
Dagaal Dib uga qarxay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose
Rasaas culus ayaa la isku weydaarsanayaa Magaalada Marka gudaheeda, waxa ay dadka sheegayaan in Maleeshiyaadka labada dhinac ee dagaalamaya ay wataan hub fara badan oo ay u muuqdaan kuwa isa soo abaabulay.
Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday dagaalka, xabada ayaa weli ka dhaceysa Magaalada Marka oo maleeshiyaadka ay ku dagaalamayaan, waxaana suuragal ah in dagaalka uu ku faafo xaafado kale oo ka mid ah magaalada Marka.
Shalay ayeey aheyd markii Magaalada Marka ay ku dagaalameen labadan maleeshiyo beeleed, ee hada dagaalkooda dib uu kaga soo cusboonaday magaalada Marka.
Odayaasha Dhaqanka ee labada dhinac ayaa ku baaqaya in dagaalka la joojiyo.
Lama oga waxa uu ku biloowday dagaalkaan, hayeeshe arinta waxa ay u muuqataa in maleeshiyaadka ay isku soo hub aruursadeen intii xalay iyo saaka ay kala maqnaayen.
Dagaal Dib uga qarxay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose
Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in dagaal uu dib kaga qarxay Magaaladaasi, dagaalkaasi oo ah mid u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed.