Turkiga oo 10 kun oo askari gudaha u geliyay Cirze & Silopi iyo hawlgalo ay ka wadaan (Daawo Sawirada)

0
Friday December 18, 2015 - 12:50:12 in Wararka by
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo 10 kun oo askari gudaha u geliyay Cirze & Silopi iyo hawlgalo ay ka wadaan (Daawo Sawirada)

    Ciidamada ammaanka ee dalka Turkiga, ayaa waxay baaritaano ballaAran ka wadaan Magaalooyinka Cizre iyo Silopi, oo dhaca Koonfur Bari Turkiga. Ciidamada, ayaa waxay guryaha ka baarayaan xoogag hubeysan oo ka tirsan Jabhadda PKK ee Kurdiyiinta Turki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada ammaanka ee dalka Turkiga, ayaa waxay baaritaano ballaAran ka wadaan Magaalooyinka Cizre iyo Silopi, oo dhaca Koonfur Bari Turkiga. Ciidamada, ayaa waxay guryaha ka baarayaan xoogag hubeysan oo ka tirsan Jabhadda PKK ee Kurdiyiinta Turkiga. Kurdiyiintu waxay u dagaalamayaan sidii ay kaga go'i lahaayen qaybaha kale ee Turkiga. Xoogag ka tirsan Jabhadda PKK, ayaa maalmihii la soo dhaafay xIray wadooyinka qaar, waxaana la arkaayay iyagoo hubeysan, muujiyayna inay diyaar u yihiin dagaal ka dhan ah ciidamada ammaanka.

Illaa 10 kun oo ciidan gurmad ah, ayay Dowladda Turkigu u dirtay Magaalooyinkaasi, waxaana amar loo siiyay inay soo qab qabtaan kuwa diidan xasiloonida.

Ciidamada ammaanka iyo dagaal-yahanada PKK, ayaa wadooyinka qaar ku wada dagaalamaaya, waxaana la arkaayay qiiq cirka isu shareeray, oo ka dhashay hubka ay labada dhinac isu adeegsanayaan.

Dowladda, ayaa bandow ku soo rogtay Magaalooyinkaasi, waxayna xoogaga amnigu wadaan baaritaanadooda ka dhanka ah xubnaha ka tirsan PKK.

Ahmet Davutoglu, Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, ayaa sheegay in baaritaanada ka soconaaya Silopi iyo Cizre lagu dilay ugu yaraan 23 ka mid ah dagaal-yahanada PKK.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa ku cago jugleeyay in Xukuumaddu ay sii wadi doonto hawlgalka ka dhanka ah xoogaga hubeysan ee PKK ka tirsan, illaa iyo inta hubka laga fara maroojinaayo.

SilopiSilopi1Silopi2Silopi3Silopi4Silopi5Silopi6Silopi7Silopi8Silopi9Silopi91




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip