
Ammaanka nawaaxiga Dekedda Muqdisho iyo School Polizio oo si weyn loo adkeeyay
Qaban qaabada Munaasabad ballaaran ayaa ka socota Xarunta Generaal Kaahiye oo lagu wado inay halkaasi kaga qaybgalaan Munaasabadda Madaxda dalka ugu sareysa.
Taliyaha Booliska Somaliyed, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu u diray Hambalyo ku aaddan 72-sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo si heer sare ah loo diyaariyay ayaa ku sugan Xarunta Generaal Kaahiye, kuwaasi oo soo bandhigi doono dhoollatus ballaaran oo Madaxda ay daawadaan.
Ciidammada Booliska Soomaaliyeed oo la kulmay dhibaatooyin kala duwan intii dalka bur burka uu ka jiray ayaa hadda u muuqda kuwa soo kabanaya, maaddaama tan iyo markii Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, xilka Booliska loo dhiibay Isbeddel uu ku sameeyay ciidammada Booliska Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa xilligan ahmiyad siinaysa sidii ay u dhisi laheyd ciidammadeeda kala duwan, maaddaama muhiim ay tahay in dalka uu yeesho cudud lagu difaaco.
Ammaanka nawaaxiga Dekedda Muqdisho iyo School Polizio oo si weyn loo adkeeyay
Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka waddada horumarta Dekedda Magaalada Muqdisho ilaa Xarunta Generaal Kaahiye oo ku taallo halka loo yaqaan School Polizio ee Degmada Xamar jajab.