
HALKAAN KA AKHRISO:WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 27-KA AGOSTO 2018-KA
"Waan ku raja weynahay ciidamadeena waan ka soo saari doonaa Soomaaliya, waliba waqtiga ugu dhaw ee suurtagal, waxaanu ka wada shaqeyn doonaa dowladda federaalka sidii ay u xoojin lahaayeen ammaanka, islamarkaana u hanan lahaayeen nabadgelyada dalkooda”. Ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.
Wuxuu kaloo sheegay ciidanka jooga Soomaaliya inay culeys dhaqaale ku hayaan, islamarkaana qarash ay hawlo kale ku qabsan lahaayeen ku bixiyaan ciidamada ka baxsan xuduudooda, sidaasi darteedna ay rabaan inay kala shaqeeyaan dowladda in si nabadgelyo ah xasiloooni loogu soo celiyo Soomaaliya.
"Ciidamada waanu ku soo celineynaa xuduudeena, sidaasi darteed waxaa naga yaraanaya qarash badan oo aanu ku bixino, annagu waxaan kala shaqeyneynaa walaalaheena Soomaaliya sidii ay isaga difaaci lahaayeen khatarta, maxaa yeelay khatarta keliya Soomaaliya kuma koobna”. Ayuu yiri Uhuru Kenyatta.
Sanadkii la soo dhaafay 200 oo Askarta Kenya ah ayaa ka baxday Soomaaliya, halka qorshaha yahay in 200 oo kale ay ka baxaan Bisha December ee soo socota, taas oo qayb ka ah qorshaha markiiba 1,000 Askari oo Amisom ah ay uga baxayaan dalka Soomaaliya.
Shanta dal ee Ciidamada Milatariga ku biiriyay hawlgalka Amisom ee kala ah Burundi, Djibouti, Kenya, Uganda iyo Ethiopia, ayaa la filayaa in ay fuliyaan qorshaha ka bixitaanka Ciidanka Amisom ee Soomaaliya.
FAAHIN: DAB KA KACAY AGAGAARKA ISBITAALKA DIGFEER
Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dab khasaare hantiyadeed geystay oo gelinkii dambe ee shalay ka kacay maqaayad ku taalla meel ku dhaw isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo waramay in dabka uu ahaa mid xoogan, islamarkaana uu gubay dhammaan dhismayaasha maqaaxida.
Dabkan oo aan geysan khasaare nafeed ayaa ugu dambeyn waxaa ku guuleystay inay damiyaan gaadiidka dab damiska gobolka Banaadir oo goor dambe halkaasi gaaray.
Ilaa hadda si dhab ah looma ogaan waxa sababay dabkan inuu kaco, saraakiisha gaadiidka dab damiska ayaa inoo sheegay inay ka hortageen in dabkan uu qabsado dhismayaal kale.
Guddoomiyaha degmada Hodan iyo saraakiisha ammaanka ayaa halkaasi gaaray, waxayna ka hortagayeen in boob lagula kaco gooabha ganacsi ee halkaasi ka akdhaw.
Somaliland oo gawaari lagala soo baxsaday Jigjiga ku wareejisay Itoobiya
Maamulka Somaliland ayaa shalay ku wareejiyay dawlada Itoobiya baabuur lala soo baxsaday intii rabshaduhu ka socdeen Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya.
Gawaariddaan ayaa tiradoodu dhan tahay 12 baabuur oo kala duwan, Waxaana lagu soo kala qabtay Gobolada Togdheer, Awdal, Gabilay iyo Maroodijeex.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Cabdi iyo Taliyaha Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo goobjoog ka aha wareejinta Gawaarida waxa ay sheegeen inay heegan ku jireen intii qalaasuhu ka socday Jigjiga ayna isha ku hayeen gaadiidka soo talaabaya sidoo kale waxay u mahad celiyeen ciidamada Booliska Somalilad sidii wacnayd ee ay uga hawlgaleen soo qab qabashada Baabuurtan.
Wakiilka dowladda Itoobiya u qaabilsan Somaliland Mr. Berhe Tesfaye sheegay in xukuumada Somaliland usoo qabqabatay gaadiidka lala soo baxsaday ee shalay la wareejiyay isagoo si gaara ugu mahadceliyay ciidamada Booliska Somaliland.
WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA IYO DUQA MUQDISHO OO KULAN YEESHAY
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa warbixin ka siiyey Waxqabadka maamulka Gobolka ee lixdii bilood ee la soo dhaafay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay dardar gelinayeen dadaallada horumarinta adeegyada muhiimka u ah dawlad wanaagga, iyadoo la isku soo dhaweeyey maamulka iyo bulshada.
"Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaan warbixin ka siinay waxyaabaha maamulka Gobolka Banaadir u qabsoomay Lixdii bilood ee ugu danbeeyey, gaar ahaan, ammaanka, arrimaha bulshada, dhismaha Golleyaasha deegaanka, maamul wanaagga, koboca dhaqaalaha iyo siyaasadda, Arrimaha Barakacayaasha oo mudnaan siinay iyo shaqo abuurka dhalinyarada”.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dhankiisa boggaadiyey waxqabadka muuqda ee maamulka Gobolka Banaadir la yimid mudadii koobneyd ee uu jiray, waxuna tilmaamay muhiimadda ay bulshada u leedahay in maamulka loo dhaweeyo.
Dhinaca kale, Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa qaabilay Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Amb. Qin Jian, waxana ay ka wada hadleen sidii ay door uga qaadan lahaayeen dibudhiska iyo horumarinta Caasimadda.
XILDHIBAANADA LABADA AQAL EE KA SOO JEEDA GALMUDUG OO MOWQIF CAD KA QAATAY KHILAAFKA KA JIRA GALMUDUG
Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doortay Galmudug ayaa mowqif cad ka qaatay khilaafka xilligan ka dhex jira Maamulka Galmudug, iyagoo soo saaray war saxaafadeed ka kooban saddex bog oo ay ku saxiixan yihiin Aqlabiyada Xildhibaanada iyo Senatada.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xildhibaanada ay la kulmeen Madaxweyne Xaaf, Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo beelaha cabashada qabay.
Xildhibaanada iyo Senatarada ayaa si cad u sheegay in qaabka loo hirgeliyay heshiiskii Jabuuti aanu aheyn si waafaqsan qodobadii heshiiskaas ku xusnaa, gaar ahaan qaabka la isugu daray labada Baarlamaan oo aan isku dheeli tirneyn iyo in aan la tixgelin awood qeybsigii beelaha reer Galmudug ku heshiiyeen.
Sidoo kale waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in Dastuur cusub lagu bedelay kii Galmudug, kaasoo si gaar ah loogu tixgeliyay dhinac ka mid ah dhinacyadii heshiiska galay, laguna qoray qodobo ka hor imaanaya dastuurka qaranka, isla markaana aan ka turjumeyn maslaxada beelihii wada dhistay Galmudug.
Waxaa kaloo Xildhibaanada iyo Senatarada laga soo doortay Galmudug ay sheegeen in mudada xil heynta Hey’adaha Fulinta iyo sharci dejinta ay kala egtahay bilaha June iyo July ee sanadka 2019.
Halkan hoose ka akhriso mowqifka Xildhibaanada iyo Senatarada Khilaafka Galmudug iyo go’aanka ay ka soo saareen:
WASAARADDA BOOSTADA OO U DIGTAY SHACABKA SOOMAALIYEED
HALKAAN KA AKHRISO:WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 27-KA AGOSTO 2018-KA
MADAXWEYNAHA KENYA OO SHAACIYAY WAQTIGA AY CIIDAMADIISA KA BAXAYAAN SOOMAALIYA Madaxweynaha dalka Kenya Uhur Kenyatta ayaa sheegay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka inay kaga hadleen dhawr arrimoo oo ay ka mid yihiin iskaashiga ammaanka,