Al-Shabaab oo Madaafiic ku garaacay Degmada baardheere ee gobalka gedo.

0
Wednesday February 28, 2018 - 13:56:07 in Wararka by
  • Visits: 438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo Madaafiic ku garaacay Degmada baardheere ee gobalka gedo.

    Wararka ka imaanaya degmada baardheere ee gobalka gedo ayaa sheegaya in Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay Madaafiic ku gareen garoonka diyaaraha ee degmadaasi oo ku yaala duleedka magaalada baardheere. Dadka degaanka oo la hadlay KNN ayaa shee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya degmada baardheere ee gobalka gedo ayaa sheegaya in Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay Madaafiic ku gareen garoonka diyaaraha ee degmadaasi oo ku yaala duleedka magaalada baardheere. Dadka degaanka oo la hadlay KNN ayaa sheegay in ay maqlayeen Dhawaqa Madaafiicda ay Al-Shabaab ku tuurayeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada baardheere ee gobalka gedo. Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in khasaaro uu ka dhashay madaafiicda ay Al-Shabaab ku garaaceen garoonka Magaalada Baardheere ee gobalka gedo.

Ma jiraan ilaa iyo Hada wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Xoogga ee ku sugan Magaalada baardheere ee gobalka gedo,kaasi oo ku aadan Khasaaraha ka dhashay madaafiicda ay Dagaalamayaasha Al-Shabaab ku garaaceen Magaalada baardheere ee gobalka gedo.

Dhanka kale Warbaahinta ku hadasha Afka dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa ay baahiyeen in madaafiic ay ku garaaceen garoonka diyaaradaha ee magaalada baardheere ee ay ku sugnaayeen Ciidamada Itoobiya,iyagoona Sheegay in Khasaaro kala duwan ay gaarsiiyeen Ciidamadaasi.

Shalay ayay aheyd markii ciidamada Xoogga oo garab ka helaya Ciidamada Kenya ay Dagaal kula galeen Degaanka Fax faxdhuun ee gobalka gedo dagaalamayaasha Al-Shabaab,iyadoona dagaalkaasi uu ka dhashay khasaaro soo gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

Hayeeshee xaalada degaanka fax faxdhuun ee gobalka gedo ayaa maanta waxaa ay ku waramayaan in ay degan tahay,iyadoona Ciidamada Xoogga ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan degaankaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip