
Real Madrid oo Eriday Tababaraheedii iyagoo Tababare Cusub u Magacowday Zinedine Zidane
Kooxda kubada cagta ee Real Madrid ee dalka Spain, ayaa waxa ay eryeen tababarahoodii Rafa Benitez.
Real Madrid ayaa haatan kaalinta saddexaad kaga jirta kala horreynta shaxda horyaalka Spain ee La Liga, waxa ayna ka hoosaysaa kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid oo kow iyo laba ku kala jira.
Benitez,
oo kooxdaasi maamulayay todoba bilood oo kaliya ayaa waxaa saarnaa
cadaadis tan iyo markii ay 4 iyo waxba bishii Nofeembar kaga adkaatay
kooxda Bercelona ee uu ka dhaxeeyo xifiiltanka adag

Kabtankii hore ee xulka Faransiiska ahna Tababaraha kooxda da’da yar ee Real Madrid B, Zinedine Zidane, ayaa loo magacaabay in uu qabto xilka laga qaaday Benitez.
Kooxda Real Madrid oo 10 jeer ku guulaysatay koobka horyaalada kooxaha Yurub ee Uefa Champions League-ga, ayaa Wargeyska Forbes waxa uu ku tilmaamay in ay tahay Kooxda ugu dhaqaalaha badan Adduunka.
XIGASHO: BBC SOMALI


0 



Real Madrid oo Eriday Tababaraheedii iyagoo Tababare Cusub u Magacowday Zinedine Zidane
Kooxda kubada cagta ee Real Madrid ee dalka Spain, ayaa waxa ay eryeen tababarahoodii Rafa Benitez. Real Madrid ayaa haatan kaalinta saddexaad kaga jirta kala horreynta shaxda horyaalka Spain ee La Liga, waxa ayna ka hoosaysaa kooxaha Barcelona iyo