
Musharaxa Donald Trump oo u goodiyey Britain.
Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inuu la bixi doono Maalgashigiisa 700 million ee Giniga Istarliinka ee uu geliyey Gobalka Iskotland ee dalka Britain. In ku dhow nus malyan qof ayaa saxiixday qoraal Musharaxaasi looga
mamnuucayo Britain, maadaama uu ku hadlay Erayo Islaam-nacayb ahaa.
Hanjabaadiisa ayaa timid, kadib, markii Golaha Odayaasha Britain ay ku dhawaaqeen inay bishan 18-da cod u qaadi doonaan in Donald Trump laga mamnuuco inuu soo galo Britain iyo in kale.
Musharaxaasi waxa uu dhawaan ku baaqay in Muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan Maraykanka, waxaana hadalkaasi mucaaraday Muslimiinta Maraykanka, uguna baaqay inuu ka laabto hadalkaasi.


0 




Musharaxa Donald Trump oo u goodiyey Britain.
Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inuu la bixi doono Maalgashigiisa 700 million ee Giniga Istarliinka ee uu geliyey Gobalka Iskotland ee dalka Britain.