Nin Muqdisho Lagu Dilay Ka dibna La Gubay Daawo Sawirada iyo Vidio-ga arrintaas la xiriira.

0
Thursday September 20, 2018 - 22:22:20 in Wararka by
  • Visits: 880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Muqdisho Lagu Dilay Ka dibna La Gubay Daawo Sawirada iyo Vidio-ga arrintaas la xiriira.

    Dhacdadaan Oo Aad Looga Naxay Ayaa Maanta Waxa Ay Ka Dhacday Xaafada Towfiiq Ee Degmada Yaaqshiid Gobolkaan Banaadir,Waxana La Sheegay In Nin La Dilay Kadibna La Gubay. Ehelada Ninkaas oo lagu Magacaabo Axmed Muqtaar Saalax ayaa waxa ay ka sheekeeye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhacdadaan Oo Aad Looga Naxay Ayaa Maanta Waxa Ay Ka Dhacday Xaafada Towfiiq Ee Degmada Yaaqshiid Gobolkaan Banaadir,Waxana La Sheegay In Nin La Dilay Kadibna La Gubay. Ehelada Ninkaas oo lagu Magacaabo Axmed Muqtaar Saalax ayaa waxa ay ka sheekeeyeen qaabka ninkaasi loo dilay kadibna loo gubey. Ninka oo ka soo jeeda beesha Jareerweyne ayaa waxaa mudo saddex bilood ka hor uu gabar u doonay Wiil oo Adeer u yahay ,waxana siiyey Gabadha Abaheed balse sida la sheegay waxaa u diiday Gabadha Hooyadeed iyo Walaalaheed,kuwaas oo Maanta ku weeraray Garaashkii uu joogay. Kooxo isugu jirta Haween iyo Rag oo ah Ehelka Gabadha ayaa ku weeraray Baangado iyo Warano,iyaga oo ugu tegay Garaash uu ku lahaa Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid kadibna ay baangado la dhaceen,dhaawac culus oo soo gaarey kadib ay gubeen.

Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Muqtaar Saalax ayaa waxa uu ifka kaga tegay 12 Carruur ah,isaga oo garaash ku lahaa Xaafada Towfiiq degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir.Sababaha ugu weyn oo Wiilka ay uga soo horjeesteen Hooyadha dhashay Gabadha iyo Walaalaheed inuu guursado Gabadhooda ayaa lagu sheegay inay ku doodeen in Beesha Wiilka uu ka dhashay aysan u qalmin Gabadhooda.

Dhacdadaan Maanta ka dhacday xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid gobolkaan Banaadir ayaa waxa ay ka mid tahay dhacdooyinka ku Cusub dalka,waxaana maalmihii la soo dhaafay soo badanayey dadka isdilaya.

Warbixintaan oo Muuqaal ah Caawa ka Daawo Dalsan TV ama Barta Facebook ee Dalsan TV

HOOS K A FIIRSO



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip