WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 14-KA DICEMBAR 2015-KA

0
Monday December 14, 2015 - 08:45:58 in Wararka by
  • Visits: 856
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 14-KA DICEMBAR 2015-KA

    MADAAFIIC AY RIDEEN CIIDAMADA AMISOM EE MAGAALADA JOWHAR OO SADDEX RUUX AY KU DHAAWACMEEN Madaafiic ay rideen habeen hore ciidamada AMISOM ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee duleedka magaalada Jowhar ayaa waxaa ku dhaawacantay saddex ruux oo rayi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAAFIIC AY RIDEEN CIIDAMADA AMISOM EE MAGAALADA JOWHAR OO SADDEX RUUX AY KU DHAAWACMEEN Madaafiic ay rideen habeen hore ciidamada AMISOM ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee duleedka magaalada Jowhar ayaa waxaa ku dhaawacantay saddex ruux oo rayid ah. Dadka ku dhaawacmay madaafiicdan oo labo ka mid ah ay ahaayeen dumar ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Jowhar oo lagu daweynayo. Qoysaska ay madaafiicdan ku dhacday ayaa waxaa ay ahaayene kuwo ku nool xero barakacayaal ah oo ku taal duleedka garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.

Jimcaale Mahdi Maxamuud oo ka mid ah dadka ku dhaawacmaymadaafiicdan ayaa waxaa uu sheegay in isagoo jooga gurigiisa uu ku soo dhacay madfac laga soo riday xarunta ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Madaafiicda ay rideen ciidamada AMISOM ayaa laga maqlay deegaano ka fog fog magaalada Jowhar.

Ninkan ka mid ah dadka ku dhaawacmay madaafiicda ayaa sheegay in aysan jirin cid gurmad u soo sameysay ee ciidamada AMISOM iyo maamul degmo iyo maamul gobolba.

Dhowaan ayaa ciidamada AMISOM eek u sugan magaalada Jowhar waxa ay ku dileen nin madaxa looga jirey oo xilli habeen ah galay gudaha xerada ay ciidamadaasi ku leeyihiin dhinca Bari ee magaalada Jowhar.

MADAXWEYNAHA: "MADASHA WADATASHIGA QARAN WAA FURSAD AY SHACABKA KU GO’AAMINAYAAN MUSTAQBALKOODA SIYAASADEED’’

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu go’aamin doono nooca doorasho ee uu dalka yeelanayo sannadka 2016ka.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgaley madaxda maamullada gobollada ee Jubba, Galmudug, Puntland , Koonfuur Galbeed Soomaaliya, maamullada gobollada Banaadir, Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, ururrada bulshada, wakiillada beesha caalamka iyo marti sharaf kale.

Khudbad uu furitaanka shirka ka jeediyay Madaxweynaha, ayaa waxaa uu shacabka ku xusuusiyey in tani ay tahay fursad muhiim ah oo ay kaga tala bixin karaan mustaqbalkooda siyaasadeed.

"Madasha Wadatashiga Qaran waa mid muhiim u ah taariikhdeena dowlad dhisidda ee aan muddo soo wadney. Waxaan idin sheegayaa in ka hor inta aanan halkan imaan, aniga iyo madaxda maamullada aan muddo saddex maalmood ah ku jirney wadatashiyo adag oo aan ku gorfeyneyno mustaqbalka siyaasadeed ee dalkeena. Haatana waxaan halkan u joognaa inaan aaraadiina dhegeysano, talo isku darsano, aan faaqidno talooyinkii laga soo uruuriyay shacabka labadii bilood ee la soo dhaafay, ugu dambeytiina aan qaadano talo mid ah,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa Madaxweynaha intaa ku darey in loo baahan yahay in kulamada noocaan ahi ay noqdaan kuwo abuuraya rajo cusub oo Soomaali ay leedahay, aakhirkana horseedi kara inaan dib cagaheena isku taagno, aana soo dhisno nidaam dowladeed oo sal adag, kuna dhisan nabad, caddaalad iyo horumar.

"Inagoo wadajirna ayaan hourmar ku gaari karnaa. Waddankeena dhibaatooyin badan oo xanuun badan ayuu soo marey. Ma dooneyno in xusuusta murugada leh aan ku saleyno mustaqbalkeena. Waxaan u baahanahay inaan la imaanno iscafin, wada noolaansho, iyo inaan abuurno jawi nabadeed oo naga saara cabsida iyo kala aamin baxa nagu jira. Waa dhab inaan wajahayno amaba aan dhammaanteen wada dooneyno inaan qaadano nidaam cusub oo siyaasadeed oo aan horey loo tijaabin. Waa inaan cabsida iyo shakiga meel iska saarnaa, lana imaanaa geesinimo aan ku wajahno mustaqbalkeena, waana hubaal inaan guuleysaneyno, inagoo wadajirna oo ummad mid ah’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa ku xusay in hannaankan socdaa uu yahay mid Soomaali leedahay, talo Soomaaliyeedna lagu shaqeynayo, loona baahan yahay in laga wada faa’iideysto.

"Beesha caalamka iyo waddamala kale ee ina taageeraya kaalintooda waa fududeyn. Talada gacanteena ayay ku jirtaa. Waxaan halkan isugu nimid inaan ku gaarno talo Soomaaliyeed, taas ayaana keentay in gobollada kala duwan ee dalka ay ka dhacaan kulamo wadatashi ah oo shacabka fikradahooda lagu dhegeysanayo. Fikradahaasi kala duwan ayaa lagu dhisi karaa hannaan dimoqraadiyeed oo talada ay shacabka leeyihiin. Waa Ilaahay mahaddii in safar dheer kadib aan shalay soo gaarney meel muhiim ah oo shacabkeena ay mustaqbalkooda ku go’aaminayaan, talana ay ku leeyihiin’’, ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa uu u mahadceliyay beesha caalamka, kaalinta ay ka qaadatey fududeynta wadatashiyadan muhiimka u ah mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo dhanka kalena ka codsadey shacabka Soomaaliyeed inay sida saxda ah uga faa’iideystaan taageerada beesha caalamka ee dib loogu dhisayo Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa kale oo khudbado ka jeediyay Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari,Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, madaxda maamul goboleedyada, diblomaasiyiinta iyo mas’uuliyiin kale.

DR. ABDI GEELLE OO KA HADLAY KHATAR WAYN EE DUL SAARAN JAALIYADAHA SOOMALIYEED EE QURBAHA.

Waxaan arkaa khatar wayn ee kusoo foole mustaqbalka jaaliyadaha soomaaliyeed ee dagan galbeedka.darasaad dheer iyo u kuur galid farabadan hufid iyo u fiirsasho qodo dheer kadib. waxaan ogaaday in xooga jaaliyadaha soomaaliyeed ee dagan yurub iyo ameerika ay yimaadeen bilawgii 1990 kii waana mudo ah rubuc qarani 25 sanadood ayuu yiri Dr Abdi Gele.

Dadka waxaan ukala qaybinaynaa laba jiil oo kala ah jiilka koobaad iyo kalabaad isla mar ahaantaana waxaa laba ukala qaadaynaa jiilka koobaad. Jiilka 1aad labada waalid ee yimid dalalkan waxay guriga ku hadlaan afsoomaali 100% markay labada waalid sheekaysanayaan,markaysa caruurta lahadlayaan waxay kula hadlaan afsomaali 70% caruurtooduna waxay ku hadlaan markay dhexdooda yihiin afka dalka ay joogaan 100% kuma wada hadlaan afsoomaali. guryahani waa qoysaska soomaaliyeed ee dagan galbeedka mudadaas ah 25 sanadood.

Hadaan eegno Jiilka koobaad ee dalalkan u soo guuray laakiinse yimid 6 sanadood mudo laga joogo waxa ay labada waalid ku hadlaan dhexdoodu afsoomaali ilmahana waxay kula hadlaan afsoomaali 100%. Caruurtoodu waxay iskula hadlaan afsoomaali 75%. guryahan wali afsoomaaligu waa ku xoogan yahay.

Kuwaas aan kor ku soo xusnay waa Jiilkii 1aad oo ahaa laba kooxood. bal aan eegno Jiilka 2aad ee ay dhaleen jiilkii 1aad ee yimid 1990 kii. Caruurtii dhaltay 199195 ee ku dhaltay dalalkan dibada ah ee loo sooguuray waxay yeesheen qoysas markaa aan eegno guryahooda. jiilkan 2aad dhexdooda waxay ku hadlaan 0% afsoomaali markay wada hadlayaan dhexdoodu waxayna ku hadlaan afka dalka ay dagan yihiin 100%. hadaba iska garo xaalka caruurta ay iyagu dhaleen waxaad arkaysaa in aysan maqlaynba xataa kalmado iyo dhawr eray oo afsoomaali ah wax kalaba dayoo.caalamadahan waxay muujinayaa marka jiil cagta la helay wadadii gaynaysay dabar go iyo ku millmida.

Hore ayaynu u sheegnay in hadii lawaayo afkii hooyo afsoomaali in qofku jeclaysanayo oo weheshanayo cidaas uu ku afka yahay, isagoo ka fogaanaya halkii uu u dhashay oo kasoo jeeday, maadaama uusan afgaranayn oo ah uusanba dhaqan garanayn. markaa wuxuu kamid noqon kuwa uu afkooda iyo dhaqankooda yaqaan, iyaguna dhawaan waxay u sheegayaan in uu san lahayn afkan iyo dhaqankan. dabadeedna waxaa ku adkaan in qofku is helo cida uu yahay!!! halkan waxaa ka imanaya niyad jab iyo lamayaqaan. tani waxay keentaa niyad jab,isla hadal,isku kalsooni daro,is yasid,walbahaar yaan ahay ah, waali iyo faldamiyeed galid,bulshada ka takoormid,cuqdad, anfariir iyo amakaag.

Culimadu waxay ogaadeen in qofku nasab la aan uu san ahaan karin lamayaqaan!! waa in qofku helaa cid uu yahay oo lagu gartaa loona yaqaan.ma ogtahay dad badan oo soomaaliyeed in aysan ogayn amaba aysan ku baraarug sanayn khasaaraha iyo musiibada qofeed,qo yseed,qabiileed,qaraneed ee ka dhaln karta afka hooyo afsoomaaliga oo kaalumaa.qof nim adaadii baa meesha kabaxaysa guud ahaanba waxaadna noqonaysaa lama yaqaan.arimahan ayaa hadaba keenay in ay jaaliyadaha ilbaxa ah ee kasoo jeeda hindida,yuhuuda,yeman,suuriya iyo libanaan ay isu tageen dhisteen goobo kulan isla markaana ay bulshadoodii gacmaha is qabsadeen lana hufo afafkoodii oo markii iskoolada laga yimaad subixii lagu barto afka dalka ayku nool yihiin hadna galbihii goobahooda ku bartaan afkooda hooyo tani waxay dhaxal siisay in jiilba jiil ugudbiyo oo afkii wali noolyahay. marhadii afkii noolyahay dalalkoodiina xiriirkoodii waa noolyahay ayaga jiritaan koodiina waa noolyihiin waadna aragtaan.

waxaa intaa dheer waxay si fiican ula qabsadeen afafka dalka ay joogaan waxna waa kabarteen ayagoo aan ka tagin koodii oo ku dadaalaya sidan ayaa ah sida u fiican labada bulshaba kan dalka iska leh iyo kan u soo guurayba.maxaa yeelay waa lagama maarmaan in labarto afka dalalka loo soo guuray,la ilaaliyo sharcigooda iyo dhaqankoodaba isla mar ahaantaana laga shaqaysto wax laga qabsado waxna laga barto. dhanka kalana la ilaashado dhaqankaaga iyo afkaaga oo ah dadnimadaadii cidkuu diidana ma jirto.

SACUUDIGA: HAWEENEYDII U HOREYSAY OO LOO DOORTAY XILDHIBAAN

Haweeneydii u horeysay ayaa ku guuleystay doorashooyinka dowladaha hoose ee dalka Sacuudiga Carabiya, kadib markii Boqortooyada Sacuudiga ay qaaday xayiraadii ay saartay inay haweenka ka qeyb galaan doorashooyinka.

Salma bint Hizab alOteibi ayaa ku guuleysatay kursiga golaha deegaanka Gobolka Maka, sida ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka.

Haweeneydan ayaa ka guuleysatay todobo rag iyo qof dumar ah oo u taagnaa doorashada golaha deegaanka Gobolka Maka.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa is bedelo ku sameysay nidaamka boqortooyo, waxaana haweenka loo ogolaaday inay xubno ka noqdaan dowladda.

Laakiin Haweenka Sacuudiga ayaa wali wajahaya xayiraado dowladdu saartay, gaar ahaan inay baabuurta kaxeeyaan iyo inay fagaare ragga kula kulmaan

Illaa 978 haween ayaa isu diiwaan geliyay inay musharax noqdaan, halka 5,978 ay yihiin musharixiin rag ah.

Doorashadan ayaa ah tii u horeysay ee loogu ogolaado haweenka inay codeeyaan iyo inay musharaxiin noqon karaan.

TIRADA DADKII KU DHINTAY RABSHADHIHII KA DHACAY MAGAALADA BUJUMBURA OO CAGACAGEYNAYA 87 QOF

Tirada dadkii ku dhintay rabshadihii caasimada dalka Burundi ee Bujumbura ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxay kor u dhaafeen 87qof, kuwaasoo u badan shacab maydadkooda lagu arkay qaar ka mid ah xaafadaha ay ka kooban magaalada Bujumbura.

Siddeed ka mid ah dadkan ayaa la sheegay inasy ahaayeen saraakiil ciidamada dowladda ka tirsan, halka 49qof oo kalena la sheegay inay ahaayeen shacab ka qabqabteen xaafadaha magaaladaas, sida uu sheegay, Col. Gaspard Baratuza oo ka tirsan millateriga dalka Burundi.

Dadka ku nool caasimadda Burundi ayaa sheegay Jimcihii lasoo dhaafay in maydadka 34ruux oo shacab ahaa laga helay waddooyinka magaaladaas qaar ka mid ah, iyagoo dilka dadkan shacabka ah ciidamada dowladda.

Magaalada Bujumbura ayaa waxaa weli ka socda rabshado, iyadoo laga maqlayo rasaasta noocyadeeda kala duwan; waxayna rabshadahani billowdeen markii ay kooxo hubeysna weerareen saddex saldhig oo ciidamada dalkaas ay ku leeyihiin dulleedka magaalada caasimadda laba maalmood ka hor.

Bannaanbaxyada rabshadaha wata ayaa waxay ka billowdeen caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura bishii Abriil ee sannadkan, markaasoo madaxweyne Pierre Nkurunziza uu ku dhawaaqay inuu xilka u taramayo mar saddexaad..

Nkurunziza ayaa waxaa xilka madaxnimo ee dalkiisa mar kale loo doortay bishii July ee sannadkan, inkastoo kooxaha mucaaradka ah ay weli kasoo horjeedaan in Pierre Nkurunziza mar saddexaad uu dalkaas xukumo, iyagoo ku tilmaamay in taasi ay tahay mid lagu carqaladeynayo dastuurka dalka Burundi.

Sidoo kale, Col. Gaspard Baratuza oo faahfaahin dheeraad ah ka bixinayay wixii khasaare ahaa ee ka dhashay rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay xarunta dalka Burundi ayaa sheegay in dadka la dilay ay intooda badan ahaayeen kooxo cadow ah.

"Dadkii ku dhintay rabshadihii Bujumbura 79qof oo ka mid ah waxay ahaayeen cadow, waxaana kooxaha cadowga ah laga qabtay 45 Ruux iyo hub 97 Qori ah. Dhankeenna waxaa nooga dhintay rabshadaha sided askari, 21ruux oo kalena waa way naga dhaawacmeen,” ayuu yiri Col Baratuza. Ugu dambeyn, illaa hadda dhinacyada mucaaradka Burundi kama aysan hadlin khasaarihii ka dhashay rabshadihii Bujumbura ka dhacay, balse rabshadahaan ayaa sii xoojinaya qulqulatooyinkii ka taagnaa dalkaas tan iyo horraantii 2015ka.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO SHALAY BOOQDAY HAY’ADAHA CADAALADDA SOMALILAND

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa shalay soo kormeeray hay’adaha cadaa ladda Somalialnd, waxaanu soo maray maxkamada sare, maxkamadda gobolka Maroodijeex, max kamadda degmada, Xeerilaalinta Guud iyo Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka.

Madaxweynaha ayaa kormeerkan ku sheegay inuu doonayo sidii looga midho dhalinlahaa in dalku noqdo mid u hogaansan laguna hago cadaalada.

"Madaxweyne waxaa sharaf noo ah inaad shalay inagoo bahdii Cadaalada ah oo midaysan waayo sidaad aragto wasiirkii cadaaladu waa kaa ku baal fadhiya, xeer ilaaliyaha guud ee qaran kuna waa kaa inaad shalay soo booqato bahdii cadaaalada iyo garsoorka oo ay tahay markii ugu horaysay ee Madaxweyne kursiga ku fadhiyaa uu kormeer shaqo ama lugtiisa ku soo marayo gar soorka iyo cadaalada guud ahaan”ayuu yidhi gudoomiyaha maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali oo kulankii madaxweynaha ka hadlayey.

Waxaanu intaas ku daray. "Taallaabadani waxay ku tusaysaa inaad barbar taagan tahay dib u habaynta cadaalada ee socota iyo talaabooyinkii aynu qaadnay haday Maxkamda sare tahay, haday maxkamadaha hoose tahay iyo haday guddiga cadaalada tahayba. markaa taa xoogbaan kuugu soo dhawaynaynaa kaaga mahad naqaynaa meeshana kolay adiga laguu sheegi maayoo berigii aad xubinta baarlamaanka ahayd hoolkaad fadhiisan jirtay waa halkan oo imikaan sii mari doonaa meel kugu cusub maaha, Laakiin dib u habayn weyn oo cadaaladeed baanu wadnaa anagoo bahdayadii oo dhana, waxaa ugu danbeeyey waxaan bishii dhawayd ee 11aad booqanay goboalda galbeedka oo dhan, waxaanu soo marnay Maxkamadihii, Xabsiyadii iyo meelkasta oo ay cadaaladu shaqo ku leedahay waanu dardar gelinay qof waloo maxbuusa oo xidhan waanu is dul taagnay waxaanu waydiinay sababtuu u xidhan yahay si layaable bay noogu soo dhaweeyeen, waxaanu aragnay shaqo fiican oo xaga cadaalada ah haday tahay Booliiska haday tahay Asluubta iyo haday tahay garsoorka iyo xeer ilaalinta iyo wasaarada cadaalada iyaduna qeybtii fulintii iyo maamulkii ka tirsan”

Sidoo kale, waxa isna halkaasi ka hadlay wasiirka Cadaaadda iyo Garsoorka Axmed Faarax Cadare, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "waa markii ugu horaysay ee ay suurta gasho in Madaxweyne xil hayaa uu soo booqdo waxay ka turjumaysaa markii ugu horaysay eed xilka qabatay waxa ugu horeeyey eed bilowday wuxuu ahaa cadaaalada in dib u habayn lagu sameeyo tiibaa shalay noo ah sharaf inaad goobjoog u ahaato oo kormeer ku soo marto oo aad hubiso halka ay marayso, waxaa kale oo madaxweyne noo suurta galay saddexda dhardhaar ee cadaaladu hogaaminaysaa in aanu israacnay taariikhda hore umay dhicin, runtii waxaanu iska dhignay Arrimaha shakhsiyada ee noo yaalay danta qaranka in loo midoobaa iyadoo hay”ad kastaa shaqadeeda u madax banaan tahay”.

Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Mudane Xasan Axmed Aadan ayaa isna soo dhoweeyey booqashadda madaxweynaha.

Ugu dambeyn, madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa bahda cadaaladda ku bogaadiyey siday u shaqaynayaan, waxaanu yidhi "Aniga Farxad weyn bay ii tahay shalay inaan halkan bahda cada alada kusoo siyaarano oo aanu ka dhegaysano xogwaran buuxa aad iyo aad baad ugu mah adsan tihiin hawl aad iyo aad u weyn baad qaranka u haysaan ninbaa wuxuu yidhi ragg cadaalad waayey sidii cawsha kala yaacye, cadaaladu waa muhiim waa hawsha qaranku ku socdo umma ddu ku so coto dadkuna ku fadhiyo ilaahay waxaan ka baryayaa inuu hawshaa idinla qabto dadka iyo qaran ka hawsha aad u haysaana waan idiinka mahad celinaynaa aad iyo aad baan idiinku mahadin ayaa”.

QARAX ISMIIDAAMIN AH OO KA DHACAY MAGAALADA HOMS EE DALKA SUURIYA OO LAGU DILAY 16 RUUX

Qarax loo adeegsaday Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo Sabtidii daraad ka dhacay magaalada ay dowladdu xukunto ee Homs ayaa lagu dilay ugu yaraan 16qof, iyadoo lagu dhaawacay in ka badan 100qof.

Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa baahisay in qaraxan oo ahaa mid ay fuliyeen kooxaha argagaxisada ah lagu dilay dad badan oo shacab ah; inkastoo aan la sheegin cidda rasmi ahaan uga dambeysa qaraxaan.

Sidoo kale, hay’ad u dooda xuquuqda aadanaha dalka Suuriya ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dadka ku dhintay qaraxan ay ku jiraan laba sarkaal oo ka tirsan booliiska ay ka mid ahaayeen dadkii qaraxaas lagu dilay, kuwaasoo kala ahaa qof rag ah iyo qof dumar ah.

"Qaraxan Ismiidaaminta ah waxaa lagu dilay 16qof oo ay ku jireen Haween iyo carruur,” ayay hay’addu tiri, iyadoo intaas ku dartay in dhaawacyada qaarkood ay yihiin kuwo aad u culus, haatanna lagu daweynayo Isbitaallada Suuriya.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya maalmo kaddib markii ciidamada dowladda Suuriya ay xoogagga mucaaradka ah kala wareegeen deegaanno ku Homs ku dhow oo ay gacanta ku hayeen.

Hay’adda ayaa warbixinteeda ku xustay in qaraxan loo adeegsaday gaari nooca booyadaha ah oo laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, isla markaana shaqartiisa laga maqlay Dhul aad uga fog halka uu ka dhacay.

Dhanka kale, hay’ad kale oo kuwa Xuquuqda Aadanaha dalka Suuriya u dooda ka mid ah ayaa iyadana warbixin ay soo saartay ku xustay in 10qof lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Ruushku ka geysteen deegaanka Atareb oo ka mid ah kuwa ay gacanta ku hayaan xoogaga kasoo horjeeda xukuumadda Bashar AlAssad.

Xukuumadda Ruushka ayaa tan iyo 30kii bishii September ee sannadkan waxay duqeymo culus ka waday deegaannada ay ku xooggan yihiin mucaaradka kasoo horjeeda Dowladda AlAssad iyo kuwa kale ee gacanta ku hayso kooxda ISIS.

Ruushka ayaa ah dowladda keliya caalamka ee taageerada ku siiyay xukuumadda Suuriya dagaalka ay kula jirto xoogagga kasoo horjeeda, kuwaasoo ka billowday dalkaas Maarso, sannadkii 2011kii.

Ugu dabmeyntii, colaadaha sokeeye ee ka socda dalka Suuriya ayaa lagu dilay in ka badan 250,000 oo qof oo shacab u badan, iyadoo lagu dhaawacay tiro kor u dhaafaysa hal milyan oo qof.

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO LA KULMAY SAFIIRKA BRITAIN EE SOOMAALIYA

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa degmada Waaberi ee gobolka Banaadir kula kulmay Safiiraka boqortooyada Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Harriet Mathews oo ay ka wada hadleen arrimo badan.

Guddoomiye Yuusuf Xuseen iyo Danjire Harriet Mathews ayaa waxa ay diirada ku saareen kulankooda sidii loo xoojin lahaa barnaamijka dariseenta oo Maamulka Gobolka banaadir ka wada magaalada Muqdisho, iyadoo degmada Waabari aya ahayd degmadii ugu horeysay ee laga hirgaliyo.

Safiiraka boqortooyada Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Danjire Harriet Mathews ayaa sheegtay in ay ka go’antahay in la horumariyodarisseenta, taas oo keeni karta ay bulshada ay ka wada qeyb qaataan horumarka caasimadda iyo nabadgelyada.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa uga mahadceliyay Danjire Harriet Mathews kaalinta ay ka qaadaneyso in magaaladan Nabad lagu soo dabaalo ayna muhiimtahay in dhamaan Adduunku ka qeyb qaato Horumarka Dalka .

DAGAAL DIB UGA QARXAY MAGAALADA MARKA EE GOBOLKA SHABEELLAHA HOOSE

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in dagaal uu dib kaga qarxay Magaaladaasi, dagaalkaasi oo ah mid u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed.

Xaafadaha ku dhaw Isbitaalka Magaalada Marka ayuu dagaalka dib uga qarxay, waxaana dadka deegaanka ay sheegaayaan in dhawaqa rasaasta si aad ah looga maqlaayo Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose.

Rasaas culus ayaa la isku weydaarsanayaa Magaalada Marka gudaheeda, waxa ay dadka sheegayaan in Maleeshiyaadka labada dhinac ee dagaalamaya ay wataan hub fara badan oo ay u muuqdaan kuwa isa soo abaabulay.

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday dagaalka, xabada ayaa weli ka dhaceysa Magaalada Marka oo maleeshiyaadka ay ku dagaalamayaan, waxaana suuragal ah in dagaalka uu ku faafo xaafado kale oo ka mid ah magaalada Marka.

Daraad ayeey aheyd markii Magaalada Marka ay ku dagaalameen labadan maleeshiyo beeleed, ee hada dagaalkooda dib uu kaga soo cusboonaday magaalada Marka.

Odayaasha Dhaqanka ee labada dhinac ayaa ku baaqaya in dagaalka la joojiyo.

Lama oga waxa uu ku biloowday dagaalkaan, hayeeshe arinta waxa ay u muuqataa in maleeshiyaadka ay isku soo hub aruursadeen intii habeen hore iyo shalay ay kala maqnaayen.

BURCAD KOONFUR AFRIKAAN AH OO DILAY MUWAADIN SOOMAALIYEED OO XABSI DAA’IN LAGU XUKUMAY

Maxkamad ku taala Magaalada Beretooriya ee Dalka Koonfur Afrika ayaa Xabsi daa’in ku xukuntay 3 Ruux oo ka soo jeeda Dalka Koonfur Afrika kadib markii lagu helay Dadkaasi in ay Dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Ahmed Salaad.

Muwaadiniintan Koonfur Afrikaanka ah ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in ay dhaceen ama boobeen Hantida Marxuum Axmed Salaad waxaana Weerarka Axmed lagu Dilay ka badbaaday labo ka mid ah Dadkii ay isla shaqeenayeen balse waxaa ku dhintay mid ka mid ahaa Burcadii halkaasi weerartay oo lagu magacaabi jiray Semba Masibeela

Garsooraha Maxkamada Magaalada Beretooriya ayaa sheegay in Xabsi daa’in lagu xukumay Muwaadiniintaasi u dhashay Dalka Koonfur Afrika kadib markii marqaati iyo Cadeemo la horkeenay Maxkamada.

Ugu dambeyn, Xukunka Maxkamadda Magaalada Beretooriya ayaa u muuqda mid soo celineysa rajada Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Koonfur Afrika maadaama Dalkaasi lagu Dilay tobanaan Ruux oo ka mid ahaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaasi ku ganacsan jiray.

SHIR KU SAABSAN DHISMAHA MAXKAMAD WAREEGTA OO KA FURMAY MUQDISHO

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa shalay tababar kor loogu qaadayo aqoonta garsoorayaasha u furay qaar ka mid ah garsoorayaasha dalka.

Kulankan wadatashiga ah oo looga hadlayay tayaynta garsoorka dalka iyo sidii bulshada ku nool gobollada dalka loo gaarsiin lahaa dhismaha Maxkamadda wareegta, ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Cadaalladda ee Maamul goboleedyada dalka ka jira, garsoorayaal maxkamadeed iyo xubno kale, iyadoo kulankan uu goob joog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka.

Kulanka oo socon doono muddo labo cisho ah oo ay iska kaashanayaan Maxkamadda sare ee dalka iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka horumarinta UNDP ayaa mudada uu socda waxaa la isku dhaafsan doonaa aragtida ku aadan sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen nidaam cadaalad ku suleysan.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo ka mid ah mas’uuliyiintii goobta ka hadashay ayaa soo jeediyay inay lagama maarshalay tahay in la tayeeyo ciidanka Asluubta, taasi oo lagu gaari karo cadaalad,.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay muhiimtahay in la dhiso Maxkamadda wareegta, si looga fogaado in bulshada ay kala tabato cadaalad darri.

Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilkajir oo isna ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay in ka qeyb galayasha kulanka looga fadhiyo inay tallooyin ku biriyaan hanaanka loo marayo dhismaha maxkamadda wareegta.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Abuukaate Ceydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf oo furay kulanka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada laga leeyahay dhismaha maxkamaddasi ay tahay in shacabka ku nool gobolada dalka, gaar ahaan deegaannada iyo degmooyinka dhawaan laga xoreeyay AlShabaab ee aysan ka jriin Maxkamad la gaarsiiyo adeegga garooska.

Markii uu kulanka soo idlaaday kadib ayuu Guddoomiyaha maxkamadda sare waxa uu tababar lagu fahamsiinayo wadada loo marayo dhismaha maxkamadaasi u furay garsoorayaal iyo wakiilo ka kala socday maamul goboleedyada dalka ka jira.

MADAAFIIC XOOGAN OO XALAY LAGA MAQLAY GAROONKA AADAN CADDE EE MAGAALADA MUQDISHO

Madaafiic xoogan, ayaa caweysnimadii xalay laga maqlay Garoonka Aadan Cadde, oo fariisimaha ugu weyn ay ku leeyihiin Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Warar is khilaafsan, ayaa ka soo baxaaya waxa dhaliyay madaafiicdan. Wararka qaar waxay sheegayaan in laba doomood ku soo dhawaadeen Garoonka, islamarkaana ay rasaas ku soo furtay Garoonka, Amisomna ay ka jawaabtay, halka warar kalana ay sheegayaan in Ciidamada Amisom ay dhoolatus samaynayaan.

Sarkaal Amisom ka tirsan, ayaa waxaa laga soo xigtay in madaafiicdaasi ay yihiin kuwo laga ridaayay fariisimahooda ku yaala Garoonka Aadan Cadde, isagoona meesha ka saaray in wax kale ay yihiin. Wuxuuna madaafiicdaasi ku macneeyay dhoolatus ciidan oo qura.

Dadka qaarkii, ayaa madaafiicdaasi xoogan u qaatay in dagaal fool ka fool ihi uu ka soconaayo gudaha Garoonka, ayna soo weerareen dagaalyahanada Ururka Al Shabaab. Shabaabka ayaa bishii December ee sanadkii hore weerar qorsheysan ku galay Xerada Amisom.

Jugta hubka culus, ayaa waxay baqdin gelisay bulshada ku dhaqan xaafadaha ku teedsan Garoonka Aadan Cadde, kuwaa oo siyaabooyin kala duwan u fasirtay. Dadka qaar waxay kuugu sheegayaan in la soo weeraray Garoonka.

Xarunta Amisom (Xalane), ayaa waxaa shalay ka furmay shirka looga doodaayo noocii ay noqon laheyd doorashada lagu wado in sanadka 2016ka ka qabsoomto dalka Somaliya.

Xalane sidoo kale waxaa ku yaala tiro ka mid ah Safaaradaha Reer Galbeedka & Xafiiska Qaramada Midoobe (UNSOM), waxaa kaloo ku yaala hoteelo qaab casri ah loo dhisay, oo ay degan yihiin martida Reer Galbeedka ee ka qaybgaleysa shirka ka furmay Xalane.

ASKARI JABUUTIYIIN AHAA OO KU DHINTAY DAGAALKII SHALAY KA DHACAY MAGAALADA BALEDWEYNE

Mid ka mid ah Ciidanka Militariga Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa waxaa uu ku dhintay dagaalkii shalay ka dhacay Galbeedka Magaalada Baledweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Laba ka mid ah beelaha wada degga Magaalada Baledweyne, ayaa shalay ku dagaalamay xaafadda Hawlwadaag. Dagaalkan waxaa uu ka dhashay dilalka aanooyinka qabaa’ilada ku saleysan, oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhacaayay Galbeedka Baledweyne iyo dhulka miyiga.

Askariga reer Jabuuti, ayaa ka mid ahaa Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Amisom, xilli ay dadaal ugu jiraan, inay kala dhex galaan beelaha ku wada dagaalamay xaafadda Hawlwadaag.

Suxufiyiinta Magaalada Baledweyne, ayaa soo sheegaaya in meydka askargaasi loo qaaday xerada Xoogaga Jabuuti, ay ku leeyihiin Magaalada.

Dhanka kale dagaalka ka dhacay Baledweyne, ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 10 qof oo u badan dhinacyadii wada dagaalamay, halka ay ku dhaawacantay ugu yaraan 32 kale.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Amisom, ayaa waxay wadaan dadaalo lagu doonaayo in wax looga qabto dhiilada colaadeed ee ku soo korortay Xarunta Gobolka Hiiraan.

WARARKA CAALAMKA

ZUMA OO BADALAY WASIIRKIISA DHAQAALAHA

Madaxweyne Zuma ayaa doonaya inuu qanciyo ganacsatada

Madaxweynaha dalka Koofur Afrika, Jacob Zuma waxa uu badalay wasiirkiisii dhaqaalaha, markii labaad afar maalin gudahood.

Isbuucii lasoo dhaafay, Nhlanhla Nene ayaa lagu badalay Desmond Van Rooyen, tallaabadaas oo qalqal gelisay dhammaan suuqyada dalkaasi, lacagta Koofur Afrikana ee Randga hoos u dhigtay.

Kaddib qeyblo dad weyne, habeenkii Axadda, Madaxweyne Zuma waxa uu sameeyay isbedel la taaban karo.

Markii uu hal isbuuc haayay xafiiska wasaaradda dhaqaalaha, Mr Van Rooyen waxa ay sababtay cabsi suuqyada oo dhan ku baahday, waxaana hadda lagu badalay Pravin Gordon.

Kuma cusba shaqada, Mr Gordhan, waxa uu wasiirka dhaqaalaha ahaan jiray ka hor Nhlanhla Nene waxaana xilligaasi uu aad uga dhex muuqday qalalaasihii dhaqaale ee dunida ee 2009kii.

Mr Zuma ayaa qeylada shacabka kaddib sheegay inuu arrintan u sameeyay si uu dadka ugu xaqiijiyo inuu dhageystay.

Lacagta dalka Koofur Afrika ee Rand oo isbuucii hore hoos u dhacday ayaa tani iyo maalintii Axadda soo gabsaneysay.

Sidoo kale saamiyada suuqa Johannesburg ayaa la filayaa inuu shalay dib u soo gabsado kaas oo hoos u dhacay kaddib markii Mr Nene la badalay.

XISBIGA MIDIGTAFOG EE FARANCE OO DOORASHADA WAAYAY

XISBIGAN AYAA WAREEGII KOOBAAD EE DOORASHADA KU GUULEYSTAY

Doorashooyiinka goboladda ee dalka Faransiiska ayaa waxaa ka soo baxday natiijo ay xisbiga midigta fog ee Front Party ee ay hogaamineyso Marine Le Pen uu ku guuldareystay inuu helo hal gobol.

Arrintaasi waxa ay dhaawacday rajadii ay ka qabeen in guul taariikheed ay gaaraan.

Ayadoo hadlaysay kaddib markii natiijada hordhaca ah ay soo baxday, Ms Le Pen, waxa ay taageerayaasheeda u sheegtay in arrintan macneheeda uusan ahayn in xisbiga ay u dhamamaatay.

Ninka ay sida weyn ee isku gobolka yihiin waa wasiirkii hore ee caafimaadka ee faransiiska, Xavier Bertrand, wuxuuna u mahadceliyay qofkastoo si xeeladeysan ugu codeeyay.

Ra’iisul wasaaraha Faransiiska, Manuel Valles oo hadlayna waxa uu tilmaamay in iscajabinta aysan melena uga bannaaneyn dalka faransiiska.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip