
HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGESKA KOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO KHAMIIS 14-KA JUUN 2018-KA
Sidoo kale Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa mamnuucday in la soo dajiyo agabka carruurta ku ciyaara an ee qoryaha u qaab eeg. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuu madda Somaliya Maxamed Cabdi Xayir Maa reeye oo Warqadan ku saxiixnaa, ayaa sheegay in dham aan Hay’addaha ay ku socoto arrintaan laga doonaayo in la dha qangeliyo.
Ganacsatada soo dajisa qalabka baa ruuda iyo qoryaha u qaab eeg ee Carr uu rta ku ciyaaraan, ayaa wuxuu sheegay in laga doonaayo dalka inaysan dib u dam be u keenin qalabka noocaasi oo kale ah.
GOLAHA GUUD EE QM OO COD U QAADI DOONA WEERARADDA AY YUHUUDDA KU HAYAAN REER FALASTIIN.
193 dal ee xubnaha ka ah Golahaasi waxay habeen hore u codeyn doonaan Labo Qoraal Qabyo oo ay Dowladaha Car abta iyo Maraykanak u kala gudbiyeen Golahaasi oo ku aadan in la cambaaree yo Askarta Yuhuudda ee dilalka ka geys tay Marinka Qasa, iyadoo Qoraalka Mar aykanka ku baaqayo in la cambaareeyo Dagaalamayaasha Ururka Islaamiga ee XAMAAS oo iyagu Hoobiyayaal ku duqee yey Yuhuudda.
Golaha Guud ee QM waxay horey u ga soo horjeesteen Go’aankii uu Madax weyne Donald Trump ee uu bishii Decem ber ee sannadkii hore ugu aqoonsaday M/ Quddus-ta Barakaysan caas imadda Yuhuudda.
WAQOOYIGA KUURYA OO SHEEGTAY IN LA GA QAADI DOONO CUNAQABATAYNTA.
Wakaalladda Wararka Waqooyiga Kuu rya ee KCNA ayaa sheegtay in Madaxw eyne Trump oggo laaday arrintaasi, kadib, markii ay isaga iyo Kim Jong Un ku kulm een dalka Singapore.
Wakaalladdu waxay xustay inuu Madax weyne Donald hadalkaasi sheegay kadib markii uu ku dha waaqay inay Maraykanka joojin doonaan dhoolatuska Milliteri ee ay sida wadajirka ula sameeyaan Milliteriga Koonfurta Kuurya. Hoggaamiyaha Waqoo yiga iyo Madaxweynaha Maraykanka wa xa uu mid kasta kan kale ku casuumay in uu soo booqdo dalkiisa.
HAWEENEY SOOMAALI OO KU GERIYOOTAY SHIL GAARI OO KA DHACAY MARAYKANKA
Allaha U Naxariistee Luul Cali Guure oo 29-jir ahayd ayaa ku geeriyootay shil gaari oo maalintii Sabtida ee isbuucan ka dhacay Koonfurta magaalladda BURLING TON ee Gobalka VERMONT ee W/bari ee dalka Maraykanka.
Marxuumadda, Luul Cali Guure oo ah ayd Hooyo 7 carruur leh ayaa la sheegay inay iska tuurtay gaari yar oo ay la socot ay, xilli uu gaarigu ku dhacay gaari weyn.
Shabakadda Wararka ee sevenda ysvt.com ayaa qortay in Marxuumadda ay la socotay gaari yar oo ay dareewal ka ah ayd Haweeney Somali ah oo lagu maga caabo Sacdiyo Cali oo 29-jir ah, taasi oo la sheegay inay ka badbaaday shilka, ink astoo uu soo gaaray dhaawac fudud.
Hadal qoraal oo ay Boliska Koonfurta Burlington soo saareen ayey ku sheege en in gaariga ay Marxuumadda ku geer iy ootay uu ku dhacay gaari weyn, kadibna uu ku sii dhacay derbiga Waddo-lugeed ka Laamiga iyo geed, ka hor inta uusan Gaarigu qalibmin.
Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Koonf urta Burlington, Trevor Whipple ayaa she egay inay Koox Baaritaan u saareen si ay taageero uga geystaan baaritaanka Shilk aasi, lana soo saari doono Warbixinta shi lka oo dhamaystiran.
SOMALILAND AYAA KA HADASHAY WAXA KA JIRA INEY AFDUUBTEEN DHALINAYARO KA SOO JEEDA PUNTLAND
Taliska Ciidanka Soomaliland ayaa Faa hfaahin ka bixiyey Wararka Sheegaya in Maamulada Soomaaliland iyo Puntland ay kala Afduubeen Dhalinayaro la Socday ga adiid ku kala gooshayey Gobalada Sool iyo Nugaal kuwaasi oo la dhigay Xabsiyada Magaalooyinka Garoowe iyo Laasca anood.
Hogaanka Ciidanka Difaaca Soomaalil and ee Gobalka Sool Maxamuud Maxamed Dhuunkaal oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Beeniyey in Ciidamada Soomaaliland aaga Tukaraq ay ka Afduubeen dhalinyaro ka soo jeeda Deegaanada Puntland la soc day gaadiid rakaab ah oo ay ka soo raace en Magaalada Garoowe.
Taliyaha ayaa Sheegay inay Ciidamada Soomaaliland aysan marnaba ka suurto obin inay heyb soocaan dadka ka soo jeeda deegaanada Puntland u socada dhanka soomaaliland waxaa uuna Xusay warkaasi ay abuureen shaqsiyaad duulaan ku ah sha rafta Ciidanka Qaran Somaliland ee Deega anada colaadu ka jirto.
Ugu danbeyntii Taliyaha Ciidanka Soom aaliland Gobalka Sool ayaa sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin in wada hadal la gu dhameeyo Colaada Gobalka Sool ee u dhexeysa Soomaaliland iyo Puntland waxa ana ugu baaqey Saraakiisha Ciidanka Punt land inay Joojiyaan Abaabulka Dagaal iyo Colaada lagu saleeyey Qabyaalada ee ay Ka wadaan Deegaanka Tukaraq Tuulooyin ka Hoos yimaada. Hadal heynta Deegaan ada Soomaaliland iyo Puntland ugu wey neyd ayaa aheyd warar Sheegayey in dhal inyaro laga Afdu ubeedtay Tuulooyinka hoo staga iyo Maga alada Garoowe.
GABADH SOOMAALI AH OO LAGU EEDEEYAY IN AY GUDNIIN FIRCOONI AH KU SAMAYSAY GABADHEEDA OO ELABO JIR AH
Qoys Soomaali ah oo haysta gabadh yar oo labo jir ah oo aad u xanuunsan ay aa argagax la kulmay markii loo sheegay in looga shakisan yahay inay si fircooni ah u gudeen gabadhooda.
Qaraabadii gabadha ayaa baaray jirka gabadha ka hor intii dhakhaatiirtu aysan aqbalin in aan gabadha gudniin fircooni ah lagu samaynin.
Waaxda caafimaadka ee Cardiff and Vale Health Board oo wax laga waydiiyay arrintan ayaa sheegay in aysan ka hadli karin arrin shaqsi ku saabsan, balse wa xay sheegtay in aysan ruuxna ku faquuq in jinsigiisa iyo dhaqankiisa dartii.
Gabdh la dhoho Saynab oo ay qoyska saaxiibbo yihiin ayaa sheegtay in qoysku ay aad uga xumaadeen arrinta lagula kac ay
DALALKA MAREYKANKA, CANADA IYO MEXI CO OO WADAJIR U MARTI GELINAYA KOOBKA ADDUUNKA 2026
Dalalka Mareykanka, Canada iyo Mex ico ayaa si wadajir ah u marti gelinaya Koobka Adduunka ee sanadka 2026 dhici doona, kaddib cod bixin ka dhacday dalka Ruushka oo berri ka furmaya Koobka Adduunka ee sanadkan.
Cod bixinta loo sameeyay saddexdan dal oo la isku yiraahdo Waqooyiga Ameer ika iyo Morocco ayaa ugu dambeyn 134 dal waxay u codeeyeen saddexdan dal, halka Morocco ay heshay 65.
Koobka Adduunka ee sanadka 2026 ayaa waxaa markii u horeysay ka qeyb galaya 48 dal, halka iminka ay ka qeyb galayaan 32 dal. Sanadka 2022 ayaa ko obka Adduunka waxaa marti gelinaya dal ka Qatar, waxaana uu noqon doona dalkii u horeeyay ee Carbeed ee Koob Adduun lagu qaban doono.
MADAXWEYNE GAAS OO XILALKII KA QAAD AY AGAASIMAYAASHII NABADSUGIDA IYO SIRDOONKA PUNTLAND
Madaxweynaha Puntland C/weli Max amed Cali Gaas ayaa xilka looga qaaday Agaasimayaashii Hey’addaha Nabadsug ida iyo Amniga iyo Sirdoonka ee loo yaqa ano PSS iyo PIA. Wareegto ka soo bax day xafiiska Madaxweyne Gaas ayaa Sha lay oo Arbaco ah waxaa xilka looga qaad ay C/risaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) oo ahaa Agaasimaha Sirdoonka Puntland PIA oo qaabilsan la dagaalanka Argagixis ada.
Sidoo kale waxaa xilka laga qaaday C/ll aahi Aadan Maxamed oo isna ahaa Aga asimihii Guud Hey’adda Nabadsugida Puntland PSS Wareegtada ayaa lagu she egin cida loo magacaabay xilalkaas, waxa ana wareeg tada ay ku koobneyd kaliya xilka qaadis. 2da Hey’addood ayaa ah ku wo awood ku leh Puntland, isla markaana leh ciidamo si gaar ah u tababaran oo taageero ka hel a dalal shisheeye.
TALIYAHA CIIDAMADA XOOGGA DALKA GEN. GOROD OO GAARAY MAGAALADA KISMAAYO
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod iyo Saraakiil ka tirsan taliska ayaa Shalay ga-aray Magalada Kismaayo ee Xarunta K-MG ee dawlad goboleedka Jubbaland.
Genaraal Cabdiweli Jaamac Gor-od iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaar-adaha ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland, waxaana ay kulan la qaateen madaxwaynaha Jubbaland, kaas oo looga hadlay dar-dargalinta hawlg-allada ka dhanka ah AL-shabaab.
Taliyaha ayaa sidoo kale korme-eray deegaanka Baar Sanguuni ee dul-eedka Kismaayo, halkaas oo dhawaan qarax ismiidaamin ah lagu weeraray wal-low laamaha ammaanka ay sheegeen in ay fashiliyeen.
Gen Gorod ayaa ciidamada ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaaladii ay ku qaadeen Al-shabaab Bisha Ramadaan ee ka dh-acay Gobolada Jubooyinka, Baay, Bako-ol, Shabeelooyinka iyo Hiiraan, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 120-ka tirsan Al-shabaab.
Socdaalka Taliyaha ciidanka xoo-gga dalka ayaa la xiriira xoojinta hawl-galada ay ciidamadu wadaan iyo sidii tab-abaradooda iyo qalabkooda sare loogu qaadi lahaa.
RA’IISUL WASAARE KHAYRE OO DAWLADDA JABUUTI UGA MAHAD-CELIYAY TABABARKA CIIDAMADA SOOMAALIYEED
Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay waheliyaan Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyayaasha Booliska iyo Asluubta, ayaa xalay booqday ciidamo cusub oo lagu biiriyay Booliiska Sooma-aliyeed kuwaas oo dhawaan lagu soo tababaray dalka Jabuuti.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soo-maaliyeed, S/Guuto Bashiir Cabdi Max-amed (Ameeriko) oo Ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xariirta tababarka Cii-danka ayaa sheegay in Ciidanka cusub oo laba dufcadood ka kooban ay yihiin dhalinyaro aqoonyahanno ah oo go’a-ansaday in ay ka qeyb qaataan sugidda amniga dalka, dhawaanna dalka la kee-nay kadib markii ay soo dhameesteen tababar ciidannimo oo ay kusoo qaateen dalka Jabuuti.
Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Dawladda Jabuuti uga mahaceliyay sida ay mar waliba u garab taagantahay dawladda iyo dadka So-omaaliyeed.
"Dawladda Jabuuti ee walaalahe-en ah oo noo tababartay ciidanka waxa aan uga mahadcelinayaa dadaalka wala-alnimo ee ay mar walba nala garab taa-ganyihiin. Dhamaan dhalinyarada lasoo tababaray waxa aan leeyahay Hambalyo, kusoo dhawaada dalkiinna, Waxaa idin sugeysa shaqo aad u culus oo ah tan ugu wanaagsan oo qof u qabto dalkiisa taas oo ah difaaca dalkaada hooyo. Waxa aan rajeynayaa in aad uga faa’iideyn doont-aan waxa la idin soo baray shacabka Soomaaliyeed iyo dalkiinna”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
Dawladda Soomaaliya oo xoogga saareysa sidii amniga iyo kala danbeynta dalka loo adkeyn lahaa, amniga guud ee dalkana loogala wareegi lahaa Ciidanka AMISOM ayaa horumarin iyo tababarro joogta ah ku heysa dhamaan ciidamada qalabka sida ee dalka.
SHIR LAGU XOOJINAYO HOWLGALKA NABAD-ILAALINTASOMALIA IYO DALAL KALE OO KA FURMAYO UGANDA
Shirweyne iyo Carbis Milliteri oo lagu xoojinayoHawlaha Nabad-ilaalinta Somalia iyo dalal kale ayaa la filayaa in bishan June 18-da ka furmo magaalladda Jinja oo ku taalla K/bari ee dalka Uganda, wuxuuna carbiskaasi socon doonaa ilaa bishan June 18-da.
Ciiddamo ka kala socda dalalka Uganda, Maraykanka, Miwoga Europe iyo kuwa dalalka Bariga Afrika iyo Ururadda Caalamiga ayaa la filayaa inay ila eegaan caddaynta Heshiiska (The Justified Acc-ord ee sannadkan 2016-ka (JA18).
Dhinaca kale, Taliska Qiimeynta Carbiska (CPX) Tababarka Milliteri ayaa la qorsh-eynayaa in lagu qabto Xarunta xoojinta Awoodaha ee Ciiddanka Degdegga Ug-anda ku leeyihiin magaalladda Jinja ee dalkaasi.
Waxaana carbiskaasi diiradda la-gu saari doona Awoodda Ciiddanka Na-bad-ilaaliyaasha Afrika iyo Wada-shaq-eynta iyo Taageeradda QM iyo Hawlgalka Nbaad-ilaalinta Afrika (PKO).
Carbiskaasi waxaa ka qeyb galay Wakiilo ka kala socda Dowladaha Ug-anda, Somalia, Kenya, Maraykanka, Tan-zania, Holland, Brundi iyo Rwanda.
Afhayenka Ciiddanka Uganda, Ri-chard Karemire ayaa sheegay in Car-biskaasi la doonayo in lagu xoojiyo Awo-odaha wada-sahqeynta Milliteriga dalalka Bariga Afrtika la leeyihiin Ciiddanka Mara-ykanka ka jooga Afrika ee AFRICOM iyo in lagu xaqiijiyo Awoodahooda ku adaan inay ka hortagaan Cabsi colaadaha ee ay Ururadda Xag-jirka ku hayaan Ammanka Gobalka, waa sida uu hadalka u dhigay,
IMAARAATIGA OO BILAABAY DUULAANKA MAGAALO XEEBEEDKA XUDEYDAH
Ciidamada Imaaraadka oo ay we-hliyaan kuwa dowlada Yemen iyo malee-shiyaad ayaa saaka oo Arbaca ah bila-abay duulaanka ay doonayaan inay ku qabsadaan magaalada Xudeydah oo ay ku taal dekadda ugu weyn ee dalkaasi Yemen.
Ciidamadan ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay soo buuxinayey koonfurta magaaladaasi oo ay weli gacanta ku ha-yaan maleeshiyaadka shiicada ah ee Xu-uthiyiinta.
Imaaraatiga ayaa u qabtay illaa iyo Salaasadii Dorraad in maleeshiyaadka magaalada ku sugan isku soo dhiibaan ama u baneeyaan dhulkaasi, arrintaasi oo ay qaadaceen xuuthiyiinta oo sheegay inay ku dagaalami doonaan dekadda kal-iya ee gacantooda ku jirta.
Xulafada Sacuudiga ayaa doo-naya in ay gacanta ku dhigaan dekadda Xudeydah oo ah mid aad u ugu dhaw marinka Bab al-Mandab oo muhiim u ah, waana markii ugu horeysay oo duulaan noocaan ah ku qaadaan magaaladaasi tan iyo intii ay xulafadaasi kusoo biireen dagaalka Yemen sanadkii 2015.
Diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta dagaalka ayaa saaka duqeyn weyn ka geystay goobaha ay difaaca ka samey-steen maleeshiyaadka xuuthiyiinta, duq-eyntan oo horudhac u ah ciidamada xul-afada ee hada ku sugan duleedka mag-aaladaasi.
CIIDAMADA AMMAANKA OO GACANTA KU DHIGAY QARAX MIINO
sidda ay xaqiijiyeen maamulka de-gmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan cii-damada Ammaanka dowladda Soomaa-liya ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Qarax miino oo la sheegay in lagu Aasay inta u dhaxeysa Magaalada iyo Garoo-nka Diyaaradaha ee Magaalada Buule Burte.
Gudoomiyaha degmada Buulob-urde , ayaa sheegay Shabaab inay qara-xaan ku aaseen halkaasi si ay dadka shacabka ah ugu waxyeeleeyaan, balse ciidamada ay arrintaasi ka hortageen.
Waxaa uu sheegay howlgallo ay sameeyeen ciidamada Ammaanka in ay gacanta kusoo dhigeen saddex qof oo lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen Fa-lkaasi,islaamrkaana hadda ay ku socdaan baaritaano.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xu-say in dadka Shacabka iyo ciidamada oo wada shaqeyn ay dhexmartay in ay sa-hashay in Qaraxaasi gacanta lagu dhigo.
Wadada isku xirta Magaalada Buulo bu-rde iyo Garoonka Diyaaradaha Magaala-daasi, hadda ka hor waxaa ka dhacay qarax miino oo dad shacab ah iyo ciidan waxyeelo kala duwan ka soo gaartay.
MUWAADIN SOOMAALI OO AY XAASKIISA GEERIYOOTAY OO CODSI U DIRAY DOWLAD DA MARAYKANKA
Saciid Cilmi waxa uu ka codsaday Wakiilladda Kongareeska ee Gobalka VERMONT ee dalka Maraykanka inay ka taageeraan sidii Hooyadiisa oo ku jirta Xero Qaxooti oo ku talala dalka Uganda loogu fududeyn lahaa in la keeno Mar-aykanka.
Aabahaasi oo 34-jir ah waxa uu Codsigaasi Aadminimo codsaday, kadib, markii ay Xaaskiisa dhawaan ku geeri-yootay shil gaari oo ka dhacay magaall-adda BURLINGTON.
Saciid Cilmi oo shaqaale ka ah Shirkad dharka samaysa waxa uu shee-gay inay murugo ka qaadeen geerideeda, isla markaana uusan wax ehel ah u joogin Maraykanka.
"Tan iyo markii uu shilku dhacay, waxay carruurtayda yar I weydiiyaan halka ay jirto Hooyadooda” ayuu yiri Sa-ciid Cilmi.
Waxa uu intaasi ku daray haddii ay Hooyadiisa oo haatan ku jirta Xero Qaxooti oo ku taalla Uganda joogi lahayd Maraykanka inay iyada daryeeli lahayd carruurtiisa inta uu shaqada ku maqan yahay.
Allaha U Naxariisto xaaskiisa oo la oran jirey Luul Cali Guure oo 29 jir waxay bilowgii isbuucan ku geeriyootay shil gaari, waxayna ifka kaga tagtay 7 carruur oo da’dooda u dhexeyso hal sanno jir ilaa 12-jir.
Saciid Cilmi waxay isaga iyo xa-askiisa oo ku noolaan jirey Xero qaxooti oo ku taalla Kenya waxay dalka Maray-kanka ka heleen Dib-u-dejin dabayaa-qadii bishii December ee sannadkii 2016-kii, ku-dhawaad 2 bilood ka hor inta uusan Madaxweyne Donald Trump sax-iixeen Amarkii Fulinta ee uu Qaxootiga ka soo jeeda 7 Waddan oo Muslim ah kaga mamnuucay inay Maraykanka soo ga-laan.
Dhinaca kale, Marxuumadda ho-oyadeeda ayaa la sheegay inay haatan ku jirto Xero Qaxooti oo ku taalla dalka Kenya. WQ. Ustaad Nuradin
Xigasho: sevendaysvt.com
LABO RUUX OO HABEEN HORE LAGU DILAY XAAFADO KA TIRSAN MAGAALADA MUQDISHO
Kooxo hubeysan ayaa habeen hore ku dilay xaafado ka tirsan magaal-ada Muqdisho labo ruux oo mid ka mid uu ahaa Kuxigeen Guddoomiye waaxeed ka tirsan degmada H/wadaag.
Wararka ayaa sheegaya in rag ku hubeysan bastoolado ay xaafada Shanta geed ku dileen Guddoomiye kuxigeenka Waaxda Saqaawadiin ee degmada H/w-adaag.
Sidoo kale rag ku hubeysan bastoolado ayaa salaada taraawiix kaddib ku dilay degmada Dharkeeney mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada ka soo dooratay Koofur Galbeed.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ruuxa la dilay uu caan ka ahaa Dharke-enley, laguna magacaabi jiray Xasan Ga-adaay.
Dilalkan habeen hore ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa wehliyay iska hor imaad ka dhacay degmada Huriwaa, gaar ahaan fariisin ciidan ka tirsan kuwa amm-aanka ku leeyihiin agagaarka Shineemo Cabdi Waayeel, waxaana la isku adeegs-aday rasaas culus oo madaafiic ku jiraan.
Tan iyo markii uu bilowday Bisha ramadaan ayaa magaalada Muqdisho lagu dilay dad fara badan oo aan tirade-oda saxda la ogeyn, balse dadka ay she-egayaan in sodomeeyo ay kor u dhaa-feyso.
C/RISAAQ CUMAR "DOWLADDU WAA INAY BAARITAAN KU SAMEYSAA JIRDILKA CIIDAN KA XASILINTA U GEYSTEEN QOF RAYID AH”
Wasiirkii hore ee Amniga Xuk-uumaddii hore C/risaaq Cumar Maxamed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay jirdil uu askari ka tirsan ciidanka Xasilinta Caasimadda u geystay qof rayid ah.
C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ugu baa-qay dowladda inay baaritaan ku sameyso dhacdadaas askari ka tirsan Ciidanka Xasilinta uu ku garaacayo qof rayid ah.
Waxaa uu sheegay in ciidanka X-asilinta Muqdisho aanay laheyn wax sha-rci ah oo ay ku shaqeeyaan, jiritaankoo-dana ka hor imaanayo qodobka 126aad ee dastuurka.
"Dowlada ayaa ciidankani ku she-egtay kuwo kumeel gaar ah oo lagu aas aasay go’aan ay gaareen Golaha Wasi-iradu gaareen, Waa wax laga xumaado in aan aragno ciidankani oo garaacaya dad rayid ah oo an waxba galabsan, Dowlad-du waa inay arinta baaritaan kusamey-saa”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray.
Muuqaal la soo dhigay baraha Bu-lshada ayaa muujinayay askari labisan dareyska ciidanka xasilinta oo garaacaya qof rayid ah, waxaana arrintan ka dha-latay fal celino kala duwan oo qabsaday baraha bulshada.
Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka jiray ta-cadiyo la sheegay inay geysanayeen cii-danka ammaanka, iyadoo lagu toogtay dhalinyaro ka tirsan darawalada bajaajta.
MADAXWEYNE GAAS OO XILALKII KA QAA DAY AGAASIMAYAASHII NABADSUGIDA IYO SIRDOONKA PUNTLAND
Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xilka looga qa-aday Agaasimayaashii Hey’addaha Naba-dsugida iyo Amniga iyo Sirdoonka ee loo yaqaano PSS iyo PIA.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Gaas ayaa Shalay oo Arba-co ah waxaa xilka looga qaaday C/risaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) oo ahaa Aga-asimaha Sirdoonka Puntland PIA oo qaabilsan la dagaalanka Argagixisada.
Sidoo kale waxaa xilka laga qaa-day C/llaahi Aadan Maxamed oo isna ahaa Agaasimihii Guud Hey’adda Naba-dsugida Puntland PSS
Wareegtada ayaa lagu sheegin cida loo magacaabay xilalkaas, waxaana wareegtada ay ku koobneyd kaliya xil ka qaadis.
Labada Hey’addood ayaa ah ku-wo awood ku leh Puntland, isla markaana leh ciidamo si gaar ah u tababaran oo taageero ka hela dalal shisheeye.
UGU YARAAN 40 QOF OO KU DHINTAY DAGAAL DHEX MARAY SOOMAALI IYO OROMMO
Dad ka cararay dagaallada u dha-xeeya Soomaalida iyo Orommada
Dagaalka ayaa u dhaxeeya laba jufo oo ka soo kala jeeda Soomaalida iyo Orommada, kuwaasoo uu iska hor imaad ku dhex maray meel aan ka fogeyn Tulli Guuleed oo qiyaastii 50 – 60 KM waqo-oyiga kaga beegan magaalada jigjiga.D-eegaankaas ayaa xad la leh dhulka buu-raleyda ah ee Harar, gaar ahaan degm-ada Jiracsaney ee ay Orommadu degto.
Wararku waxay sheegayaan in ugu yaraan 40 qof oo labada dhinac ka kala tirsan ay ku dhinteen seddexdii us-buuc ee u dambaysay oo dagaalladu ay dib u soo cusboonaadeen.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in bilihii u dambeeyey ay deegaankaas ku sugnaayeen milateriga dawladda Itoob-iya, balse ay dagaalladu soconayeen, kuwaasoo sii xoogaystay dhowrkii maalm-ood ee u dambeeyey.
Warar ayaa sheegaya in ay jiraan dad ka qaxay tuulooyin u dhow halka lagu dagaallamay, ayadoo dadka dagaallad-aas ku dhaawacmayna loo kala qaaday Tulli Guuleed iyo Jiracsaney.
Weli labada maamul ee Sooma-alida iyo Orommada, iyo dawladda Fede-raalka ee Itoobiya kama aysan hadlin dagaalladaas.
Inkastoo ay labada jufo dagaa-llami jireen tan iyo 1980-meeyadii, misna dadka la socda arrimaha ku saabsan khi-laafka u dhaxeeya Soomaalida iyo Oro-mmada waxay sheegayaan in uu markan salka ku hayo xiisadda guud ee u dha-xaysa labadaas qabiil.
ACMAASHA TAN UGU KHEYRKA BADAN RAMADAANKA
QODOBKA | 4AAD
IN QURAANKA LA AKHRIYO
Waxaa
wanaagsan qofka Muslimka ah in uu badiyo quraan akhriska gaar ahaan bisha
ramadaan, sidii dadkii salafku aha ayeen, waxaa la sheegaa in qaarkood ay dejin
((dhameyn)) jireen quraan.
•3-Dii habeenba mar,
•7-Dii habeenba mar,
•10-Kii habeenba mar.
Imaamu shaafici wuxuu dejin ((dhameyn)) jiray Quraanka 60 jeer, Bisha Ramadaan. Waxaa wanaagsan quraanka marka la akhrinayo in lagu tadaburo oo lagu khushuuco. Waxaa kaloo wanaagsan inaad cajalado ka dhagaysato, ama aad qof igu akhri tiraahdo adigoo u dheg-raaricinaya. Nebiga NNKH waxaa ka sugnaatay inuu Ibnu Mascuud ku yiri; "Igu arkhri quraanka” Ib nu mas’cuudna wuxuu yiri; ‘Nebi Allow sideen kuugu akhrinayaa quraanka isagoo laguugu soo dejiyey adiga;? Markaasuu yiri Ne bigu SCW "Waxaan jeclahay inaan ka dhagaysto qof kale”.
QODOBKA | 5AAD
IN LA FARIISTO MASJIDKA
(ILAA QORAXDU KA SOO BAXDO)
Nebigu SCW wuxuu ahaa mid ku fadhiya gogosha uu ku takado salaadda Subax ilaa qoraxdu ka soo baxdo, waxaa laga weriyey Nebiga SCW inuu yiri; " ”Qofkii la tukada jamaaco, salaada fajarka dabadeedna fariista meeshii uu ku tukaday, isagoo xu saya Alle ilaa ay qoraxdu ka soo baxdo, dabadeedna tukada la bo rakco wuxuu leeyahay ajar la’eg qof cimraystay cumro dha maystiran, sidaas daraadeed, waa inaan ka faa’iidaysanaa waqt igaas yar ee ajarka weyn leh”.
QODOBKA | 6AAD
IN LAGU NEGAADO MASJIDKA
Nabiguﷺ wuxuu ahaa mid ku negaada masaajidka Ram adaan walba Tobanka habeen ee ugu dambaysa, sanadkii la oofsanayey wuxuu ku nagaaday Masjidka Labaatan Habeen, sidaa darteed in lagu nagaado Masjidka waa arrin muhiim ah, wayna wanaagsan tahay in lagu dadaalo, gaar ahaan tobanka dambe ee ramadaan, iyadoo la raadinayo Laylatul-Qadriga Bar akaysan. Negaashada masjidka waxaa loola jeedaa cibaado dar teed, iyadoo loo go’ayo cibaadada, dikriga, iyo acmaal kasto oo ku gaarsiinaysa raali ahaanshaha Alle (swt).
XIKMADDA LOO JIDEEYEY ICTIKAAFKA…
Ibnu Qayim wuxuu leeyahay waa in qalbiga Alaah loogu go oni yeelo, kaas oo laga ilaalinayo waxyaabaha shuqlinaya. Ictik aafka xukunkiisa Waa u dhawaansho Alle iyo raacid waddadii Nabigaﷺ. Ilaahey (swt) wuxuu leeyahay:
”Ka nadiifi gurigeyga shirkiga iyo macaasda waayo waxaa ima anayaa dadka dawaafaayo iyo kuwa ku ictikaafaayo”. Waxaa la weriyey inuu Nebigu Ictikaafi jiray tobanka dambe ee ramadaanka, markuu dhintay kadibna haweenkiisu way ictikaafi jireen,
Shuruudaha Ictikaafka
1.Waa inuu qofku Islaam yahay
2.Waa inuu Caqli leeyahay
3.Waa inuu wax kala sooci karo
4.Waa inuu Niyad la yimaado
5.Waa Inuu ku Negaado Masjidka
6.Iyo Inuu Daahir yahay.
WAXYAABAHA U WANAAGSAN INUU SAMEEYO QOFKA ICTIKAAFAYA
1. Inuu badiyo Salaadda iyo Quraan Akhriska
2.Inuu ka fogaado waxyaabaha maalaayacniga ah. Sida cayda, iyo doodda.
3.Inuu ku Negaado masjidka Meel ka mid ah.
WAXYAABAHA U BANNAAN QOFKA ICTIKAAFAYA
1.Inuu u baxo dantiisa lagama maarmaanka ah.
2.Inuu wax cuno, wax cabbo isagoo ilaalinaya nadaafadda masj idka.
3.Inuu hadli karo, wixii dantiisa ah.
4.Inuu shalaysankaro, ciddiyaha iska jari karo, nadiifsan karo jirk iisa.
5.Inuu ka bixi karo meesha uu ku ictikaafayo isagoo sagootinaya Ehelkiisa.
WAXYAABAHA BURIYA ICTIKAAFKA
1.In laga baxo masjidka Dan la’aan.
2.Jimaaca
3.Waalli ama sakhraan
4.In diinta islaamka laga baxo
5.In ay imaadaan waxyaabaha buriya ictikaafka.
Waqtiga uu galayo Masjidka qoka Ictikaafaya:
Hadduu niyeysto inuu ictikaafo tobanka dambe wuxuu galayaa qoraxda intaynan dhicin, wuxuuna ka soo baxayaa masjidka maalinta ugu dambaysa Bisha qoraxdu marka ay dhacdo,
QODOBKA | 7AAD
CUMARADA RAMADAANKA
Waxaa wanaagsan in lagu dadaalo Cumrada Ramadaanka la sameeyo, Waxaan ka fahmaynaa xadiiska nabiga SCW ”in cum rada Ramadaanka la sameeyo ay u dhiganto Xaj”…..
QODOBKA | 8AAD
IN LAGU DADAALO RAADINTA
Habeenka Barakaysan (Laylatul Qadri)
Alle (swt) quraankiisa wuxuu ku leeyahay:
”Anaga ayaa soo dajinnay "qur’aanka” habeenka leylatul qadarka maxaad ka ogtahay habeenka leylatul qadarka waa habeen ka kheyr badan kun habeen”.
Waxaanu soo dejinay Quraanka Habeen Barakaysan (Laylatul-Qadri) Dhexdiis, Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu habeenkaasi yahey ‘Nebimuxamadow’ Habeenkaas Barakaysan (Laylatul qadriga) waa habeen ka kheyr kun bilood.
Rasuulka (csw) Wuxuu yiri:
”Qofkii istaaga habeenka leylatul qadarka asagoo rumeysan ajarna ka raadsanaaya waa la dhaafaa danbigiisii hore”.
Waxaan ka fahmaynaa Xadiiskan qofkii Istaaga Habeenka laylatul qadri isagoo rumaysan oo ajarna dalbaaya in loo dhaafayo dembigiisii tagay, sidaas daraadeed, waxaa wanaagsan in lagu dadaalo raadinta habeenkaan, maxaa yeelay waxay ka kheyr badan tahay kun bilood.
QODOBKA | 9AAD
IN LA BADIYO DUCADA
Waxaa wanaagsan in ducada iyo dambi-dhaaf dalabka lagu dadaalo bisha ramadaan, oo aad ducada u gooni yeeshid waqtiyada soo socda:-
1. Markaad afurayso; Maxaa yeelay qofka sooman waxaa uu leeyahay duco aan la celin.
2. Xiliga dambe ee habeenkii
3. Maalinta Jumcada ah aakhikeeda.
QODOBKA | 10AAD
IN LA XIRIIRIYO QARAABADA
Akhlaaqda wanaagsan ee qofka muslimka ah looga baahan yahay waxaa ka mid ah inuu xiriiriyo qaraabada, dadkii hore waxaa dhaqan u ahaa inay xiriiriyaan qaraabadooda iyadoo xilligaas aysan jirin aaladaha casriga ah ee la adeegsado, sidaas daraadeed waxaa wanaagsan inuu xiriiriyo qofku qaraabadiisa meel kasta oo ay joogaan:
Nebigu wuxuu leeyahay (csw);
"Qofkii doonaya in cumrigiisa loo siyaadiyo, risqigiisana loo waasiciyo ha xiriiriyo qaraabadiisa”.
Ugu dambeyn waxaa wanaagsan in dhammaan acmaashaas aan soo sheegnay ka wada faa’iidaysano, maxaa yeelay waa fursad qaali ah oo aynaan ogeyn inay na soo mari doonto mar kale, sidii Rasuulkii NNKH, Axaabtiisii RC iyo salafu saalixba uga faa’iisan jireen.
Waxaa diyaariayay: Umu c/llaahi cali cabdi & Umu c/raxmaan ax med maxamed Waxaa soo saaray: Abuubakar yaasiin xaaji Email: abuukarsom@hotmail.comMuqdisho–Soomaaliya {Xigasho: SomaliTalk.com}
War-Gelin Fadan Qoraalladaan Diiniga ah ka ilaaliyadhulka in la dhigo iyo meelo Wasaqeysan ee Xafida Adinkoo Mahadsan.
DHAMMAAD
BOGGA CAYAARAHA
HORDHAC: RUSSIA VS SAUDI ARABIA, CAYAARTA FURITAANKA KOOBKA ADDUUNKA IYO WAX KASTA AAD KAGA BAAHAN TAHAY ?
Dareenka Caalamka oo dhan ayaa maanta kusii jeeda Dalka Russia oo uu ka bilaabanayo Tartanka ugu Weyn kubbadda cagta adduunka ee FIFA World Cup 2018 ama Koobka Adduunka 2018.
Waxaa laga joogaa 1432 maalin oo u dhiganta 4 sano markii uu Mario Gotze watiga dheeriga uu goolka guusha u dhaliyay xulka heysta koobka adduunka ee Germanya cayaartii kama dambeysta ee Finalkii 2014 kaa oo ka dhacay gegiga Maracana ee dalka Brzail.
Sanadkan 2018 Marti galiyaasha koobka adduunka ee Russia iyo Saudi Arabia ayaa furi doona cayaarta koowaad ee tartankan dunida ugu qiimaha badan.
Ogeysiiska cayaarta
Tartanka: Koobka Adduunka
Waqtiga: 06:00 Maqribnimo ee Saacada Geeska Africa
Garsooraha: Nestor Pitana (Argentina)
Garoonka: Luzhniki Stadium
Wararka Labada Koox.
Russia ayaa u yeertay daafaca 38 jirka ee Sergei Ignashevich kaa oo ka fariistay cayaaraha caalamiga sababatoo ah waxa ka dhaawacan dhawr daafac isagoo la filayo inuu kusoo bilaawdo safka.
Xiddiga Aleksandr Kokorin ayaa ku seegaya tartankan dhaawac jilibkaa sidaa darateed waxaa weerarkooda noqon doona Fedor Smolov.
Macalinka Saudi Arabia Juan Antonio Pizzi wuxuu wajahayaa dhibaato weerarka.
Mohammed Al-Sahlawi iyo Muhannad Assiri ayaa labaduba caab cayaareed liita soo bandhigay kulamadii diyaar garowga.
Seven games without a win for Russia
TODOBADA KULAN XARIIR AH WAX GUULA MAGAARIN XULKA MARTI GALIYANA KOOBKA ADDUUNKA EE RUSSIA
Xaqiiqooyinka cayaarta.
Fool ka Fool
Saudi Arabia ayaa ku badiyay 4-2 kulankii u dambeyay ee gurigooda, wuxuuna ahaa cayaar saaxiibtinimo oo dhacday bishii October 1993.
Russia
Tan iyo burburkii Midowgii Soviet , Russia marnaba ma gaarin wareega Bux baxda ee koobka adduunka saddax jeer oo ay cayaareen oo kala ah (1994, 2002, 2014). Waxa ayna ku dhameysteen kaalinta seddaxaad ee Groupkooda mid kasta oo kamida tartamadaas.
France waa dalkii u dambeyay ee ku guuleysta koobka adduunka isaga oo marti galinya 1998. South Africa, oo tartanka lagu qabtay sanadkii 2010, waa marti galiyaasha kaliya ee ku haray heerka group-ka.
Russia waa guul la’aan shantii dheel ee u dambeysay koobka adduunka waana 2 barbaro iyo, 3 guuldraa. Kaliya labada guul ay koobka adduunka ka gareen iyagoo ah dal madax banaan waxay ka badiyeen wadamo Afrikaana waana Cameroon oo ay kaga adkaadeen 6-1 1994 iyo 2-0 oo ay ku gareen kooxda Tunisia 2002.
Hadii uu cayaaro, Sergei Ignashevich wuxuu noqon doonaan cayaariyahankii ugu da’da weyna Russia ee kasoo muuqda koobka adduunka wuxuuna jiraa 38 sano, 335 maalin, isagoo dhaafi doona Lev Yashin oo rikoodh kaas ku heysta 36 sano iyo 279 maalin.
Saudi Arabia
Tani waa markii shanaad oo ay Saudi Arabia cayaarayaan koobka adduunka, iyo markii u horeysay tan iyo sanadkii 2006. Waxay ku dhameysteen kaalinta u hoseysa ee groupkooda seddaxdii mar ee u dambeysay tartanka cayaaraha adduunka.
Saudi Arabia waa guul la’aan todobakoodii dheel ee u dambeysay koobka adduunka, tan iyo markii ay Belgium ku garaaceen 1-0 sanadkii 1994.
Iyagu marnaba ma badin kulankooda furitaanka ee koobka adduunka waana mar barbaro iyo seddax guuldaraa.
Saudi Arabia ayaa mar kaliya shabaqa ilaashtay 13 kulan oo ay cayaareen koobka adduunka. Waxay ku fashilmeen in ay gool dhaliyaan todobo kamida sagaalkii kulankan ee u dambeysay tartanka.
Xulka Saudi ayaa guuldareystay siddeed kamida sagaalkoodii kulan oo ay la cayaareen koobka adduunka xulalka qaarada Europ, guushooda kaliya ay ka gareen waxay aheyd cayaar uu goolka guusha dhaliyay Saeed Al-Owairan kulan ay wajaheen Belgium sanadkii 1994.
Mohammed Al-Sahlawi wuxuu ka dhaliyay 16 gool kulamadii isreeb-reeb –waana mid uu kaga badan yahay cayaariyahanka walba, inkastoo uu siddeed gool ka dhaliyay labadii kulan ay la cayaareen Jaziirada Timor-Leste
HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGESKA KOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO KHAMIIS 14-KA JUUN 2018-KA
DOWLADDA OO MAMNUUCDAY IN DALKA LA KEENO BAARUUDA CARRUURTA KU CIYAARAAN War ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XF.Somaliya ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba la mam nuucay soo dajinta agabka Baaruuda ee carruurta isticmaalaan.