Sarkaal ka soo goystay Ururka Al Shabaab oo Xalay lagu dilay Degmada Baardheere

0
Thursday January 07, 2016 - 09:57:08 in Wararka by
  • Visits: 1021
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka soo goystay Ururka Al Shabaab oo Xalay lagu dilay Degmada Baardheere

    Wararka inaga soo gaaraaya Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo, ayaa waxay sheegayaan in xalay lagu dilay Sarkaal Ururka Al Shabaab ka tirsanaan jiray, balse muddooyinkii dambe la shaqaynaayay Ciidamada Dowladda & Amisom.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka inaga soo gaaraaya Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo, ayaa waxay sheegayaan in xalay lagu dilay Sarkaal Ururka Al Shabaab ka tirsanaan jiray, balse muddooyinkii dambe la shaqaynaayay Ciidamada Dowladda & Amisom. Faarax Cali Cabdi (Hariye), ayaa bilowgii sanadkii 2015-ka isu soo dhiibay Ciidamada Dowladda Soomaaliya, ee degan Deegaanka Ceelcadde, oo qiyaastii 60-km u jirta Xarunta Gobolka Gedo Ee Magaalada Garbahaarey.

Xoogag hubeysan, ayaa Sarkaalkan caweysnimadii xalay ku toogtay Bartamaha Degmada Baardheere, gaar ahaan wadada loo yaqaano (Cakaaro), xilli aanay wax ilaali ihi la socon.

Xoogagan, ayaa dhawr xabadood qaybaha kore ee jirkiisa kaga dhuftay Sarkaalkaasi, iyagoona dilka ka dib ka baxsaday wadada Cakaaro.

Ciidamada Dowladda oo ku baxay halka uu falku ka dhacay, ayaa waxaa la soo sheegayaa in iminka ay ka wadaan hawlgal, ay ku baadi-goobayaan dembiilayaasha.

Hariye waxaa uu ka qayb qaatay hawlgalkii 22-kii bishi July Ururka Al Shabaab looga saaray Degmadaasi Baardheere, oo ah degmada ugu wayn ee Degmooyinka Gobolka Gedo.

Shabaabka hubeysan ee Soomaaliya ka dagaalamaaya, ayaa beegsada oo dila, xubnaha iyaga ka tirsan, balse isu soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shabaab waa awoodda keliya ee dagaalka kula jira Dowladda. Shabaab waxaa la tilmaamaa in uu ka biyo diidan yahay jiritaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka dalka ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip