
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya oo ka hadlay Khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Bakool
Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya ayuu sheegay in la soo gaarsiiyay dacwad la xiriirta Khilaafka taagan, waxaana uu sheegay madaxda Mamulka Koonfur Galbeed inay kala hadleen arintaasi.
"Arrinta ka taagan Bakool iyo Koonfur Galbeed warbixinteeda waan haynaa, dad dacwo qaba dabcan maamul gobaleed walba markii la dhisayo wey jiraan, madaxda Koonfur Galbeed annaga oo wasaaradda arrimaha gudaha ah waan kala hadalnay dacwadda ay dadkaasi qabaan, waana rajeyneynaa in la xalliyo khilaafkooda oo dadkaasi dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed bay ka tirsan yihiin xaqoodana in la ilaaliyo waa mas’uuliyad Federaalka iyo dowlad gobaleedkaba saaran, waana ku dadaaleynaa hadii uu Alle Idmo.” Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya oo la hadlay Idaacada VOA.
Maamulka Bakool Sare ee Degmada Ceelbarde looga dhawaaqay waxaa abaabulkiisa lahaa Xildhibaano iyo Siyaasiyiin deegaankaasi ka soo jeeda oo ku qanci waayay sadkii ay ka heleen Maamulka Koonfur Galbeed.
Ilaa hada Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed kama aysan hadlin Khilaafkaan Siyaasadeed ee ka taagan Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool oo Maamul ka madaxbanaan Maamulkooda looga dhawaaqay.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya oo ka hadlay Khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Bakool
Markii ugu horeysay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa ka hadlay Khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Bakool, kadib markii halkaasi Jimcihii la soo dhaafay looga dhawaaqay Maamul ka madaxbanaan Koonfur Galbe