Aan kuu qariyee QurbaJjoog, qeybtee ka tahay?

0
Wednesday December 23, 2015 - 19:19:37 in Maqaallo by
  • Visits: 1250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aan kuu qariyee QurbaJjoog, qeybtee ka tahay?

    Tani waa mirihii Qaxa iyo Qalalaasaha ka dhashay ee ah in isfaham waa ka dhex aloosmo bulsho wada dhalatay oo ay qaar badan oo kamida af, iyo dhaqannba aysan ku wanaagsaneyn amaba ka aradan waana sheeko malaha waayo badan Siriqdeeda naloo dhigayey ha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tani waa mirihii Qaxa iyo Qalalaasaha ka dhashay ee ah in isfaham waa ka dhex aloosmo bulsho wada dhalatay oo ay qaar badan oo kamida af, iyo dhaqannba aysan ku wanaagsaneyn amaba ka aradan waana sheeko malaha waayo badan Siriqdeeda naloo dhigayey hase ahaatee 1991 aan ku dhacnay kadib markii ay burburtay Dowladeenii Dhexe. Isku magac bixinta waa mid jirta oo hadaad maqasho Dal joog iyo Qurba joog waxaa kusoo baxaya in labo kooxood lasii kala yahay kuwaa oo iyagu is dhaliilaya walow dhan ay ubadan tahay dhaliisha dhankaa oo ah Qurba joogta kuwaa oo lagu xanto am bareerba loogu sheego in ay yihiin kuwa usoo shaqo tagay Xil, Sadbursi iyo qaar lagu tilmaamo Dhaqan Bi`is oo iyagu markey dalka kusoo laabtaan furtay meelo lagu Balweeyo oo nooc kamida Muqaadaraadka lagu isticmaalo.

Waxaa iyana lagu canbaareeyaa qaarkood in ay aad uga faanaan Afkooda iyagoo lagu tilmaamo in ay soo kordhiyeen hormarinta Afka Qalaad oo lagu barxo Afka Hooyo iyo sidoo kala in qaar kale lagu tilmaamo kuwa iskalaba wayn Hidaha iyo Dhaqanka umadan Soomaaliyeed ee faca wayn Daljoogtana quursada aadna u jecel in ay qaataan mishaar ka badan kuwa Guda joogta qaataan iyagoon aqoon dheereyn.

Markaan intaa oo lagu eedeynayo Qurba joogta ka hadlayo hadana qudheyda waxaan ka mid ahay inta Dalkooda dib ugu soo laabtay waxaase macquula in aad is weydiisaa maxaa maanta keenay in Qurba joogta laga hadlo iyadoo maalmihii ugu danbeeyey ay bulshadu hadal hayeen Inyaroo qurba joog dhalinyaro ah ay Afka ku shubteen Shirka Dhalinyarada kaasoo ay aheyd in Dhalinyarada gudaha joogta doorka koowaad lahaadaan madama ay yihiin kuwa ka xog badan kagana xanuun badan Dalkooda.

Qurba joogta Dalka kusoo laabatay maahan kuwa aan sheegay oo kaliya hadana waxaa jira qaar badan oo bulshada kusoo kordhiyey Dugsiyo iyo jaamacada waxlaga barto oo ay dhigtaan kumanaan ardaya iyadoo sidoo kale shaqo abuur badan sameeyey sida Hotelo, Maqaayado, Warshado yar yara iyo sidoo kale xitaa Shirkado Qashinka uruuriya taasoo ay shaqo ka heleen qaar badan oo bulshada ka mida Magaaladana Bilic kusoo kordhiyey.

Kuwaas danbe ee Qurba joogta ayaa bulshada kala kulmay amaan iyo bogaadin waxaana lagu tilmaamay in ay u hiiliyeen Dadkooda ayna yihiin kuwa aad ujecel Dhaqankooda iyagoo soo minguuriyey hormarka ay qurbaha kusoo arkeen si ay bulshadooda ugaarsiiyaan waana mida abaalka looga hayo.

Tani waa eedeyn dhaba inta badan hase ahaatee waa kuma Qurba joogta loo tabinayo canbaareyntaa iyadoo ay kala yihiin noocyadaa ayaa hadana Dalka u baahan yahay in Qurba joog fara badan ay kusoo noqdaan si ay Dalkooda u dhistaan hase ahaatee su`aasha Qurba joogta ku qotontaa waxey tahay aan kuu qariyee Qurba joog qeybtee ayaad ka tahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip