Muqdisho, 13 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu go'aamin doono nooca doorasho ee uu dalka yeelanayo sannadka 2016-ka.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgaley madaxda maamullada gobollada ee
Jubba, Galmudug, Puntland , Koonfuur Galbeed Soomaaliya, maamullada
gobollada Banaadir, Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, ururrada bulshada,
wakiillada beesha caalamka iyo marti sharaf kale.
Khudbad uu furitaanka shirka ka jeediyay Madaxweynaha, ayaa waxaa uu
shacabka ku xusuusiyey in tani ay tahay fursad muhiim ah oo ay kaga tala
bixin karaan mustaqbalkooda siyaasadeed.
"Madasha Wadatashiga Qaran waa mid muhiim u ah taariikhdeena dowlad
dhisidda ee aan muddo soo wadney. Waxaan idin sheegayaa in ka hor inta
aanan halkan imaan, aniga iyo madaxda maamullada aan muddo saddex
maalmood ah ku jirney wadatashiyo adag oo aan ku gorfeyneyno mustaqbalka
siyaasadeed ee dalkeena. Maantana waxaan halkan u joognaa inaan
aaraadiina dhegeysano, talo isku darsano, aan faaqidno talooyinkii laga
soo uruuriyay shacabka labadii bilood ee la soo dhaafay, ugu dambeytiina
aan qaadano talo mid ah,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.
Waxaa Madaxweynaha intaa ku darey in loo baahan yahay in kulamada
noocaan ahi ay noqdaan kuwo abuuraya rajo cusub oo Soomaali ay leedahay,
aakhirkana horseedi kara inaan dib cagaheena isku taagno, aana soo
dhisno nidaam dowladeed oo sal adag, kuna dhisan nabad, caddaalad iyo
horumar.
"Inagoo wadajirna ayaan horumar ku gaari karnaa. Waddankeena
dhibaatooyin badan oo xanuun badan ayuu soo marey. Ma dooneyno in
xusuusta murugada leh aan ku saleyno mustaqbalkeena. Waxaan u baahanahay
inaan la imaanno is-cafin, wada noolaansho, iyo inaan abuurno jawi
nabadeed oo naga saara cabsida iyo kala aamin baxa nagu jira. Waa dhab
inaan wajahayno amaba aan dhammaanteen wada dooneyno inaan qaadano
nidaam cusub oo siyaasadeed oo aan horey loo tijaabin. Waa inaan cabsida
iyo shakiga meel iska saarnaa, lana imaanaa geesinimo aan ku wajahno
mustaqbalkeena, waana hubaal inaan guuleysaneyno, inagoo wadajirna oo
ummad mid ah’’.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa ku xusay in
hannaankan socdaa uu yahay mid Soomaali leedahay, talo Soomaaliyeedna
lagu shaqeynayo, loona baahan yahay in laga wada faa’iideysto.
"Beesha caalamka iyo waddamala kale ee ina taageeraya kaalintooda waa
fududeyn. Talada gacanteena ayay ku jirtaa. Waxaan halkan isugu nimid
inaan ku gaarno talo Soomaaliyeed, taas ayaana keentay in gobollada kala
duwan ee dalka ay ka dhacaan kulamo wadatashi ah oo shacabka
fikradahooda lagu dhegeysanayo. Fikradahaasi kala duwan ayaa lagu dhisi
karaa hannaan dimoqraadiyeed oo talada ay shacabka leeyihiin. Waa
Ilaahay mahaddii in safar dheer kadib aan maanta soo gaarney meel muhiim
ah oo shacabkeena ay mustaqbalkooda ku go’aaminayaan, talana ay ku
leeyihiin’’, ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweynaha.
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa uu u mahadceliyay
beesha caalamka, kaalinta ay ka qaadatey fududeynta wadatashiyadan
muhiimka u ah mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo dhanka
kalena ka codsadey shacabka Soomaaliyeed inay sida saxda ah uga
faa’iideystaan taageerada beesha caalamka ee dib loogu dhisayo
Soomaaliya.
Munaasabadda waxaa kale oo khudbado ka jeediyay Guddoomiyaha
Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari,Ra’iisul Wasaare Cumar
Cabdirashiid Sharma’arke, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda
Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa,
madaxda maamul goboleedyada, diblomaasiyiinta iyo mas’uuliyiin kale.
--- DHAMMAAD—
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so
Pres.HSM (M), Mohamed O.Jawari, Speaker of the Parliament (L), and PM
Omar A.Sharma'arke (R) at the National Consultation Forum in Mogadishu .
13 Dec 2015. Photo by Villa Somalia |
|
©2015 Office of the President of Somalia | 1 Villa Somalia
Madaxweynaha: "Madasha Wadatashiga Qaran waa fursad ay shacabka ku go'aaminayaan mustaqbalkooda siyaasadeed''
Muqdisho, 13 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu go'aamin doono nooca doorasho ee uu dalka yeelanayo