
Shabaab oo sii daayay Shaqaalihii Hay'adda Hirda, saacado ka dib markii ay afduubteen
Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Odayaasha Dhaqanka Gobolka Gedo iyo Shabaabka uu wada hadal dhex maray, sidii ay oodda kaga qaadi lahaayen Shaqaalaha Hay’adda Hirda.
Korneyl Guhaad Maxamuud Macalin (Timajilic) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ka hawlgala Degmada Baardheere, ayaa wuxuu xaqiijiyay in Shabaabku dib u soo sii daayeen Shaqaalahaasi, ka dib waan-waan kaga timid Odayaasha Dhaqanka.
Korneyl Timajilic oo la hadlay Idaacada Shabelle, ayaa wuxuu tilmaamay in Shabaabku ay soo fasaxeen afar ka mid ah Shaqaalaha Hirda, kuwaa oo fadhigoodu uu ahaa Degmada Baardheere.
Xilli saakay ay Shaqaalaha Hay’adda Hirda ay tallaalka carruurta ka wadeen Deegaanka Caamoole, oo qiyaastii 12km dhinaca waqooyi kaga toosan Degmada Baardheere, ayaa waxay hujuum kala kulmeen Shabaabka.
Deegaanada ay ka arrimiso Al Shabaab, ayaa waxaa adag inay ka hawlgalaan Hay’adaha Maxaliga iyo kuwa kale ee caalamiga ah, iyagoona ku eedeeya inay u basaasaan dalalka shisheeye.
Shabaab oo sii daayay Shaqaalihii Hay'adda Hirda, saacado ka dib markii ay afduubteen
Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa uu fiidnimadii caawa uu sii daayay Shaqaalihii Hay'adda Hirda, xilli saakay ay ka qafaasheen duleedka Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo.