Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada oo soo dhoweeyey Wadahadalada Galmudug iyo Ahlusunna

0
Sunday December 13, 2015 - 09:30:28 in Wararka by
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada oo soo dhoweeyey Wadahadalada Galmudug iyo Ahlusunna

    Ra''iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa soo dhoweeyey, isla markaana rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadalada dhowaan uga furmi doona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra''iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa soo dhoweeyey, isla markaana rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadalada dhowaan uga furmi doona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Wal Jamaacah, wuxuuna ugu baaqay dhinacyadaasi inay muujiyaan, dabacsanaan, isu dhega-nuglaan, Soomaalinimo.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumada ay kaalin mugleh ka qaadan doonto fududeynta, iyo ka mira dhalinta shirkaasi, la isugu keenayo Maamulka Galmudug iyo Ahlusunnah Wal Jamaacah, waxa uuna tilmaamay in loo baahan yahay in laga gudbo khilaafka loona gudbo is faham iyo wax wada qabsi.

"Waxaan rajeynayaa in wadahadaladaasi ay miro dhalaan, ka xukuumad ahaana waxaan la garab istaagi doonaa taageeradeena" ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha oo ugu baaqay dhamaamba siyasiyiinta, waxgaradka, iyo nabadoonada Soomaaliyeed inay taageeraan wadahadaladaasi.

----DHAMMAAD----



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip