Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay ka walacsan tahay Xadgudubka Israel ee Masjidka Al-Aqsaa.

0
Monday September 21, 2015 - 12:46:05 in Wararka by
  • Visits: 846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay ka walacsan tahay Xadgudubka Israel ee Masjidka Al-Aqsaa.

    Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay sida ay uga walaacsan tahay xadgudubka Israel ee Masjidka Al-aqsa,waxayna ay sheegtay in dhacdooyinka hadda ka socda dhulka Falastiin iyo ku xadgudubka Masjidka Barakeysan ee Al-aqsa inuu yahay mid jabinaya qaynuunk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay sida ay uga walaacsan tahay xadgudubka Israel ee Masjidka Al-aqsa,waxayna ay sheegtay in dhacdooyinka hadda ka socda dhulka Falastiin iyo ku xadgudubka Masjidka Barakeysan ee Al-aqsa inuu yahay mid jabinaya qaynuunka iyo sharciyada caalamka. Wasaaradda arrimaha dibada Soomaliya ayaa si kulul u cambaareysay xooga ay saraakiisha Israel ku galeen Masjidkaasi, weerarka iyo hareereyn dadka saalada ku tukada masjidka ay ku hayaan.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya waxay sheegtay in Israel ay qaadi doonto cawaaqib xumada ka dhalata falalka cadowtanimada ku dheehan.



Wasaaradda Arimaha dibada Soomaaliya ayaa ku celisay inay diidan tahay siyaasada gumaysiga ah ee Israel ku hayso shacabka Falastiin, waxayna ka digtay siyaasada fashilan ee Israel ee dilka, xariga iyo baqdin galinta inay ka dhalan doonaan cawaaqib aan la mahdin doonin lana soo dhaweyn doonin.

Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii ugu baaqday beesha caalamka in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo faragaliyo Xadgudubka Israel ee ka dhanka ah Majsidka Al-aqsa.

Dhanka kale Xukuumada Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamo Carbeed oo fara ku tiris ah oo ka hadlay xadgudubka Isreal ee kula dhaqaaqday Masjiaka Barakeysan, iyadoo ay wali ka aamusan yihiin wadamo Carbeed oo ka awood badan Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip