Madaxweynaha Kenya oo cafis u fidiyay Maxaabiis gaareysa 66 ruux oo ay ku jirto Haweenay 68 sano jirto (SAWIRRO)

0
Monday December 14, 2015 - 19:29:40 in Wararka by
  • Visits: 656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Kenya oo cafis u fidiyay Maxaabiis gaareysa 66 ruux oo ay ku jirto Haweenay 68 sano jirto (SAWIRRO)

    Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa cafis u fidiyay ilaa 66 maxbuus oo ka mid ahaa maxaabiista ku jirtay xabsiyada Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Maxaabiistaan oo galay dambiyo kala duwan ayaa waxaa ku jiray Dad qaarkood lagu xukumay x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa cafis u fidiyay ilaa 66 maxbuus oo ka mid ahaa maxaabiista ku jirtay xabsiyada Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Maxaabiistaan oo galay dambiyo kala duwan ayaa waxaa ku jiray Dad qaarkood lagu xukumay xabsi daa'in oo kol hore la xukumay, laakiin Cafis hada helay. Dadka uu cafiyay Madaxweynaha dalka Kenya waxaa ka mid ahaa 10 Haween ah oo ku jiray Xabsiga dhexe ee dumarka ee ku yaallo xaafada Lang’ata, halkaas oo ay dabaal deg weyn ku sameeyeen maxaabiista cafiska loo fidiyay.

Tirada Haweenka cafiska helay ayaa gaaraya 10 haween ah oo ka mid ahaa Boqolaal haween ah oo Xabsigaasi ku xirnaa.

Dumarka la fasaxay ayaa waxaa ka mid ah haweeney lagu magacaaboTeresia Wanjiku oo ay da’deedu tahay 68 sano, taasoo xabsiga ku qaadaneysay xukun xabsi daa’in ah oo ay muteysatay.

MrsTeresia ayaa hada ku guda jirtay sanadkii 24-aad ee ay xabsiga gudihiisa ku qaadatay, waxaana sii deynteeda ay uga dhigneyd hadiyad qaali ah oo la siiyay.

Madaxweynaha Kenya ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Maxaabiistaasi la sii daayay, iyaga oo halkaasi ugu mahadceliyay Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya.

Maxaabiis 1Maxaabiis 3 Maxaabiis 4 Maxaabiis 5 Maxaabiis 6 Maxaabiis 7 Maxaabiis 8




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip