
Madaxweynaha Jubbaland oo Rajo ka Muujiyay Shirka Kismaayo ka Furmi doona Bisha Janaayo
Madaxweeynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa Rajo Wanaagsan ka muujiyay shirka looga tashanayo Hannaanka doorashada Dalka Soomaaliya ee la filayo in uu ka furmo magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha
iyo wafdi ballaaran oo uu Hoggaaminayo oo kasoo kicitimay Magaalada
Muqdisho ayaa maanta soo gaaray Kismaayo, ayadoo garoonka diyaaradaha ay
si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweeyne kuxigeenka Jubaland C/llaahi
Sh. Ismaaciil (Fartaag), wasiiirro iyo masuuliyiin kale.
Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlayay gudaha garoonka ayaa sheegay inay 10-ka bisha Jannaayo ee sannadka cusub uu magaalada Kismaayo ka furmi doono shir lagu gaari doono go'aan kama danbeys ah, isagoo xusay in shirkaasi uu filayo in natiijooyin dan u ah umadda Soomaaliyeed ay kasoo baxaan.
Muqdisho ayaa dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay shirweeyne ay isugu yimaadeen madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada dalka, kaasoo looga tashanayay hanaanka doorashooyinka Somalia, waxaana shirkaas kasoo baxay qodobbo dhowr ah oo dhinacyadu isku af-garteen, balse heshiiska kama danbeysta ah ayaa la filayaa in lagu kala sixiixdo shir 10-ka bisha Janaayo ka furmi doona magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha Jubbaland oo Rajo ka Muujiyay Shirka Kismaayo ka Furmi doona Bisha Janaayo
Madaxweeynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa Rajo Wanaagsan ka muujiyay shirka looga tashanayo Hannaanka doorashada Dalka Soomaaliya ee la filayo in uu ka furmo magaalada