
Wasiiro ka tirsan Dowladda iyo Siyaasiyiin gaaray Magaalada Jowhar ee G/sh/dhexe
Ujeedka socdaalka Wafdigaan ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in Deeq Dawo ah ay gaarsiiyaan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Deeqdaasi oo ka timid Dowladda Finland.
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Somaliya Maxamed Cumar Ceymooy, ayaa sheegay in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Finland ay ku wehliyaan socdaalkooda.
"Dadka Dagan Magaalada Jowhar Aadbey inoo soo dhaweeyeen maamul iyo Shacab inooma kala harin waana ku ammaanayaa, waxaan qalabkaan aan waddno ee Cafimaadka ku wareejinaynaa Maamulka Gobolka” Ayuu yiri Wasiirka Ceymooy.
Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, maadaama Wafdigan ay ku sugan yihiin Magaalada.
Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Dowladda Somaliya u iclaamisay inay tahay halka lagu marti gelinaayo Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Wasiiro ka tirsan Dowladda iyo Siyaasiyiin gaaray Magaalada Jowhar ee G/sh/dhexe
Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa gaaray Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Somaliya Maxamed Cumar Ceymooy, waxaana ku wehliyay Wasiiro kale iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.