Hordhac: Valencia v Real Madrid – Benitez Oo Haddii Uu Ka Faa'ideysan Waayo Barbarihii Barcelona La Burin Doono Iyo Neville OO Guushii Ugu Horeysya Ee Horyaalka Raadinaya.

0
Sunday January 03, 2016 - 12:53:00 in Sports News by
  • Visits: 823
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Valencia v Real Madrid – Benitez Oo Haddii Uu Ka Faa'ideysan Waayo Barbarihii Barcelona La Burin Doono Iyo Neville OO Guushii Ugu Horeysya Ee Horyaalka Raadinaya.

    Kulanka: Valencia v Real Madrid Garoonka: Mestalla Stadium Waqtiga: 10:30pm Saacada Geeska Afrika Dhowr isbuuc ka hor, FC Barcelona ayaa garoonka Camp Nou waxa ay barbaro kula galeen kooxda Deportivo de la Coruna, Real Madrid ayaana ka faa'id

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Valencia v Real Madrid Garoonka: Mestalla Stadium Waqtiga: 10:30pm Saacada Geeska Afrika Dhowr isbuuc ka hor, FC Barcelona ayaa garoonka Camp Nou waxa ay barbaro kula galeen kooxda Deportivo de la Coruna, Real Madrid ayaana ka faa'ideysan weysay sababtoo ah Los Blancos ayaa waxaa guuldarro 1-0 ay El Madrigal kaga soo gaartay Villarreal.

Waqti xaadirkaan fursad sidaas la mid ah ayaa hortaala kooxda Los Blancos ka dib markii Barcelona ay garaaci weysay deriskooda Espanyol, waxaana kooxda Benitez sugeysa caawa garoonka Mestalla Stadium.

Valencia xaalad fiican kuma aysan jirin xilli ciyaareedkan, waxa ay xitaa ceyriyeen tababarahooda Nuno Espirito Santo bil ka hor. Gary Neville ayay qabtay si uu xaalada kooxda wax uga bedelo laakiin kooxna kama aysan badinin marka laga reebo inay Copa del Rey ku garaaceen kooxda heerka seddexaad ee Barakaldo. Neville ayaa isku dayay inuu ciyaartoy muhim ah ka dhigto Negredo iyo Rodrigo De Paul oo waqtiyo fiican helaya. Labadaan ciyaaryahan ayaana ku soo bilaaban kara kulanka Real Madrid haddii wararka Spain ka imaanaya ay sax yihiin.

Daafaca Shkodran Mustafi diyaar uma noqon doono kulankaan waana sababta Neville loogu qasbi doono inuu ku ciyaaro seddex daafac dhexe iyo labo daafac oo garbaha ah balse ay shaqadooda sidoo kale noqon doonto inay weerartamaan oo kala ah Barragan iyo Cancelo. Shaxdaan ayaana dhibaato ku noqon karta Madrid haddii Valencia ay go’aansadaan inay difaac ka galaan islamarkaana ay sugaan kaliya kubado rogaalcelis ah.

Benitez isna waxaa diyaar u noqon doona Varane, Ramos iyo Pepe sidaasi darteed Nacho ayay u badan tahay inuu kursiga keyska fariisan doono ka dib kulamo yar uu ku soo bilowday. Haddii cid walba ay caafimaad qabto Varane iyo Ramos ayaa la filayaa inay ku soo bilowdaan laakiin maqaamka uu Pepe ku dhex leeyahay kooxda iyo qibradiisa ayaa ugu danbeyn keeni doonto inuu ka garab ciyaaro Sergio Ramos.

Ciyaaryahan awood leh sida Casemiro ayaa looga baahaan doonaa khadka dhexe laakiin Benitez ma fariisin karo midkoodna Kroos, Modric, James, Bale, Ronaldo iyo Benzema si uu boos ugu helo xiddiga reer Brazil. Go’aanka ugu danbeeya ayaana qeexi doona ciyaarta, waxba ma ahan wixii uu go’aansado Benitez waxaana ay noqon doontaa mid muran dhalisa haddii aysan Real Madrid badinin.

Kulankaan ayaa sidoo kale ka dhigaya in Benitez uu ku laabanayo kooxdiisa hore ee Valencia, tababaraha reer Spain ayaa ah tababarihii ugu guulaha badnaa taariikhda Valencia isagoo u qaaday labo koob oo La Liga ah iyo koobka UEFA Cup, waxaana ay taageerayaasha ugu mahadcelin doonaan boor weyn oo ay ku soo bandhigayaan Mestalla Stadium.

Dhan walba oo laga eego kulankaan waxa uu go’aamin doonaa mustaqbalka tababaraha Real Madrid. Barbaraha ay gashay Barcelona ayaa cadaadis saaraya Los Blancos haddii aysan badinin oo ay si liidata u ciyaaraan, Florentino Perez ayaa laga yaabaa inuu ceyriyo Rafa Benitez.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Valencia (4-3-3):Jaume; Cancelo, Mustafi, Abdennour, Gaya; Parejo, Gomes, Danilo; De Paul, Alcacer, Mina.

Real Madrid (4-3-3):Navas; Danilo, Ramos, Pepe, Marcelo; Kroos, Modric, James; Bale, Benzema, Ronaldo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip