Barakaca Adduunka Oo Gaaray Heer Cusub

0
Saturday December 19, 2015 - 08:53:53 in Wararka by
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barakaca Adduunka Oo Gaaray Heer Cusub

    60 Milyan oo qof ayaa sanadkan barakacay, waana tiradii ugu badneyd ee sanad gudihiisa ku barakaca caalamka. WASHINGTON DC— Tirada dadka adduunka ee sida qasabka ah loo barakiciyey ayaa ay u muuqata in sanadkan ay gaartay heer cusub oo ah 6

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

60 Milyan oo qof ayaa sanadkan barakacay, waana tiradii ugu badneyd ee sanad gudihiisa ku barakaca caalamka. WASHINGTON DC— Tirada dadka adduunka ee sida qasabka ah loo barakiciyey ayaa ay u muuqata in sanadkan ay gaartay heer cusub oo ah 60 milion oo qof, sababta ugu weynna ay tahay dagaaladda dheeraaday ee dalka Syria, sida ay sheegtay QM.
Qiyaastan ayaa waxaa ku jira 20.2 milyan oo qof oo ah qaxooti ka cararaya dagaallo iyo dilal, taasi oo ah tiradii ugu badneyd tan iyo sanaddii 1992-kii, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR.

Ku dhowaad 2.5 oo milyan oo qof oo magan galyo doon ah ayaa dhiibtay codsiyo, waxaana dalalka Jarmalka, Ruushka iyo Mareykanka ay yihiin kuwa tirada ugu badan ee codsiyadan laga dhiibtay, ayada oo ku dhowaad hal milyan oo dadkaas ka mid ah ay dalalkan magan galyo ka raadinayaan.

Qiyaastii 34 milyan oo qof oo kale ayaa ku barakacay gudaha dalalkooda ilaa iyo bartamihii sanadkan, taasi oo laba milyan ka badan guud ahaan tiradii sanaddii 2014-kii.

Warbixinta waxa ay sheegtay in rabshadaha dalalkaYemen, Afghanistan, Somalia iyo Suudaanta Koonfureed ay dhaliyeen dhaqdhaqaaqyada qaxootiga, sidoo kalena dagaallada Burundi, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyo Ciraq ay iyaguna qeyb ka yihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip