HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 30-KA LUULYO 2018-KA

0
Monday July 30, 2018 - 09:32:32 in Wararka by
  • Visits: 601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 30-KA LUULYO 2018-KA

    MADAXWEYNE FARMAAJO OO BOOQDAY XARUMO AY DOWLADDA ERETERIYA KA FULINEYSO MASHAARIIC HORUMARINEED Madaxweynaha JFS Md. Maxamed Chi/ Farmaajo oo kormeeray goobo ay Do wladda Ereteriya ka fulisay mashaariic ho rumarineed ayaa sheegay in shacabka iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE FARMAAJO OO BOOQDAY XARUMO AY DOWLADDA ERETERIYA KA FULINEYSO MASHAARIIC HORUMARINEED Madaxweynaha JFS Md. Maxamed Chi/ Farmaajo oo kormeeray goobo ay Do wladda Ereteriya ka fulisay mashaariic ho rumarineed ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay Shalay taa gan yihiin xilligii ay la jaanqaadi lahaa yeen horumarka ka socda waddamada Geeska Afrika.

Madaxweynaha iyo Wasiirrada Xuku umadda FS ee qeybta ka ah wafdigiisa ay aa booqday goobo laga hirgeliyey warsh ado, biyo-xireenno, beero iyo xarumaha tamarta ileyska cadceedda ee dhaliya korontada. Agaasimaha Warfaafinta Mad axtooyada Md.Cabdinuur Maxamed Ax med ayaa sheegay in kormeerka uu Mad axweynuhu ku tagay goobaha laga fuliyey mashaariicdaas ay ka tarjumayo muhiim adda DFS ay siinayso dib-u-dhiska kaab ayaasha dhaqaalaha, horumarinta ganac siga iyo wax-soo-saarka dalka.

"Ujeedka ugu weyn ee aan u kormeer nay mashaariicdan ayaa ah inaan wax ka la baranno oo aan eegno meelaha aan is kaashiga ka yeelan karno iyo dhinacyada ay ganacsatada labada dal maalgashi ku sameyn karaan sida wax soosaarka bee raha, ka faa’iideysiga ilaha kala duwan ee tamarta iyo warshadaha.”

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed C/hi Farmaajo ayaa la kulmay qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan dalkan, waxa uuna ka wareystay xaalad dooda nololeed, isag oona la wadaagay qaar ka mid ah qodobada miradhalka ah ee ka soo baxay wadaha dallada u socda labada dal, kuwaasi oo ay ka mid tahay in DFS ay safaarad ka furan doonto dalka Ereteriya, taasi oo u adeegi doonta jaaliyadda.

Socdaalka Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa dalkan Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ay ku tageen degmooyin ka bax san M/Asmara waxaa ku weheliyey Was iirro ka kala tirsan labada dowladood. DHAMM AAD

XILDHIBAAN KATIRSAN BAARLAMAANKA ISRA A’IIL OO ISU CASILAY SHARCI DHAWAAN LA ANSIXIYAY DARTEED

Xildhibaan carab ah oo ka tirsan baa rlamaanka Israa’iil ayaa xilka iska casilay ka dib markii uu ka carooday sharci ay meel mariyeen xubnaha baarlamaanka oo dhigaya in Israa’iil ay tahay qaran ay le eyihiin dadka Yuhu udda.Zouheir Bahloul, 67 jir ah ayaa ku tilm aamay xubnaha baa rlamaanka Israa’iil cunsuriyiiin dhibaata gaysanaya oo ans ixiyay sharci kasoo hor jeedo in luqadda Carabiga ay ahaato luqa dda rasmiga ah ee Israa’iil. Wuxuu u she egay telefishinka Israa’iil ee Reshet in sharcigan uu bulshada carabta ka saa raya xaqii ay ku lahaayeen Israa’iil. Hindi se-sharciyeedka ay qalinka ku duugeen baarlamaanka Israa’iil waxaa caro iyo dib adbax ka muujiyay bulshada carabta laga tiro badan yahay ee halkaasi ku sugan.

Sidoo kale xubnaha baarlamaanka ca rabta ee Israa’iil ayaa jeexjeexay hin dise sharciyeedka, waxayna ku dhawaaqaye en hadallo ka dhan sharcigan ka hor inta aanan laga saarin kalfadhiga.

IMAARAADKA CARABTA OO DOWLADDA SOO MAALIYA KA SUGEYSA INAY RAALLI GEL IN KA BIXISO DHACDADII GAROONKA MUQDISHO

Imaaraadka Carabta ayaa shuruud ku xirtay dhex dhexaadin laga dhex wado iyaga iyo dowladda Soomaaliya, iyagoo dalbaday in marka hore raalli gelin laga bixiyo dhacdadii bishii April ee sanadkan, xilligaasoo garoonka diyaaradaha Muqd isho lagu xanibay diyaarad laga lahaa Imaaraadka.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dowladdiisa ku xadgudubtay, markii ay la wareegtay lacag ay u wadeen ciidanka Soomaaliya. Dr. Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay haa tan garow satay khaladka ay ka gashay Imaaraad ka.

"Waxaan dowladda Soomaaliya ka sugeynaa inay raalli galin ka bixiso khal adkii ay naga gashay”ayuu yiri Wasiiru Do wlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka oo ka hadlayay Xarunta Cilmi Baarista ee Po licy Exchange ee magaalada London.

Mr Gargash ayaa xaqiijiyay inay jiraan da daalo lagu dhex dhexaadinayo Imaaraad ka iyo Soomaaliya, inkastoo aanu shee gin cidda wada dadaalada.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mugdi galay, wixii ka dam beeyay markii dowladda Soomaaliya she egtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaaf ka khaliijka, isla markaana ay muuqatay ifafaalaha xiriirka Madaxtooy ada iyo Qatar.

FAAH FAAHIN:QARAX KHASAARO GEYSTAY OO KA DHACAY MUQDISHO

Faah Faahino Dheeraad Ah Ayaa Ka Soo Baxay Qarax Gaari Oo Shalay Ka Dhacay Xaafada Galmudug Kaas Oo Geystay Khasaaro Isgu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac. Gaariga qarxay ayaa ahaa nooca Soomaalida u taqaano Kaarib,wa-xana Qaraxa gaariga uu ka dhacay meel ku dhaw Xerada ciidanka asluubta, gaar ahaan daarta maslax agtiisa.

Goobjoogayaal Ayaa Waxa Ay Dalsan U Sheegeen In Gaariga Ay Saarnaayeen Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowladda Soom aaliya Oo Gaarayey Ilaa Saddex,Isla Mar-kaana Ay Qaraxaasi Ku Geriyoodeen.

Bur bur xoogan ayaa sidoo kale gaarey gaariga,iyada oo qaraxa ka dib ay gur-mad ahaan halkaasi u gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,ku-waas oo xiray aaga goobtii uu qaraxa ka dhacay.

Gawaarida qaraxyada lagu xiro ayaa inta badan ka dhaca Gudaha Magalada Muq-disho waxana dhowr todobaad ka hor agagaarka Taalada Daljirka Daahsoonee degmada Boondheere ka dhacay qarax gaari lagu xirey,taas oo sababtay dhim ashada Darawalkii Gaariga iyo dhaawac Saddex ruux.

MAHDI GUULEED "WAXAAN SOO WAD NAA XISBI WEYN OO UU HORMUUD U YAHAY MADAXWEYNE FARMAAJO”

mahdi

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuu madda Soomaaliya Mahdi Maxamed Gu uleed (Khadar) ayaa ka dhawaajiyay in dhowaan dowladdu furan doonto Xisbi weyn.

Mahdi Guuleed ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu soo qaban qaabiyay Guddiga Madaxa banaan ee Doorasho oyinka Qaran oo Shalay ka dhacay Muq disho, kaasoo lagu weydiiyay sababta ay dowladdu u furan la’dahay Xisbi, si ay isku diiwaan geliso.

"Waxaa laga dhawaajiyay in dowladdu ama Xukuumaddu Xisbi furato, Waxaan soo wadnaa Xisbi weyn oo ah xisbiga xisbiyada oo uu hormuud u yahay Madaxweyne Farmaajo, waxaa lagu hoggaamin doonaa Siyaasaddii Guushii 8 February, marka hala iska jiro, yaan la idin gaadin”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay rajeynayaan in doorashada 2020 in la dooran doono Madaxweyne Farmaajo, iyadoo lagu dooran doono barnaamijkiisa siyaasadeed sida uu hadalka u dhigay.

Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaran ayaa isku diyaarinaya in sanadka 2020 ay qabtaan doorasho qof iyo cod, kaasoo ay ka qeyb qaadan doonaan xisbiyada Siyaasadda.

ERITREA AY DHEXDHEXAADISO SOOMAALIYA IYO IMAARAADKA?

Imaaraatka Carabta ayaa kaalin weyn ku lahaa Isku soo dhawaanshaha Ethiopia iyo , iyadoo uu dhaqaalo uu ku bixiyay sidii labada dhinac heshiis ay u gaari lahaayeen, Imaaraatka inuu la dhinac noqdo Ethiopia iyo Eritrea waxaa qasbay markii uu waayay heshiisyadii dekadaha ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Afwark iyo abiy axmeeeeeedd

Eritrea iyo Somalia ayaa hadda yeelanaya xiriir isku soo dhawaansho, waxaana 15 sano kadib ay is dhaafsanayaan safaarado, iyagoo safiiro magacaabi doonaan.

Siyaasadda Cusub ee Gobolka, ayaa timid markii heshiisyo ay gaareen Ethiopia iyo Eritrea, Imaaraatka Carabta ayaana hogaanka labada dal guddoon siiyay Bilado kadib heshiiskoodii.

Golaha shacabka iyo aqalka sare ee baarlamaanka Somalia ayaa ansixiyay sharci ogolaanaya in shirkadda DP World aysan ka shaqeyn karin dalka, waxaana sharcigaasi uu horyaala madaxweynaha Somalia oo aan wali saxiixin.

Haddii Eritrea ay ka shaqeyso isku soo dhawaanshaha Imaaraatka iyo Somalia, waxaana la ogeyn sida xaalka Shirkadda DP world noqon doono.

Wasiirka warfaafinta Somalia Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in Eritrea iyo Somalia ay ka shaqeyn doonaan horumarka dalka geeska africa.

"Dabcan Dowladda Eritrea iyo Imaaraadka oo isku fiican, waxay kaalin mug leh oo macno leh ka qaadan kartaa inay isku soo dhoweyso Soomaaliya iyo Imaaraadka oo arrimo badan oo la kala tabanayay ay beryahan jireen”ayuu yiri Wasiir Daahir Geelle.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ahaa mid mugdi galay, tan iyo wixii ka dambeeyay bishii April ee sanadkan markii Ciidamada ammaanka Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabteen lacag gaareysay 10-milyan oo u socotay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.

Dhacdadaas ayaa keentay in Imaaraadka Carabta ay cambaareeyaan sida loola dhaqmay oo ay ku tilmaameen inay tahay mid ka baxsan xeerarka diblomaasiyad da, waxaana ay joojiyeen howlihii taba barka iyo taageerida Ciidamada Soomaa liya.



Is bedelka ka bilowday Gobolka Geeska Afrika ayaa sabab u noqday xulufo cusub oo ka dhex bilowda dowladaha Eritrea, Itoobiya, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waxaana muuqata in loolanka loogu jiro dalalka ku yaalla Badda Cas inuu saameyn ku yeelanayo Soomaaliya.

Booqashadii ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu ku yimid Somalia 16 June 2018 iyo heshiisyadii afarta dekadood ee uu la galay madaxweynaha Somalia, ayaa dhalisay shaki badan, maadaama ka hor booqashada Abiy ee magaalada Muqdisho, uu la kulmay masuuliyiin ka tirsan Imaaraatka Carabta.

Waxaa sidoo kale Booqashadii Abiy Ahmed ee Muqdisho ka hor, Imaaraatka Carabta ay bangiga Ethiopia ku shubeen dhaqaalo gaaraya 3 milyan oo doolar, taasi oo la sheegay in lagu kabayay dhaqaalaha Ethiopia.

Imaaraatka ayaa joojiyay howlihii tababar ee uu ka waday magaalada Muqdisho, markii uu xumaaday xiriirkii kala dhaxee yay Somalia, waxaana joogsaday dhaq dhaqaaqyo badan oo ay ka wadeen Som alia, laakiin ma aysan joojin dhaq dhaq aaqii ka socday qaar kamid ah gob olada dalka.

Waxaa jirtay dacwad dowladda Somalia ka gudbisay Imaaraatka Carabta oo loo diray Qaramada Midoobay iyo Jaamacad da Carabta, taasi oo ku aadaneyd inay faragelin toos ku hayaan Somalia.

Ka sokow Imaaraatka in xiriirka u la lahaa Somalia uu xun yahay, haddana xulufada Sacuudiga ayaa hogaanka Somalia ku xaq liya inay Qatar taageersan yihiin, laakiin dowladda waxay sheegtay inay dhex dhexaad ka tahay khilaafkii dhexmaray sanad ka hor Qatar iyo Xulufada Sacuudiga.

Isbaheysiga Cusub ee Gobolka oo Xulufadda Sacuudiga ay wadeen ayaa Caqabad ku noqon kara danaha Wadamada Turkiga & Qatar ka leeyihiin wadamada geeska Africa, gaar ahaan Somalia.

W/D Maxamed Ciise Maxamuud

SARKAAL KA TIRSAN CIIDAMADA BOOLIIS KA OO LAGU DILAY MUQDISHO

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhaw Suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-wadaag sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed sida ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen dad ay qaraabo yihiin.

Sarkaalkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Maalin rag hubeysan la sheegay in ay ku dileen qeybta khudaarta lagu iibiyo ee Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho, waxa-ana markiiba goobta ka baxsaday raggii dilka geystay.

Ma jirto cid sheegatay dilka sark-aalkan ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, hasse ahaatee Al-shab-aab ayaa marar badan oo hore sheegtay mas’uuliyada dilal noocan oo kale ah oo ka dhacay Muqdisho.

Subax-nimadii hore ee Shalay ay-eey aheyd markii Askari ka tirsanaa ciid-amada dowladda uu ku dhintay qarax la-gu soo xiray gaari yar oo ay la socdeen isaga iyo ciidamo kale degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

GOOLHAYIHII HORE EE XULKA QARANKA SOOMAALIYA OO GEERIYOODAY

Allaha u naxariistee waxaa geeriyooday Axmed Cabdalla oo ahaa Goolhayihii hore xulka Qaranka Soomaaliya,isaag oo ku jirey Isbitaal ku yaala Magalada Isparta Ee Dalka Turkiga.

Axmed ayaa sedexdii cisho Ee la soo dhaafay aad u xanuunsanayay Iyad-oo xanuunka Shalay uu si aad ah ugu soo kordhay,isla markaana ugu dambeyn uu Habeenhore geeriyooday.


Goolhaye Axmed Cabdalle oo ah-aa Goolhayaha xulka Qaranka Soomaa-liya ayaa waxa uu mar u Ciyaarey Kooxda Kubbada Cagta Elman oo uu waqti badan kusoo qaatay,waxaana amrkii ugu dambeysay uu u ciyaarayey Kooxda Kubada Cagta Jenya.

Allaha u Naxariistee Goolhaye Ax-med Cabdala ayaa waxaa xanuun loogu qaatay dalka Turkiga,ka dib markii xaal-adiisa caafimaad ay noqotay mid aad u daran.

MD.DAHIR GEELLE "ERITREA KAALIN MUG LEH AYAY KA QAADAN KARTAA ISU SOO DHO WEYNTA SOOMAALIYA IYO IMAARAADKA”

Wasiirka Warfaafinta Xukuumad-da Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah wafdiga Madaxweyne Farm-aajo oo booqasho ku jooga magaalada Asmara ayaa ka hadlay kaalinta Eritrea ka qaadan karto isku soo dhoweynta So-omaaliya iyo Eritrea.

Daahir Geelle oo wareysi siinayay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaa-raadka uu marxalado kala duwan marayo, isla markaana ay yihiin dowlad walaalo ah oo aan saaxibo kaliya aheyn.

"Dabcan Dowladda Eritrea iyo Imaaraadka oo isku fiican, waxay kaalin mug leh oo macno leh ka qaadan kartaa inay isku soo dhoweyso Soomaaliya iyo Imaaraadka oo arrimo badan oo la kala tabanayay ay beryahan jireen”ayuu yiri Wasiir Daahir Geelle.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaa-raadka Carabta ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ahaa mid mugdi galay, tan iyo wixii ka dambeeyay bishii April ee sanadkan markii Ciidamada ammaanka Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabteen lacag gaareysay 10-milyan oo u socotay Safaaradda Ima-araadka Carabta ee Muqdisho.

Dhacdadaas ayaa keentay in Ima-araadka Carabta ay cambaareeyaan sida loola dhaqmay oo ay ku tilmaameen inay tahay mid ka baxsan xeerarka diblomaas-iyadda, waxaana ay joojiyeen howlihii tababarka iyo taageerida Ciidamada Soo-maaliya.

Is bedelka ka bilowday Gobolka Geeska Afrika ayaa sabab u noqday xulufo cusub oo ka dhex bilowda dowl-adaha Eritrea, Itoobiya, Sacuudiga iyo Im-aaraadka Carabta, waxaana muuqata in loolanka loogu jiro dalalka ku yaalla Ba-dda Cas inuu saameyn ku yeelanayo So-omaaliya.

GUDDIGA AMNIGA BAARLAMAANKA OO LA KULMAY WASIIRKA AMNIGA IYO TALIYAHA NISA

Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa Sha-lay kulan la yeeshay Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumada Soomaaliya iyo Taliyaha nabad sugidda.

Wasiirka amniga iyo taliyaha na-bad sugidda ayaa guddiga arrimaha gu-daha iyo amniga la wadaagay warbixin ku saabsan xaalada guud ee amniga dalka.

Sidoo kale waxa ay ugu warbixiy-een howlgalada amniga lagu xaqiijinayo ee dalka ka socda iyo isbadalada ay wasaarada amniga wado ee la xiriira su-gidda amniga.

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in ay socdaal qorshayaal wax looga badalayo hanaanka amni sug-idda caasimada.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Guddiga amniga Baarlamaanka uga warbixiyay isbedelada lagu sameeyay Taliyeyaasha Ciidamada qaar iyo hawlgalada socda.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga arri-maha gudaha iyo amniga ee golaha sha-cabka Xildhibaan Maxamed Cabdulle Fa-arax (Geeseey) oo kulanka ka dib la had-lay warbaahinta ayaa sheegay in ay dha-qam gelinayaan qodobadii ay ka wada hadleen Wasaarada amniga.

Waxa uu sidoo kale sheegay in wasaarada amniga ay kala hadleen qaa-bka loo wajahayo howlgalada cusub ee la qorsheynayo in amniga dalka lagu sugo.

"Shalay oo ay taariikhda tahay 19/July/2-018, Guddiga arrimaha gudaha iyo Amniga, wuxuu la kulmay Wasiirka Amn-iga Gudaha Taliyaha NISA iyo xubno kale oo la socday,waxaana ka wada hadalnay arrimaha amniga iyo xaaladda amniga hadda uu marayo wax badan oo xog ah-na waan iska weydiinay Insha Allah wax yaabihii aan ka wada hadlnay intooda badan waa isla fahamnay, marka kullanka Shalay waxay ahayd ujeedadiisa ugu weyn in amniga laga wada hadlo iyo ar-rimaha quseeyo.” Ayuu yiri Xildhibaan (Geeseey).GUddiga Amniga Baarlama-anka oo la kulmay Wasiirka Amniga iyo Taliyaha NISA

KENYA OO CIIDAMO GAAR AH KU SOO DAABUSHAY SOOMAALIYA

Dowlada Kenya ayaa ciidamade-eda sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Antateera waxaa maal-mihii ugu danbeeyay ee ku soo daabuleysay qeybo kamid ah Soomaaliya.

Goobaha sida gaarka ah loogu arkay ciidamada ayaa waxa ka mid ah aga-gaarka dagmada Ceelwaaq ee gobo-lka Gedo iyo dagmada Dhoobley ee gob-olka jubbada Hoose.

Arintaan ayaa cabsi weyn ku abuurtay shacabka ku dhaqan goobaha lagu arkay ciidamadaan maadama sida la sheegay ciidanka dad ay horay u kaxeysteen ilaa iyo hadana la la’yahay.D-hawaan ayaa ciidamada loo yaqaan An-tateera waxa ay ku gubeen xarrun shir-kadda Hormuud ay ku laheyd aga-gaarka dagmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

MAS'UULIYIINTA GOBOLKA SOOL EE SOMAL ILAND IYO WEFTI QARAMADDA MIDOOBAY IYO IGAD ISKUGU JIRA OO KULMAY

Masuuliyiin iskugu jira xildhibaa-nno iyo wasiiro ka soo jeedda gobolka Sool ayaa Shalay shir albaabadu u xidha yihiin la yeeshay wefti ka socda Qara-madda midoobay iyo urur goboleedka IGAD, kuwaas ka wada hadlay arrimaha Tuko raq.Gudoomiyaha golaha Wakiilad-da Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo u hadlayey masuuliyiinta dawlada So-maliland kaga jira gobolka Sool iyo erga-yga urur goboleedka IGAD Maxamed Cali Guyo oo isna u hadlayey xubnaha wef-tiga.

Shirkan oo saacado kooban qaa-tay ayaa laga soo saaray qodobo ay ku heshiiyeen, kuwaas oo xal u noqon karta dagaalka soo noqnoqday ee Tuko raq.

Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somali-land Baashe Maxamed Faarax ayaa she-egay sababta weftiga ugu soo horeeyey ay ahayd inay iyagu codsadeen inay la kulmaan maadaama oo Garoowe kula soo kulmeen xubno gobolka Sool ka soo jeedda oo Garoowe jooga, kuwaas oo ka wada hadleen arrinta dagaalka Tuko raq.

Sidoo kale, ergayga IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cali ayaa sheegay in weftigan Barritoole la kulmi doonaan madaxweynaha, wasiirka arrimaha dibad-da Somaliland, saddexda xisbi iyo urura-dda bulshada, kuwaas oo isla arrintan ka wada hadli doonaan.

Labadda dhinac waxay sheegeen inay ka wada hadleen shan qodob oo kala ah:

1. In xabadda la joojiyo.

2. Inay ciidamaddu wada hadli karaan.

3. In maxaabiista la isku celiyo.

4. In caawimo la gaadhsiin karo deega anadda oo labadda dhinac ogolaadaan.

5. Iyo qodobka shanaad oo ay sheegeen in arrimaha xuduudda ka wada hadli kar aan Soomaaliya.

FAAH FAHINNO KA SOO BAXAYA QARAX KA DHACAY MUQDISHO

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo Barqani-madii Shalay ka dhacay gudaha magaa-lada Muqdisho.Qaraxa oo ahaa mid xoo-gan ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhe-xeysa xero Asluub iyo deegaanka Sarak-uusta ee magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay oo ahaa nuuca raaxda ah ayaa la sheegay in ay la socde en Ciidamo ka tirsan kuwa dowla dda federaalka ah ee Soomaaliya.Inta la xaq-iijiyay waxaa qaraxasi ku dhintay hal askari, iyadoona sidoo kale ay ku dhaaw-acmeen laba kale.Illaa iyo hadda ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amaanka ee Dowladda Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa gu-daha M/ Muqdisho ka dhacayay falal amaan dari oo isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo, kuwaas oo badi ay dusha u riteen Al Shabaab.

RA'IISUL WASAARE KHAYRE " REER PUN TLAND WAXAY FAHMEEN DOWLADN IMA DA INAY U BAAHANTAHAY MIDNIMO"

Ra'iisal Wasaaraha Xukuumma-dda Federaalka Soomaaliya,Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Shalay ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee xarunta Puntland, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho maalma qaadaneysa oo uu ku marayo magaalooyinka iyo deegaannada Puntl-and.

Madaxweynaha Puntland,Cabdiw-eli Maxamed Cali (Gaas), ku-xigeenjiisa, xubna ka mid ah baarlamaanka iyo go-laha wasiirrada Puntland iyo kummanna-an bulshada qaybaheeda kala duwan ka socda ayaa Ra'iisul Wasaare Khayre iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garoowe, waxa intaa kaddib Ra'iisul wasaaraha iyo wafdiga la socday loo galbiyay barxadda Garowe oo uu kula hadlay kummannaan ruux oo isugu soo baxay soo dhawayntiisa.

Ra'iisul Wasaaraha Khayre, ayaa madaxda iyo bulshada Puntland ayaa uga mahad-celiyay soo dhaweynta ball-aaran ee loo sameeyay isaga oo ku am-maanay dawrkooda wanaagsan ee ay ku leeyihiin nabadeynta, midaynta iyo hor-umarinta deegaanka iyo guud ahaan da-lka Soomaaliya.

Waxaan idin kaga mahadcelinaya sida aad igu soo dhaweyseen dhulkii uduga iyo beeyadda, waxaan idin kaga mahadcelin sida aad igu soo dhaweyseen dhulkii horumarka iyo il-baxnimada Soo-maaliyeed.. waxaan idin kaga mahadcelin inad igu soo dhaweyseen dhulkii xudunta u ahaa halgankii Daraawiishta.. waxaan ku faraxsannahay inan Shalay soo boo-qano magaalo madaxda Puntland ee Garoowe oo ah hooyadii Federaalka Soo-maaliyeed." ayuu yiri ra'iisul wasaare Khayre.

Booqashada ra'iisul wasaaraha uu ku tagay magaalada Garoowe oo noqon-eysa middii ugu horreeysay tan iyo markii uu xilka qabtay ayaa maalmaha uu ku suganyahay Puntland waxa uu ka qayb gelayaa munaasabadda 20 sano guu-rrada kasoo wareegtay aasaaska maa-mulka Puntland, isaga oo kulamo la qaa-danaya madaxda Puntland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan

RA’IISUL WASAARE KU-XIGEENKA DALKA OO AMMAANAY BARNAAMIJKA WACYI-GELINTA COD-BIXIYAHA

R/Wasaare Ku-xigeenka XFS Md/Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheeg ay in dardar-gelinta barnaamijka Wacyi-gelinta Cod-bixiyaha ay muujinayso in me el wanaagsan la marsiinayo dadaalka loogu jiro hir-gelinta hanaankii doorasho qof iyo cod ah ay uga dhici laheyd Soom-aaliya sannadka 2020-ka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka da-lka oo ka qayb gelay Barnaamij uu soo diyaariyay guddiga madaxa banaanaan ee doorashooyinka qaranka oo xisbiyada siyaasadeed lagu weydiinayay qaabka ay u arkaan in loo wacyi-geliyo cod-bixiyaha, ayaa sheegay in hadii uu dhamaado bar-naaijkaan ay ku xigto diiwaan gelinta cod-bixiyaha iyo samaynta goobihii ay cod-bixintu ka dhici lahayd.

Guddiga madaxa bannaan ee do-orashooyinka qaranka ayuu Ra’iisul Was-aare ku-xigeenka dalku ku ammaannay heerka wanaagsan ee ay soo gaarsiiyeen hanaanka hir-gelinta rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku dhiirri geliyay in ay sii laba jibbaaraan hawsha ay qara-nka u hayaan si awoodda dalka loogu celiyo gacanta shacabka Soomaaliyeed ayna shacabku u doortaan hogaanka ay doonayaan in uu aayahooda ka taliyo.

Guddiga madaxa bannaan ee doorash-ooyinka qaranka oo diyaarinaya buug loogu tala galay wacyi-gelinta cod-bixiy-aha oo la tashiyo badan lasoo sameeyay dhammaan dhinacyada ay khusayso ka qayb qaadashada fududaynta doorasha iyo talo ku daridda, ayaa Shalay kulan Muqdisho ugu qabtay xisbiyada dalka, si ay uga uruuriyaan xisbiyadad talooyinka ay ku darayaan buugga ugu dambeynna loo helo hannaan wacyi-gelineed ay isla ogolyihiin dhammaan daneeyaasha do-orashada dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumm adda ayaa sheegay in sidii horay umma dda Soomaaliyeed uu ugu ballan qaaday madaxwynaha JFS, madaxda qaranka ay ka go’antahay in doorasho qof iyo cod ah dalka ay dhacdo sanadka 2020-ka.

Barnaamijka wacyi-gelinta cod-bixiyaha waxa uu ku hagayaa madawaadiniinta S-oomaaliyeed fahamka dhammaan hana anka ay codkooda u dhiiban lahaa yeen si ay go'aan uga gaaraan hogaam iyaa sha dalka ee mustaqbalka.-DHAMMAAD-

ERDOGAN IYO TRUMP OO ISKU KHILAAFSAN BAADARI XABSI GURI KU AH TURKIGA

Andrew Brunson ayaa 21 bilood ku qa atay xabsi ku yaala dalka Turkiga isagoo lagu eedeyay inuu tageero u fidinayay fa llaagaada Kurddiyiinta iyo koox kale oo lagu eedeyay inay isku dayayeen inay xi lka ka tuuraan Madaxwe yne Erdogan.

Mr Brunson ayaa Arbacadii lagu soo ro gay xabsi guri, hasayeeshe Madaxweyne Trump ayaa arrinkaasi ugu jawaabay handdadaad iyo in u goodiyo Mas’uliyiinta Turkiga, isagoo sheeegay in baadiriga lasii daayo shuruud la’an ama xukkumad da Ankara ay kusoo rogi doonaan cuna qabateyn.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa isna horay u sheegay in haddii Turkiga uu doonayo nabad uu xabsiga kasii daayo baadarigaasi ama uu la kulmi doona cawaaqib xumida ka dhalata.Muranka ka dhex aloosan labada dhinac ayaa sare u sii kacday kaddib markii Madaxweyne Erdogan uu ku jawaabay in loo baahanyahay Maraykan ka in u wax ka beddelo qaabka u dalalka ula macaamilo ama u lumin doono xulafo daacad ah .

Si kastaba arrintan ayaa laga cabsi qaba inay saameyn ku yeelato xiriirka wanaag san ee u dhexeeyo xukkumada Ankara iyo Washington oo laga yaabo inay saa meyso dedaalada nabadda ee dalka Suuriya Xigasho:- BBC SOOMAALI

ONLF OO SHEEGTAY IN MADAXWEYNE FARMAAJO RAALIGELIN KA BIXIYAY XARIGII CABDIKARIIN QALBI-DHAGAX

Guddoomiyaha ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Ururka raali gelin ka siiyay xarigii C/kariin (Qalbi-dha-gax), kadib markii ay ku kulmeen magaa-lada Asmara ee dalka Eritrea.

Wareysi uu siiyay Admiral Maxamed Cu-mar Cismaan Idaacada Codka Maray kanka ee VOA laanta afka Soomaaliga ayaa sheegay in kulan ay yeesheen Ma daxweynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo uu is afgarad ku dhamaaday ay na arrimo kala duwan ka wadahadleen.

"Madaxweynaha Soomaaliya inuu aad u ga xunyahay ayuu muujiyay raaligelina ka bixinayo,hadda kahorna mowqifka baa rlamaanka uu raacsan yahay ayuu shee gay si qalad ah inay dad kale u maamul een ayuu sheegay.”ayuu yiri Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sarkaalka ka tirsan ururka ONLF waxa ay bishii Se-ptember 2017-kii ku wareejisay Itoo biya, balse dhammaadkii bishii June ee san-adkan ayaa waxaa sii daayay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Aby Ahm-ed Ali.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle aya xaqiijiyay in kulankan uu dhacay, bal se ma aanu bixin faah faahin kale oo ku saabsan kulankan. Hase yeeshee guddo omiyaha ururka ONLF ayaa ku tilmaam ay dowlada Ethiopia inay tahay gumeysi ayna yihiin dha qdhaqaaq gobanimadoon ah balse waxa uu carabka ku dhuftay inay u socdaan D.Itoobiya wadahadallo uusan carabaabin heerka uu gaarsiisan yahay.

BOGGA CAYAARAHA

MIYUU EDINSON CAVANI KU LAABANAYAA SERIE A?

Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Edinson Cavani ayaa lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Napoli, laakiin tababare Carlo Ancelotti ayaa beeniyay wararkaas.Carlo Ancelotti ayaan xiiseyneynin wararyahanka Paris Saint-Germain Edinson Cavani inuu kusoo laabto kooxdiisii hore ee Napoli.

Iyadoo PSG ay go’aamisay inay Neymar iyo Kylian Mbappe hogaamiyaan weerarja kooxda, haddana Cavani ayaa lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Serie A.

Laakiin madaxweynaha Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa soo jeediyay in Cavani uu u baahan yahay mushaar u dhigma kan hadda uu ka qato kooxdiisa PSG. Ancelotti ayaa diiday wararka sheegaya in Cavani uu diirada u saaran yahay kooxda kubadda cagta eee Napoli.

"Waa warar xanta ah oo suuqa kaliya ku eg” ayuu yiri Ancelotti. oo hogaamin doona Napoli xili ciyaareedkam dambe.

CHELSEA OO U DHAQAAQDAY SAXIIXA AARON RAMSEY

Chelsea ayaa diyaar u ah inay 30 milyan oo ginni ku dalbato xiddiga Arsenal Aaron Ramsey ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa kujira sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Gunners, waxaana dhawaan uu qiray inuusan hubin mustaqbalkiisa kooxda ka dhisan woqooyiga London.

Wakiilkiisa ayaa haatan wadahadalo kula jira kooxda Arsenal isagoo heshiis cusub u saxiixi kara kooxda ku ciyaarta Emirates.

"Waan arki doonaa waxa dhaca, laakiin wakiilkeyga iyo kooxduba way hadlayaan” ayuu yiri Ramsey.

"Ma hubo waxa ka dhici kara heshiiska cusub, kaliya waxaan kuu sheegayaa inuu wadahadal jiro, laakiin weli heshiis lama gaarin” ayuu yiri Ramsey.Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Daily Mail, Chelsea ayaa diyaar u ah inay dalab u dirto ciyaaryahanka reer Wales xagaagaan.

BARCELONA OO GUUL RAFAAD BADAN KA HESHAY TOTTENHAM HOTSPUR

Barcelona ayaa ku bilaabatay guul kulamada tijaabada ah ee ka horeeya xilli ciyaareedka cusub ee 2018-2019.

kulan aad u xiiso badan oo katirsan International Champions Cup oo ay la ciyaareen Tottenham Hotspur ayaa waqtiga caadiga ah kusoo dhamaaday barbaro 2-2 ah.Blaugrana ayaa ugu dambeyntii rigoorayaal kaga baxsatay kooxda Spurs ee ka dhisan horyalaka Ingiriiska.

Barcelona ayaa si weyn u gacan sareysay 45 daqiiqo ee ugu horeysay, iyadoo soo bandhigtay ciyaar fantastik ah oo qancisay taageerayaasha.Goolasha Barcelona waxa dhaliyay qeybta hore ee ciyaarta Munir iyo Arthur oo dhawaan kusoo biiray kooxda, laakiin 15 daqiiqo ee ciyaarta ugu dambeysay waxaa bareejeeyay Son iyo Nkoudou.

ugu dmabeyn Barcelona ayaa 5-3 rigoorayaal ah kaga badisay kooxda Tottenham Hotspur.

LIVERPOOL OO MAN UTD KU XASUUQDAY TARTANKA ICC CUP

Kooxda Mourinho ayaa waxaa garaacday kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool kulan ka tirsanaa koobka International Champions Cup.Xiddigaha Sadio Mane, Daniel Sturridge, Sheyi Ojo iyo Xherdan Shaqiri ayaa shaba soo taabtay kulankaan oo Liverpoolo si weyn ay u gacan sareysay.

Andreas Pereira ayaa dhaliyay goolka kaliya ee United oo ahaa laad xor ah, iyadoo Mourinho kooxdiisa lagu qaarajiyay 4-1.

Tababaraha United ayaa shaaca ka qaaday in dhaawac soo gaaray kulanka daafaciisa Bailly aan la fileyn inuu noqdo mid culus.

Liverpool ayaa hore usoo garaacday isla tartankaan saaxiibtinimo kooxda Manchester City toddobaadkii hore


MAQAAL: INNAGA IYO ADDUUNKA! SOOMAALIYA IYO 

SINGAPORE!

Adduunka asxaabey dadna hadal buu hayaa, dadna shaqo. Dad aqoon buu ku jeedaa dadna qabyaalad buu ku jeedaa! Dad waa fekeraa dadna waa faataadhugkeeyaa!

Dad wax buu qoraa oo akhriyaa, dadna fadhi ku dirir buu fadhiyaa!

Dad dhulkiisa ayuu dhisaa, Dadna dhulkiisuu dumiyaa!

Qaar dalkoodey dhacaan markey jirradaanna meel lagu daaweeyo ayaa la waayaa oo dibad loola ordaa, qaarna dalkoodey meeshii lagu daawayn lahaa ka dhistaan.

***********

Soomaaliya iyo Singapore:

1) Soomaaliya waxey xornima qaadatay Sannadkii 1960-kii Singapore waxey Malaysia ka go’day oo gaar isu taagtey Sannadkii 1965-kii

2) Singapore dhulkeeda oo dhan baaxaddiisu waa 710 sq.km soomaaliyana waa 637,000 sq.km. Gobolka Banaadir keliya ayaa dalka singapore ka baaxad weyn waa 1027 sq.km.

3) Singapore waa 5 milyan soomaaliya waa 15 milyan.

4) xeebta singapore dhererkeeda waa 180 km. Soomaaliya waa 3330 km.

5) Singapore cirif woqooyi ilaa cirif koonfur waa: 40 km. Soomaaliya caluula ilaa kismaayo waa 2300 km.

6) Singapore halkii sq.km waxaa ku nool: 5500 qof. waana ku heshiiyaan kana wada shaqaystaan. Soomaaliya halkii sq.km. Waxaa ku nool: 7 qof keliya, mana ku heshiin karaan waa is dilaan!

7) Singapore sannadkii wax soo saarkeedu waa : $370 bilyan soomaaliya: qiyaas waa $ 5 bilyan.

8) Dakhliga qofkii singapore waa $55,000 soomaaliya waa $150.

9) Singapore waxaa dega: chinese, malay, hindi, (buudi, hinduus, muslim) soomaaliya waa hal qoys, hal af, hal diin.

10) Singapore waxey leedahay: jaamacad ka mid ah kuwa aduunka ugu fiican, dekedda adduunka ugu shaqa badan, airporka adduunka ugu fiican, diyaaradda adduunka ugu fiican, nidaamka adduunka ugu musuq maasuq yar 9/10, laysanka shirkad waxaad ku furan kartaa: 25 daqiiqo!

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Sheekh Mohamed Idris



DALKU WUXUU KU JIRAA MARXALAD ADAG, HA 

QUUSAN WELIGAA.

Waa run noloshu waa adagtahay, waqtiguna waa socdaa, haka quusan in aad guul gaarto.

Dalku waxa uu ku jiraa marxalad adag, cadawguna waa badan yahay. Caruurtaada iyo jiilka cusub ayaa ka sii wadaya halkii aad Ku daashay, haka dilin qalbiga dhalinyarada,u sheeg in guusha la gaari Karo.

gabyaagii masaarida Axmed Showqa ayaa yiri: (wamman lam yuxibo sucuudal jibaal yacish abadda dahri beynaal xufar).

(Ninkii aan jecleeyn in uu buura fuulo weligii godadkuu ku noolaadaa).shiinaha ayaa Ku maahmaaha guuldaradu waa bilawga guusha.wixii aad ku guuldareysatay cashar ka dhigo horena uga soco Jiilka cusuboow wadanku waa idiin baahan yahay adinkuna waad u baahan tihiin. waxaad dhalatay adiga oo gacantaada faraheedu laaban yihiin sida qof feer u duuban yahay,ma aadan dhalan gacantaada oo furan, waxa aad bilaawaday qaylo & ooyin si aad u muujiso in aad rabto wax kaa maqan in aad hesho.


Waxbaa ka karsamaya wadamada deriska iyo saaxiibadood, faham, haka quusan danta dalka, halka aad ku daasho u sheeg wiilkaaga iyo walaalahiisa somaliyeed in ay halkaa ka sii wadaan. Raxmada Alle lagama quusto (laa taaqnaduu min raxmati laahi).

Maslaxadaada iyo tan dalka haka quusan, ka sii wad halkii Awoowayaashii hore gaarsiiyeen,una gudbi jiilka cusub, ha niyad jabin. 

Qore: yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip