2 Sarkaal u shaqeynayay hay'ada UNHCR oo lagu diley Muqdisho

0
Monday December 14, 2015 - 19:33:39 in Wararka by
  • Visits: 697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    2 Sarkaal u shaqeynayay hay'ada UNHCR oo lagu diley Muqdisho

    Koox hubeysan ayaa rasaas ku furtay gaari marayay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho iyadoo ay ku dhinteen labo ruux oo saarneyd gaarigaas. Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah labada ruux ee ku dhintey rasaastan ay ahayd gabar u shaqe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koox hubeysan ayaa rasaas ku furtay gaari marayay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho iyadoo ay ku dhinteen labo ruux oo saarneyd gaarigaas. Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah labada ruux ee ku dhintey rasaastan ay ahayd gabar u shaqeynayay hay'ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Haweeneydan ku geeriyootay gaarigan ayaa magaceeda lagu sheegay Aamina Maxamed Nor halka qofka kale ee la dilayna magaciisa lagu sheegay C/saaq Aadan Caddaawe.

Waa markii ugu horeysay ee rasaas lagu furo gaari marayo wadada Maka Al Mukaramah iyadoo badanaa dilalka ka dhaca wadadaas uu ahaa mid ka dhashay qaraxyo ismiidaamin ah amaba qarax lagu xiro gaadiidka.

Weerarka ayaa dadka fuliyay waxa ay gaari ay wateen ku horgeeyeen baabuur ay wateen labada ruux ee la diley waxaana la sheegay in ay baxsadeen,

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowlada oo ku saabsan weerarkan hase yeeshee waxaa gaaray goobta uu weerarkan ka dhacay ciidamada ammaanka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip