HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 4-TA ABRIILE 2018-KA

0
Wednesday April 04, 2018 - 07:22:39 in Wararka by
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 4-TA ABRIILE 2018-KA

    HAY'ADAHA AMMAANKA OO WAR KA SOO SAARAY KULANKA GOLAHA SHACABKA EE MAANTA War qoraal ah oo xalay ka soo baxay Hay'addaha Amniga Dowladda Federaalka ayaa waxaa hadlay arrimo ku saabsan sugidda amniga kulanka Baarlamaanka ee maanta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HAY'ADAHA AMMAANKA OO WAR KA SOO SAARAY KULANKA GOLAHA SHACABKA EE MAANTA War qoraal ah oo xalay ka soo baxay Hay'addaha Amniga Dowladda Federaalka ayaa waxaa hadlay arrimo ku saabsan sugidda amniga kulanka Baarlamaanka ee maanta.

Sida warqada ka muuqata waxaa warkan si wadajir ah u soo saaray Talisyada ciidam ada Booliska, Xoogga dalka, Nabad Sugidda iyo Asluubta, waxayna kaga hadleen ilaa Saddex qodob oo quseeya kulanka Baarlamaanka.

DHAXALSUGAHA BOQORTOOYADA SACUUDIGA OO SHEEGAY IN ISRAA’ IIL AY XAQ U LEEDAHAY INAY DAL YEELATO

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay inay yeelato dal.

Wareysi uu siiyay Majalada ka soo baxday Marekanka oo lagu magacaabo Atlantic ayaa 32 jirkan dhaxalsugaha ah uu ku sheegay in Israa’iil iyo Falastiin ay si siman ugu qalm aan inay yeeshaan dhul ay leeyihiin.

"Waxaan aaminsanaha dadka kasta, meel kasta inay xaq u leeyihiin inay si nabad ugu noolaadaan dalkooda”ayuu yiri Maxamed Bin Salmaan.

Arrintan ayaa ah mid u muuqata is bedel inuu ku yimid mowqifka Sacuudiga iyo me eshii uu horay ka taagnaa arrinta Israa’iil.

Waxaa uu sheegay in Israa’iil ay wadaagaan dano badan, isagoo qiray inay dhaqalahee da uu soo korayo, waxaana uu intaa ku daray in dalalka Khaliijka iyo Israa’iil ay wadaagi kar aan dano badan, hadii la helo nabad.

Bin Salmaan ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya aanay dhib badan ku qabin dadka Israa ’iid, isagoo soo hadal qaaday in Nabiga Muxumed (NNKH) uu qabay haweeney ka soo jeeda reer Banii Israa’iil.

Bishii la soo dhaafay Sacuudiga ayaa u ogolaaday hada dalkiisa diyaaradaha ganacsiga ee u socda Israa’iil, waxaana muddo sanado kaddib dul maray diyaarad ka timid magaalada New Delhi ee dalka Hindiya oo u socotay magaalada Tel Aviv ee Caasimadda Israa’iil.

Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil ayaa laheyn xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah,

MUQDISHO GABAR KUFSI IYO DIL LA ISUGU DARAY& XOGDHEERIYA!!

Gabar dhalinyaro ah aya shalay lagu kufsaday Degmadda Shibis ee Magaaladda Muqdi sho, kadibna waa la dilay, sida Dadka deegaanku ay sheegeen.

Gabadha oo Da’deedu qiyaas ahaan u dhexeeyso 15 illaa 16 ayaa la sheegay in ay u shaqeeyneeysay Aabe iyo Labo Wiil oo uu dhlay oo degan Degmadda Shibis ee Magaaladda Muqdisho.

Goobjooge yaal ayaa sheegay in shalay Gabadha yar ay reerka u karisay Quraac, iya da oo isu diyaarineeysa karinta Qadadana ay kufsi kala kulantay qof la tuhunsanyahay in uu ka mid yahay Qoyska ay u shaqeeyneeysay.

"Aabihii reerka ayaa yimid guriga waxyar ka hor Salaaddii Duhur, wuxuuna arkay gab adhii oo Meeyd ah” siduu sheegay goobjooge diiday in magaciisa aan adeegsano.

Dilka Gabadha waxaa loo isticmaalay Middi, sida uu goob jooguhu sheegay.

Dhawaan ayaa gabadha laga keenay Baadiye, waxaana loo keenay qoyska ay u shaqee yneeysay oo la sheegay in ay Qaraabo dhow ahayeen.

Gudoomiyaha Degmadda Shibis iyo Booliska ayaa tagay Guriga uu Dilka iyo Kufsigu ka dhacay, waxaana laqaaday meeydkii gabadha, Aabihii Qoyska iyo Labadiisii wiil, waxa loo qaaday Xarunta Dambi barista ee CID ee Magaaladda Muqdisho.

Masuuliyiinta Booliiska iyo Degmadda wali kama aysan hadlin dhacdadaan.

Kufsiga ayaa ku badan Soomaaliya, laakiin waxaa yar Dhibaneyaasha kufsiga dilka loogu daro.

GUDDOOMIYE KUXIGEEN DEGMO OO XALAY KA BADBAADAY QARAX KA DHACAY MUQDISHO

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Miino oo maqribnimadii xalay ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn Isgoyska Danwadaagta ee degmada Wadajir ee Gobolka Bana adir.

Qaraxan ayaa waxaa lala eegtay gaari uu watay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amm aanka iyo siyaasadda degmada Wadajir, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa dhacay markii uu gudbay gaariga Guddoomiye kuxigeenka, waxaana ku dhaawacmay Hal Askari, sidoo kale waxaa burburtay Miraayadda hore ee gaariga Guddo omiye kuxigeenka.

"Qaraxa xalay waxa uu ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Danwadaagta ee degmada Wadajir, waxaa lala eegtay gaari uu watay Guddoomiye Kuxigeenka Wadajir, Askari ayaa ka dhaawcmay, Hay’adaha ammaanka ayaa ku daba jira raggii falkan ka dambeeyay.” Ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane.

Ilaalada Guddoomiye kuxigeenka ayaa qaraxa kadib rasaas fara badan riday, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in rasaastaasi ay ku waxyeeloobeen dad shacab ah.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federalka ayaa maalmahan u muuqda in ay ka gaabiyeen wax ka qabashada amni darada ka jirta Magaalada gudaheeda, taasi oo ay fursad u arkaan Shabaab cida ay doonaana dilaya, cida kalena qarxinaya.

DIYAARAD LAGA LEEYAHAY MAREYKANKA OO KU DEGTAY SOHDINTA SOOMAALIYA IYO KENYA

Qaar ka mid ah Warbaahinta Kenya ayaa xaqiijiyay in diyaarad laga leeyahay dalka Mareykanka ay ku degtay degaan ku yaalla xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaraddaan ay tahay nooca qaada Hub, islamarkaana ay waday hub, mana Cadda cidda hubkaasi loo waday maadaama Saraakiisha Ammaanka Kenya aysan faahfaahin ka bixin.

Qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka ayaa sheegtay Diyaaraddaan ay leedahay Sharikadda Black Water, islamarkaana ay la socdeen Ciidamo Mareykan ah.

Sharikadda Black Water waa sharikad dhinaca Amaanka kala shaqeysa dowladaha iyo Ururrada sidda Tababarrada,Qalabeynta Ciidamada iyo howglallada qarsoodiga ah.

Diyaaraddan ayaa ku degtay meel duur ah waxaana sawir laga qaaday uu muujinaayay gaari nooca hubka qaada ah gees taagan iyo Askar.

Astaanta iyo Lambarka diyaaradda ayaa muujinaayay in laga leeyahay Mareykanka, islamarkaana ay adeegsato Shirkadda Black Water.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo cidda ay diyaaraddaasi hubka u siday, waxaana la sheegay meesha ay ku degtay in aysan joogin ciidamo.

XILDHIBAANADA MOOSHINKA KA KEEN AY JAWAARI OO KU KALA QEYBSAN KULANKA ARBACADA MAANTA

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ayaa ku kala qeybsamay kulanka maanta maanta oo Arbaco ah loo balansan yahay, kaasoo qorshihiisa yahay in la geeyo Mooshinka, iyadoo laga cabsi qabo in buuq iyo fowdo uu ka dhasho.

C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ahaa Xildhibaanada hormuudka u ahaa shirka jaraa’id ayaa sheegay in mooshinka la keeno maanta Arbacada ay wadaan shaqsiyaad degdegsan.

Waxaa uu sheegay in isaga uu ku talinayo in laga war sugo dhex dhexaadinta uu wado Madaxweynaha.

"Anaga waxaa qabaa in laga war sugo dhex dhexaadinta Madaxweynaha wado, dadka dhahaya Mooshinka Arbacada la keenayaa waa degdegsan yihiin, qaarkood waxay rabaan intii arrintan jiitami laheyd dhaqse lagu kala baxo, waana ra’yi shaqsiyadeed”ayuu yiri C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo la hadlayay Radio Mustaqbal.

Waxaa uu sheegay in wada hadalka uu ku rajo weynahay in laga gungaaro, isla markaana si aqbalaad leh ay arrinta ku dhamaato.

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa wali ku doodaya in Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey uu wali haayo howsha maamulka, maadaama uu Guddoomiye Jawaari mooshin ka yaalo.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada mooshinka horboodaya ayaa sheegay in maanta Arbacada oo maanta ku beegan la horgeynayo Baarlamaanka mooshinka, halka Xildhibaanada ka soo horjeeda ay ka digeen kulankaas.

Khilaafka ka dhashay mooshinka Jawaari ayaa wali xal laga gaarin, iyadoo dadaalo iyo waan waan uu waday Madaxweynaha aanay wali mira dhal noqon.

GOLAHA AQALKA SARE OO SHALAY KA HADLAY ARRIMAHA XAJKA IYO CIMRADA.

Kulanka shalay ay yeesheen Golaha Aqalka Sare oo qeyb ka ah Kalfadhiga 3aad ayaa shalay looga hadlay Dhageysiga warbixin ay soo gudbiyeen Guddiga Garsoorka , Diinta iyo Awqaafta ee arrimaha Xajka iyo Cimrada.

Waxaana Kulankaasi Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyadoona guddiga Arrimaha Diinta iyo Awqaafta halkaasi ay uga dhawaaqeen in ay si rasmi ah ula wareegeen Arrimaha Xajka iyo Cimrada halka markii hore Shirkadaha Duulimaadka ay matali jireen islamarkaana ay heshiisyada arrimahaas la xiriira la soo gali jireen Boqortooyada Sacuudi Arabia.

Senator Cismaan Axmed Macow ayaa ka warbixiyay go’aanada Guddiga ay ka gaareen hanaanka loo wajahayo Arrimahaasi Xajka iyo Cimrada wixii haatan ka dambeeyo.

Dhinaca kale Senator Cismaan Axmed Macow ayaa hoosta ka xariiqay in go’aan ka gaarista qarashaadka qiimo dhimista hanaanka shatiyada arrimahaas ku aadan loo siinayo Shirkadaha ay leedahay Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Cabasho ballaaran ay ka taagneen in qarashaad ka badan Muwaadiniinta dalalka kale ee Xujeyda ah laga qaado Xujeyda Soomaaliyeed taas oo si weyn ay uga soo horjeesteen Golaha Aqalka Sare.

WASIIRKA DHALINYARADDA IYO CIYAARAHA OO DAAH FURTAY MASHRUUCA HORMARINTA IYO TAYEYNTA CIYAARAHA SOOMAALIYA

Munaasabadaan wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku daah fureysay mashruuca hormarinta iyo tayeynta Ciyaaraha Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeyb galey guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, wasiiradda ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlad goboleedyada masuuliyiinta bahda ciyaaraha iyo marti sharaf kale.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane Cabdullahi Cumar Fanax oo ku hadlayey afka dowlad goboleedyada dalka, ayaa sheegey in wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada dhexe ay ku guuleysatay qorsheyaasha lagu tayeynayo ciyaaraha dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan, ayaa shegey in maamulka gobolka Banaadir uu soo dhaweynayo shirkaan looga tashanayo tayeynta iyo horm arinta Ciyaaraha dalka, muddada uu socdana waxa uu shegey inuu rajeynayo qorshe haga dhalinyarada Soomaaliyeed in laga soo saari doono.Wasiirka dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa daah furtay shir kan looga arrinsanayo hormarinta iyo tayeynta Ciyaaraha Soomaaliya, waxeyna goobta uga dhawaaqday Lixda bishaan oo ku beegan seddex maalin kadib Muqdisho in lagu qaban doono tartanka Orodka Fudud.

MAAMULKA KOOFUR GALBEED OO SHEEGAY IN AY GACANTA KU SOO DHIGEEN RAG MIINO KU AASAYAY DULEEDKA BAYDHABO

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed Nuuradiin Gacma oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Maamulkaas oo kaashanaya kuwa Ethiopia ay gacanta ku soo dhigeen 2 qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Xarakada Al Shabaab kuwaas oo Miinooyin ku aasayay inta u dhaxeysa deegaanada Daynuunaay iyo Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in raggaasi loo gudbiyay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Baydhabo , waxaana uu shaaca ka qaaday in la qarxiyay Miinooyinka uu sheegay in raggaasi Aasayeen.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay kadib markii Ciidamada Ammaanka Maamulka Koofur Galbeed iyo Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ay howlgal wada jir ah ka sameeyeen Magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku dhow dhow.

Ma jiro ilo Madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Maamulka Koofur Galbeed ee ku aadan in ay soo qabteen Rag la sheegay in Miino ay aasayeen.

JAWAARI "ANIGA ISMA CASILAYO, XUKUUMADDA IYADAA GABTAY WAAJIBKEEDA EE HA IS CASISHO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Madaxwey naha uu ku guuldareystay inuu kala dhex galo dhinacyada khilaafka u dhaxeeyay, isagoo xusay in maalinkii uu baajinayay kulankii Sabtida uu qabsaday muddo 10 cisho ah in lagu xalin ayo khilaafka, balse aanay arrintaas waxba ka suura gelin.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in meeshii uu ka sugayay Madaxweynaha soo jeedin odaytinimo iyo wixii sharci la raaco iyo in la isugu keeno labada dhinac uu ku guuldare ystay, isla markaana isaga uu ku yiri is casil, taasna ay tahay wax aan la aqbali karin.

Waxa uu sheegay in Xukuumadda ay howsheeda gabtay, isla markaana iyada loo baa han yahay inay is casisho, waxaana uu intaa ku daray in qalalaase badan ay abuureen, kuna kaceen falal aan fiicneyn, sida inay ku talax tageen xormadii Baarlamaanka sida uu hadalka u dhigay.

"Waa qariib in Xukuumadda ay dhahdo lama shaqeyn karno Guddoonka Baarlamaanka, inaan ayaga u shaqeeyo miyay rabaan, waxaa rabaa inaan qeexo arrin dastuuri ah anaga uma joogno inaan u shaqeyno Xukuumadda, wada shaqeyn ayaa naga dhaxeyso, aniga is casili maayo, iyada ha is casisho”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa sharci darro ku tilmaamay kulanka maanta uu iclaamiyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey, isagoo ka digay wixii cawaaqib xumo ee ka dhasaa uu mas’uuliyadeeda qaadayo Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu dhinac la jiro, isla markaana kulanka maanta la qaban qaabinayo uu isaga fasaxay sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka ka soo yeeray Guddoomiye Jawaari ayaa ah mid cirka sii gelinaya khilaafka ka dhex taagan Xukuumadda iyo Baarlamaanka, iyadoo maantaXildhibaanada mooshinka ka keenay ay u balansan yihiin kulan ay ku leeyihiin Xarunta Golaha Shacabka.

GUDDOOMIYAHA G/BENAADIR OO SHEEGAY IN AY KA SHAQEYN DOONAAN SOO CELINTA ADEEGYADA CAAFIMAADKA CAASIMADDA

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa shalay xariga ka jaray xarunta MCHka degmada Shibis, isagoo dhinaca kale ku booqday Isbitaalka Soomaali Suudaaneys Hooyo Soomaaliyeed oo dhashay labo canug oo mataano isku dhegan ah.

Eng. Yarisow ayaa sheegay xaruntan cusub ee MCH ku ay kaalin mugleh ka geysan doonto horumarin adeegyada Caafimaadka Gobolka Benaadir, waxuna ku tilmaamay in guud ahaan dib loo howlgelin doonno xarumihii adeegga bulshada ee Caasimadda, si loogu adeeggo shacabka Soomaaliyeed.

"Xaruntan MCH ka degmada Shibis waxay kaalin mugleh ka qaadan doontaa sidii ay caafimaad wanaagsan ku heli lahaayeen bulshada ku nool degmada iyo guud ahaan Caasima dda, ka maamul ahaana waxaan ka shaqeyn doonnaa in shacabku helaan adeeg bulsho oo dhameystiran”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa ku booqday Isbitaalka Soomaali Suudaaneys Hooyo Soomaaliyeed oo dhashay labo ilmood oo isku dhagan, waxuna sheegay in maamulkiisu uu gacan siin doono bulshada nugul.

MAXKAMADA CIIDAMADA QALABKA SIDA PUNTLAND OO XUKUN KU RIDAY

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Puntlnad ayaa shalay Xukun Dil ah ku riday Askari ka tirsan ciidamada Maamulkaasoo lagu magacaabo Maxamed Maxmuud Guure.

Goobta uu ka dhacayey Xukunkan ayaa waxaa ku sugnaa Xeer ilaaliyaha guud ee Ciida mada Qalabka Sida ee Puntland G/sare Maxamuud Faarax Maxamed iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland S/Guuto Saciid Abyan Cigaal.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland G/sare Maxamuud Faarax Maxamed oo ka hadlay Xukunka la riday ayaa sheegay in dil toogasho ah lagu xukumay Maxamed Maxamuud Guure,loona Cuskada Qodobada kala ah 221, 222, 223, xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo xeerka 186, xeerka ciqaabta ciidmada qalabka sida.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay ninkan xukunka lagu riday inuu ka maqanyahay Gacnata ciidamada iyo dawlada Puntland markii la qabtana uu dhaqan galiyo xukunkan waxaana sidoo kale hay,adaha Amniga uu faray inay gacanta kusoo dhigaan sida ugu dhaqsaha badan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland S/Guuto Saciid Abyan Cigaal ayaa maxkamada ka hor sheegey in xukumane Maxamed Maxamuud Guure uu yahay danbiile Qaran oo khiyaanay dalkiisa isla markaana waxaa uu Guddoomiyuhu sheegey in qofkii soo qabtaa in uu leeyahay abaal marin.

TURKIGA IYO KOOFURTA SUUDAN OO GALAY HESHIIS KU SAABSAN ..

Turkiga iyo Koofurta Suudaan ayaa galay heshiis u saabsan iskaashiga waxbarashada, heshiiskan ayaa labada dal waxaa ay ku kala saxiixdeen magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga.

Heshiiskan ay galeen labada dhinac ayaa keenaya in ay is dhaafsadaan labada wadan macluumaadka ku saabsan cilmiga, Khibradaha iyo ardeyda.

Labada dhinaca ayaa waxaa ay sidoo kale soo bandhigi doonaan tallaabooyin lagu dhiirogelinayo iskaashiga xogagga ku saabsan tobabarrada iyo mihnadaha .

Luqadda Turkiga ayaa lagu dhigi doonaa iskuullada ku yaalla gudaha Koofurta Suudaan iyada oo ardeyda ay manhaj ahaan ay u qaadan doonaan.

MAGAALADDA KAMPALA OO LAGA DAJIYAY MEYDADKA CIIDAMADII LAGU LAAYAY BUULA MAREER

Waxaa Magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda la geeyay maydadka illaa iyo 8 askari oo Amisom katirsanaa kuwaas oo lagu dilay weerarkii maalinnimadii Axadda ay Alshabaab ku qaadeen Deegaanka Buula Mareer ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Madaxwaynaha dalka Uganda Museveni, ayaa tacsi u diray dhamaan Ehaladii ay ka geeriyoodeen ciidamadii lagu laayay weerarkaas, asagoona ku tilmaamay in ay ahaayeen geesiyaal waajibkooda gudanayay.

Madaxwaynaha dalka Uganda, ayaa sidoo kale sheegay tirada rasmiga ah ee ciidamadooda weerarkas lakaga dilay in ay ahaayeen illaa iyo 8 askari, xilli afhayeenka ciidamada difaaca ee dalkaasi Brig Karemire, uu daraad saxaafadda u sheegay in tirada ciidamada weerarkii BuulaMareer lakaga dilay ay ahaayeen illaa iyo 4 askari oo dhimasho ah iyo dhaawaca 6 kale.

Madaxwayne Museveni, ayaa hoosta ka xariiqay in xarakada AlShabaab ay ka dileen 36 dagaalame halka Alshabaabna ay sheegteen in ciidamada Uganda, ay weerar kaas ku dileen ay gaarayaan illaa iyo 59 Askari.

Dowladda Uganda, ayaa ah dowladda ugu badan oo ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya, ayagoona Soomaaliya ka hawl galayay tan iyo sanadkii 2007’dii.

WADOOYINKA QAAR EE MUQDISHO OO XIRAN

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay saq dhexe waxa ay xireen wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, maadaama maanta lagu balansan yahay kulanka Baarlamaanka oo xiisad siyaasadeed wata.

Kulanka Baarlamaanka ayaa saakay lagu balansan yahay xarunta Golaha Shacabka 09:00 subaxnimo, waxaana looga hadlayaa laba Ajande oo kala duwan, kuwaasi oo kala ah Mooshinka Jawaari iyo arrinta xuduuda ee Soomaaliya & Kenya, iyada oo laga cabsi qabo in ay dhacaan falal ka baxsan amniga.

Ciidamo cusub oo laga soo bixiyay xerooyinkooda ayaa lagu soo daadiyay Isgoysyada Magaalada, kuwaasi oo wata Hubka culus, waxayna taagan yihiin Isgoysyada Magaalada, waxayna ku jira feejignaan dheeri ah.

Isgoysyada saakay xiran ayaa waxaa ka mid ah Digfeer, KPP, Bakaaraha, Hawlwadaag, Foloransa, Tarbuunka, Sayidka, Shaqaalaha iyo Isgoyska Dabka, iyada oo sidoo kale ay jiraan wadooyin kale oo xiran.

Gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah ayaanan isaga kala gudbi karin Isgoysyada Magaalada gudaheeda, waxayna isticmaalayaan qaarkood wadooyinka qarda jeexa ah, halka qaarka kalena ay maanta sameeyeen shaqo joojin.

Gaadiidka rayidka ayaa loo diidayaa dhamaan Isgoysyadan inay maraan, kaliya waxaa loo ogol yahay kuwa ay wataan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo weliba Gaadiidka Ciidamada si buuxda loo hubinayo.

Isgoysyada Magaalada waxaa lagu jaray Gaadiidka Cabdi Bilaha oo ay hor fadhiyaan Ciidamo wata qoryaha cul culus oo uu ka mid yahay 7ka, xitaa waxaa jirta in dad shacabka ah lugtooda in ay ku maraan loo diidayo wadada u dhaxeysa Dabka ilaa Madaxtooyada.

Hareeraha wadooyinka waxaa taagan oo xirnaanshaha wadooyinka uu saameeyay shacab aad u fara badan oo dano kala duwan lahaa, waxaana shacabka wadooyinka taagan ay isugu jiraan Arday, dad shaqo tag ah, dad dalka ka duulaya oo Garoonka dhankiisa aadi lahaa iyo dadka qaarkood oo booqanaya ama sahay u sida eheladooda oo ka xanuunsan, kuna jira Isbitaalada.

Tani ayaa ah dhibaato ay la kulmaan dadka ku nool Magaalada Muqdisho, balse ma jirto cid wax iska waydiisa raali gelinta Bulshada ee ku aadan wadooyinka ay maraan.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO GUDDI U SAARAY XALLINTA CABASHOOYINKA DHULALKA EE KA TAAGAN MAGAALADA KISMAAYO.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmd Maxamed Islam ( Axmed Madoobe) ayaa Guddi u saaray xallinta Is qab qabsiga ka taagan dhulalka Deegaanada Maamulka Jubbaland,

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Xasan oo u warramayay Warbaahinta ayaa xusay in wixii haatan ka dambeeyo ciddi tabasho la xiriirta arrimaha dhulalka qabto ay la soo xiriiri doonto Guddigaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa Magaalada Kismaayo waxaa ka jiray is qab qabsi iyo Cabashooyin xoogan oo la xiriira arrimaha dhulalka.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa la sheegaa in qudhooda ay qeyb ka yihiin Muran la xiriira dhulalka Magaalada Kismaayo.

SHIR LOOGA HADLAYO KOR U QAADIDA KAABAYAASHA DHAQAALAHA DALKA OO KA SOCDA GAROWE

Shirkaan oo looga hadlayo kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha iyo xiriirka ay leeyihiin Wasaaraddaha Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya iyo tan Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa daraad ka furmay Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Wasiiru Dowlaha Howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Axmed Cabdi kaariye ayaa daah furay Shirkan, iyadoo ay ka qeyb galayaan Madaxda ugu sareysa Wasiiradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta Puntland, Aqoonyahano kala duwan iyo Hay’addaha taageera kor u qaadida Kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Intii uu shirka socday waxaa lagu soo Bandhigay Guulaha ay Puntland ka gaartay Kaabayaasha Dhaqaalaha dalka, iyadoo Wasiirka Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta Puntland C/raxmaan Barkhadle Jaamac uu rajo wanaagsan ka muujiyay in uu miro dhalo shirkani.

Axmed Cabdi kaariye Wasiiru Dowlaha Howlaha Guud iyo Dib u dhiska dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedada shirkaani ay tahay sidii loo xoojin lahaa Wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya iyo tan Puntland iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Kaabayaasha Dhaqaalaha dalka,

BOGGA CAYAARAHA

IN KEVIN DE BRUYNE MURASHAX AADAG YAHAY, IN SAALAX MUDAN YAHAY, IN UU KU FARAXSAN YAHAY IN UUSAN GO’AANKAAS LAHAYN, JURGEN KLOPP OO SHARRAXAY SIDA UU UGU GUULEYSAN KARO MO SALAH PFA PLAYER OF THE YEAR AWARD

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp waxa uu u saadaaliyey Mohamed Salah in uu xilli ciyaareedkan ku guuleysan doono abaalmarinta PFA Player of the Year award.

Klopp waxa uu sheegay in gool dhaliyaha Egypt ee la celin la’yahay in uu 100% u qalmo laakiin waxa uu qiray in xiddigga Manchester City Kevin de Bruyne uu isna murashax adag yahay.

"Ka tababarihiisa ahaa, waxaan qabaa in Mo 100% u qalmo,” ayuu Klopp u sheegay Websiteka kooxda. "Waxaan dhihi lahaa kaalay uu muuji in aad heerkan u ciyaarta inta ka harsan xilli ciyaareedka.”

"Laakiinw haddii aan hadda dhaho Kevin de Bruyne uusan fursad ma haysto, been ayaan sheegayaa. Laba ciyaaryahanba xilli ciyaareed wanaagsan ayey dheelen, goolal ayey dhaliyeen fursadano wey abuureen – oo ah waxa qof walba in uu arko doonayo.

"Waxaan ku faraxsanahay in aan go’aankan aniga qaadaneyn.”

Salah waxa uu ruxay shabaqa 29 jeer 31 kulan oo uu Premier league xilli ciyaaredkan saftay halka Kevin de Bruyne uu ka qeyb qaatay 20 gool 11 kalena dhaliyey intii uu tartankan socday.

Labada laacib waxa ay habeen dambe isaga horimaan doonaan lugta kowaad ee rubuc dhammaadka Champions League marka ay City u safarto Anfiled.

BARCEONA OO SI GAAR AH U SHARFAYSA LIONEL MESSI KULANKA ROMA (MUXUU KU MUTAYSTAY?)

Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay sharfayso laacibkeeda Lionel Messi kulanka ay marti qaadayso Roma habeen dambe.

Nainggolan

Messi ayaa dhaliyay 100gool koobka horyaalada yurub oo dhamaantood uu u dhaliyay kooxdiisa Bracelona, kooxda ayaana arinkaas ku sharfaysa xiddiga reer Argentina.

"Kooxdu waxay barri sharfaysaa Messi ka hor kulanka Roma kadib markii uu gaaray xiddiga reer Argentina 100gool oo Barcelona uu ugu dhaliyay koobka horyaalada yurub” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Barca.

Messi waxaa abaal marin sharaf eedka gudoonsiinaya kabtankii hore ee Bracelona ee Carles Puyol kaas oo kooxda kabtan u ahaa markii Messi uu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee koobka horyaalada yurub xiliciyaar eedkii 20052006.

Kadib 2dii gool ee Messi uu ka dhaliyay Chelsea ayuu ku gaaray 100 gool, kooxda ayaana diyaar u ah inay maamuusto laacibkeeda inta aysan bilaaban ciyaarta.

RONALDINHO GAUCHO OO AAMINSAN IN CARLOS AHAA LAACIBKA BRAZIL KA REEBAY KOOBKII AUUNKA EE 2006

Cabqarigii hore ee xulka qaranka Brazil Ronaldinho ayaa sheegay in wali uu is weydiiyo waxa uu qabanayey daaficii caanka ahaa ee biddix Roberto Carlos markii la abuurayey goolkii uu Theiry Henry kaga dhaliyey koobkii aduunka ee Germany 2006 lagu qabtay.

Goolka laacibkii hore ee Arsenal, Thiery Henry waa kii ay ku hareen Ronaldinho iyo Brazil.

Waqtigaas Roberto Carlos oo wareysi ciyaarta kaddib bixiyey ayaa iska bari yeelay mas’uuliyadda goolkaas lagu reebay xulkiisa.

Carlos oo loo aqoonsan yahay in uu ahaa mid ka mida biddixleyaashii daafaca ugu wanaagsanaa aduunka soo mara ayaa ku tilmaamay qaladkaas in uu ka yimi qaabkii uu tababarahii xulka u dhigay shaxda.

Haseyeeshii , Ronaldoinho isagu waxa uu dhaliisha saaray Roberto Carlos oo uu aaminsan yahay in uu daayacay booskiisa kana hortagi karay goolkaas.

Isaga oo wareysi siinaya ESPN ayuu Gaucho yiri: "Aniga wali waxa aan is weydiiyaa wixii uu Roberto Carlos qabanayey markii la dhisayey goolkaas.”

TABABARE DI FRANCESCO OO KA HADLAY XAALADA RADJA NAINGGOLAN KA HOR KULANKA BARCELONA

Tababaraha kooxda Roma ee Eusebio Di Francesco ayaa ka hadlay taam ahaan shaha laacibkiisa Radja Nainggolan ka hor kulanka Barcelona.

Radja Nainggolan ayaa dhaawac looga saaray kulankii sabtidii kooxdiisu ay 11 lagashay kooxda Bologna oo ay marti u ahaayeen.

Image result for di francesco Nainggolan

Tababare Di Francesco ayaa daaha ka qaaday in xaalada Radja Nainggolan ay tahay 5050 isla markaana wali uusan si buuxda u soo caafimaadin.

Ka hor kulanka Barcelona ayaa la waydiiyay tababaraha reer talyaani taam ahaan shaha Radja Nainggolan, wuxuuna yiri:

"Nasiibka uu ku ciyaari karo waa 50%, barri ayaa la tijaabin doonaa taam ahaanshihiisa”.

Champions LeagueQuarterfinals April 3

Juventus 0 - 3 Real Madrid

Sevilla 1- 2 Bayern Munich

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip