Dadweyne fara badan ayaa la arkayay iyagoo ka kala cararay goobta, iyadoo la isu diyaarinayay saacado ka hor Xaflada weyn ee ka dhici laheyd daarta Burj Khaliifa, halkaasoo laga ridi lahaa baaruuda lagu soo dhoweynayo sanadka cusub.
Kooxaha gurmadka deg dega ayaa gaaray halka uu dabka ka kacay iyo dab damisyo aad u fara badan, iyagoo isku dayaya inay ka hortagaan in dabkan uu sii faafo, balse uu qeybo badan oo ka mid ah dhismaha uu ku faafay dabka.
Lama oga waxyaabaha sababay dabkan, hase ahaatee dowladda Imaaraadka Carabta ayaa war qoraal ay soo dhigtay barta Twitter ku sheegtay in dabkan uu ka kacay dabaqa 20aad.
Daawo Sawirada: Dab xoogan oo qabsaday dhismo ku dhow daarta adduunka ugu dheer ee Burj Khaliifa
Dab xoogan ayaa qabsaday hotel dheer oo ku yaal bartamaha magaalada Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta. Hotelkan oo lagu magacaabo The Address waxaa uu ka kooban yahay 60 dabaq, waxaana uu ku dhow yahay dhismaha adduunka ugu dheer ee lagu