay, beelaha reer Somaliland haddii aanay isku aragti ahayn oo meel ka soo wadda jeedin oo gooni isu-taaga iyo qaranimadda Somaliland wada ilaalin inoo hirgali mayso, si ay inoogu hirgasho waa in aynu walaaladeen qancinno,xigmadi kuma jirto in aynu isku dilo Somaliya aynu raacno iyo raaci mayno. " Sidoo kale, Gudoomiye Faysal wuxuu sheegay in dhibaato lagala kulmay midnimadii soomaaliweyn "Somaliya waataynu raacnay wixii naga gaadhayna waataynu ogayn, ilaahay inaguma celiyo ee inooga duceeya inuu ilaahay mara boobtan inaga furfuro. Waad ogtihiin Siilaanyo iyo Saleebaan Waa da’ oo bartoodii Anigaa Fadhiisanaya oo idiin Odaya”. Socdaalka Caynaba ka dib Faysal Cali waraabe wuxuu xafiis ka furay magaalaada Laascaanood ee gobolka Sool.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip