Madaxweyne Xasan oo ka hadlay sababta Shabaab uu Soomaali u noqday, haddii Ajaaniib ay ku jiraan

0
Tuesday December 22, 2015 - 13:25:40 in Wararka by
  • Visits: 743
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan oo ka hadlay sababta Shabaab uu Soomaali u noqday, haddii Ajaaniib ay ku jiraan

    Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa sheegay in Ururka Al Shabaab ay ka barbar dagaalamayaan Ajaaniib dalal badan isaga timid, iyagoo ku mideysan fekerka Shabaab oo qura.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa sheegay in Ururka Al Shabaab ay ka barbar dagaalamayaan Ajaaniib dalal badan isaga timid, iyagoo ku mideysan fekerka Shabaab oo qura. Madaxweynaha, ayaa yiri "Shabaab waa urur mabaadii’ ama afkaar ku dhisan. Fekerkuna xuduud maleh, wadaniyad maleh, qabiil maleh, dhalasho iyo muwaadinimo midna maleh, fekerka cidii qaadataa ayaa iska leh.”

"Marka Shabaab waxaa ku jira African, Asian, European, American, cid walbaa ku jirto. Su’aashu waxay tahay muxuu Soomaali ku noqday, haddii dadkaasi oo dhan ay ku jiraan? Weliba Madaxdiisa iyo kuwa dhaqaalaha bixiya inaanay Soomaali ahayn ayay u badan tahay.”

Madaxweynaha, ayaa tibaaxay in Ajaaniibta ka timid dalalka deriska, aanay iyagu dalalkoodu ka hirgelin karin fekerka Shabaab, waayo waxaa ka jira Maamulo diidan fekerkaasi, sida uu sheegay.

"Muxuu Soomaali u noqday weeye Shabaabka? Wuxuu Soomaali u noqday, Soomaaliyuu ka jiraa! Ninka Afrikaanka ah ee Kenya, Itoobiya, Tanzania, Uganda, Nigeria iyo Sudan ka yimid dalkiisii kama uuna dhaqangelin karin fekerka Shabaab. Sababtu waa maxay, dowlaa ka jirta oo didan waxaas.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay kulan uu Magaalada Baledweyne kula qaatay qaybaha bulshada, ayuu ka sheegay in ujeedada Maamul Goboleedyada loo dhisaayaa, ay tahay sidii cagta lagu marin lahaa Ururka Al Shabaab, iyadoona Maamul kastaa lagula xisaabtami doono, hadba sida uu ula dagaalamo Ururkaasi.

Madaxweyne Xasan, ayaa dadka deegaanka ugu baaqay inay u istaagaan Dhismaha Maamulka Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe, iyadoo hal dhinac laga noqonaayo la dagaalanka Al Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip