Hordhaca: Liverpool Vs Leicester City: Jurgen Klopp Oo Wiilashiisa Jawaab Ka Doonaya, Claudio Ranieri Iyo Kooxdiisa Leicester Oo Doonaya In Ay Hogaanka Sii Xejistaan

0
Saturday December 26, 2015 - 15:11:36 in Sports News by
  • Visits: 793
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca: Liverpool Vs Leicester City: Jurgen Klopp Oo Wiilashiisa Jawaab Ka Doonaya, Claudio Ranieri Iyo Kooxdiisa Leicester Oo Doonaya In Ay Hogaanka Sii Xejistaan

    Kulanka: Liverpool Vs Leicester City Garoonka: Anfield Road Waqtiga: 6:00 galabnimo ee saacada Geeska Afrika Garsooraha:M. Atkinson

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Liverpool Vs Leicester City Garoonka: Anfield Road Waqtiga: 6:00 galabnimo ee saacada Geeska Afrika Garsooraha:M. Atkinson

Liverpool ayaa garoonkeeda ku soo dhawayn doonta kooxda layaabka ka dhigaysa horyaalka Ingiriiska ee Leicester city taas oo hogaanka u haysa Premier Leaque-ga, laakiin waqtigan oo kale xili ciyaareedkii hore waxay ku jirtay kaalinta ugu hoosaysahoryaalka Ingiriiska. TababareClaudio Ranieri ayaa Leicestet City ka dhigay koox laga cabsado isla markaana walwal ku abuurtay kooxaha waa wayn.

Leiceter City ayaa kulankii labaad oo xidhiidh ah ku ciyaari doonta Liverpool iyada oo kulankii hore 3:2 ku garaacday kooxda Everton kulan uuRiyad Mahrez laba gool dhaliyay halka uuShinji Okazaki goolka saddexaad dhaliyay, taas oo ka caawisay in ay sii dheeraystaan hogaanka horyaalka.Leicester City ayaa Liverpool soo booqan doonta iyada oo hogaanka horyaalka u dagaalamaysa.

Liverpool vs Leicester City
Liverpool ayaa Leicester City soo dhawayn doonta iyada oo si wayn guul ugu baahan waxayna kooxda Klopp la dhibtoonaysaa dhaawacyo iyada oo waliba hal dhibic ka soo heshay saddexdii kulan ee ugu danbeeyay. Liverpool ayaan xili ciyaareedkan bandhig fiican ku muujiyay garoonkeeda Anfield waana sabab kale oo uu Klopp la walwali karo.Liverpool ayaa guuldarooyin kala soo kulantay kooxaha Newcastle United iyo Wafrod halka ay barbaro la soo gadhay kooxda West Brom kulankii Anfield ugu danbeeyay.

Ayaa Soo Laabtay, ayaase Maqnaan Doona?

Waxaa Liverpool u soo laabtay goolhayeSimon Mignolet kaa soo dhaawac muruqa ah ku seegay guuldaradii Wafrod, waxa kale oo Reds u soo laabtay difaaca dhexe eeDejan Lovren balse waxaa muddo todobaadyo ah garoomada ka maqnaan doonaMartin Skrtel iyo James Milner oo dhaawacyo qaba. Sidoo kaleDaniel Sturridge ayaa wali ku jiri doona liiska maqnaansha Reds.

Liiska Kooxda Liverpool ee kulankan:Mignolet, Clyne, Lovren, Sakho, Moreno, Lucas, Can, Henderson, Coutinho, Benteke, Lallana, Bogdan, Toure, Randall, Allen, Ibe, Firmino, Origi.

Dhinaca kale kooxda Leicester City ayaa la filayaa in uu kulankan seegi doonoDanny Drinkwater wuxuuna hore u seegay kulankii sabtidii ay Leicester guusha kaga soo gaadhay Everton, laakiin tababareClaudio Ranieri ayaa dib u soo dhawayn doonaRobert Huth oo soo dhamaystay hal kulan oo ganaax ah, waxaana la filaya in uu booska kala bixi doonoMarcin Wasilewski oo kulankii Everton booskiisa ka ciyaaray. Balse waxaa dhaawac ku sii maqnaan doonaJeff Schlupp.

Liiska Kooxda Leicester City ee kulankan:Schmeichel, Schwarzer, Simpson, Huth, Morgan, de Laet, Wasilewski, Benalouane, Fuchs, Kante, King, Inler, Mahrez, Dyer, Albrighton, Vardy, Okazaki, Ulloa, Kramaric

Ma ogtahay?

  • Liverpool ayaa afar kulan soo guulaystay isla markaana aan hal kulan soo guuldaraysan lixdii kulan ee ugu danbaysay ee ay Leicester City kaga hortimid kulamada horyaalka Ingiriiska.
  • Liverpool waligeed maalinta Boxing day-ga garoonkeeda wax guuldaro ah kulamay kulmin, shan kulan way guulaystay halka ay saddex kulan barbaro ku gaashay, laakiin Leicester City ayaa ka mid ahayd kooxaha maalintan oo kale Liverpool barbaraha kula galay Anfield, wuxuuna kulankaasi dhacay 1996 kii.
  • Ka hor intii ayna horyaalka Ingiriiska dib ugu soo laaban, Leicester City ayaan wax guuldaro ah soo arkin 9 kii kulan ee ugu danbeeyay oo ay soo ciyaartay maalinta boxing day-ga. Afar kulan ayay soo guulaystay halka ay shan kulan soo barbaraysay, laakiin hal kulan oo kaliya ayay ka soo guulaystay maalintan oo kale kulamada Premier leaque-ga tobankii kulan ee ugu danbeeyay.
  • Leicester ayaa ah kooxda kaliya ee labaad ee taariikhda horyaalka Ingiriiska laba xili ciyaareed oo xidhiidh ah waqtigan oo kale ku kala jirtay halka ugu hoosaysa iyo halka ugu saraysa, waxaana uga horaysay kooxdaNorwich City oo sanadkii 1987-88 halka ugu hoosaysa ku jirtay iyada oo sanadkii 1988-89 waqtigan oo kale ku jirtayhalka ugu saraysa horyaalka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip