WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 3-DA DICEMBAR 2015-KA

0
Sunday December 13, 2015 - 09:08:26 in Wararka by
  • Visits: 1159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 3-DA DICEMBAR 2015-KA

    R/WASAARE SHARMAARKE OO KA HADLAY WADA HADALADA AHLU SUNNA & GALMUDUG KU LEEYIHIIN DHUUSAMAREEB Ra"iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma rke ayaa soo dhoweeyey, isla markaana rajo wanaagsan ka mu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R/WASAARE SHARMAARKE OO KA HADLAY WADA HADALADA AHLU SUNNA & GALMUDUG KU LEEYIHIIN DHUUSAMAREEB Ra"iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma rke ayaa soo dhoweeyey, isla markaana rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadalada dhowaan uga furmi doona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Wal Jamaacah, wuxuuna ugu baaqay dhinacyadaasi inay muujiyaan, dabacsanaan, isu dheganuglaan, Soomaalinimo. Ra’iisal Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumada ay kaalin mug leh ka qaadan do onto fududeynta, iyo ka mira dhalinta shirkaasi, la isugu keenayo Maamulka Galmudug iyo Ahlusunn ah Wal Jamaacah, waxa uuna tilmaamay in loo baahan yahay in laga gudbo khilaafka loona gudbo is faham iyo wax wada qabsi.

"Waxaan rajeynayaa in wadahadaladaasi ay miro dhalaan, ka xukuumad ahaana waxaan la garab istaagi doonaa taageeradeena.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo ugu baaqay dhamaamba si yasiyiinta, waxgaradka iyo nabadoonada Soomaaliyeed inay taageeraan wadahadaladaasi.”

AMB. CALI AMEERIKO: "HADDII AAN TASHAN WEYNO WAA NALOO TALINAA, WALAALAYAAL AAN TASHANO"

Danjire Maxamed Cali Ameeriko ayaa ka hadlay xaaladda dalka uu marayo xilligaan, gaar aha an arrimaha siyaasadda dalka oo maraya meel xasaasi ah, bacdamaa uu soo dhowaaday wakhtigii kala guurka isla markaana la doonayo in hoggaanka Dowladda Soomaaliya isbedel weyn lagu same eyo. Maxamed Cali Ameeriko oo ahaa safiirkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Ken ya ayaa isagoo ku sugan magaalada Toronto ee wadanka Canada waxa uu walaac ka muujiyay door ka madaxda Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin doorashooyin ka dhaca dalka, isagoona sheegay inay jiraan kooxo is abaabulaya oo doonaya inay mar kale hoggaanka dalka qabtaan, iyadoo meesha laga saaray doorkii xisbiyada dalka ay ku leeyihiin doorashooyinka dalka ka dhacaya.

"Haddii aan tashan weyno waa naloo talinaa, walaalayaal aan tashano” ayuu yiri Ambassador Maxamed Cali Ameeriko oo sheegay inay nasiib darro tahay khilaafyada hareeyay madaxda Dowlad da iyo maamul goboleedyada.

Dhinaca kale hadalka Danjiraha Soomaaliyeed ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdi sho ay ka socdaan shirar iyo kulamo looga arrinsanayo hiigsiga sanadka 2016ka, kaasi oo u muuqda mid aan cago badan ku taagneyn, isla markaana ay ku kala aragti duwan yihiin madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

CIIDAMADA DALKA RUUSHKA OO AMAR DEG DEG AH KA HELAY MADAXWEYNE VLADIMIR PUTIN

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku amray ciidamada Milletariga dalkiisa in ay tillaabo adag ka qaadaan cid kasta oo khattar galisa ciidamadooda jooga dalka Siiriya.

Madaxweynaha ayaa warkaan u sheegay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada dalkiisa waxa ana Khudbadiisa toos looga daawanayey Telefishinada.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ma uusan xusin cid si gaar ah ammaanka ciida mada ruushka ee jooga Siiriya qatar ugu heysa, balse waxaa jira in dalka Turkiga iyo Ruushku ay aad ugu muransan yihiin wali diyaarad Ruushku uu la haa oo ay ciidamada Turkigu ku soo rideen Xu duuda Turkiga iyo Siiriya ay wadaagaan.

Mr Putin ayaa sheegay in tillaabooyin adag oo dhanka difaaca ah ay qaadi doonaan isaga oo aan si toos ah carabka ugu dhufan dalka Turkiga.

Madaxeynaha Ruushka ayaa markii ugu horeeysay ka dhawaajiyey in Ruushku uu hub ku tageeray jabhadda mucaaradka ku ah Madaxweyne Asad ee loo yaqaano FSA, si ay ula dagaallam aan kooxda Daacish.

Dowladda Mareykanka ayaa dhinaceeda sheegtay in aysan Moscow soo bandhigin cadeeymo muujinaya in mucaaradka ay hubsiisay.

Ruushka ayaa aad u taageera Madaxweyne Asad iyada oo dad badanina la yaabeen warka ka soo yeeray Mr Putin.

 

Kooxda Free Syrian Army ayaan ka jawaabin hadalka Mr Putin ee ah inuu hub siiyey si ay Daa cish ula dagaalamaan.

FBIDA OO XABSIGA DHIGTAY KHAALID AADAN C/QAADIR OO AH MUWAADIN SOMALIYED

Muwaadin Soomaaliyeed oo heysta dhalashada dalka Mareykanka ayaa xabsiga la dhigay ka dib markii lagu eedeeyay inuu hanjabaad u diray FBIda Mareykanka isaga oo soo dhigay bartiisa Twit terka. Wiilkaan Somaliga ah ayaa Barta Twitterka uu iska isticmaalo waxa uu ku qoray hadalo uu ugu hanjabaayay FBIda Mareykanka oo maalin ka hor xiray Wiil ay saaxiibo yihiin Wiilka hanjabaada loo xiray.

Khaalid Aadan C/qaadir oo 19sano jir ah ayaa ka carooday Xarig ciidamada FBIda Mareykan ka ay u geysteen C/risaaq Maxamed Warsame oo 20 sano jir ah, kaasi oo lala xiriiriyay inuu doonaya y ku biirista Daacish.

Saacado kadib Khaalid ayaa Boggiisa Twitterka ka saaray Qoraalkii uu ugu hanjabaayay FBI -da, laakiin Sirdoonka Mareykanka ayaa markiiba sawiray Qoraalka si xariga Khaalid loogu adeegsa do cadeyn ahaan.

Becky Thorson, oo kamid ah qaadiyasha Mareykanka ayaa amartay in Khaalid lagu sii haayo xabsiga ilaa laga dhageysanayo dacwadiisa maalinta Arbacada ee soo socoto.

Xabsiyada dalka Mareykanka waxaa ka buuxa dhalinyaro badan oo Somaliyed, kuwaasi oo lala xiriiriyay ku biirista Daacish.

SARKAAL KA TIRSANAA CIIDANKA DAMBI BAARISTA OO MUQDISHO LAGU DILAY

Nin Sarkaal ahaa oo ka tirsanaa ciidamada Dambi Baarista Somaliya, CID ayaa lagu dilay shalay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii rag hubaysan oo Bistoolado wato ay beegsadeen Sarkaalkaasi.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafada loo yaqaan Aargada Degmada Wadajir, waxaana rasa as ay la dhaceen raggii hubaysnaa Sarkaalkaasi.

 

Qaybaha sare ee jirkiisa ayeey kaga dhufteen dhowr xabadood, taasi oo keentay in durba goo bta uu ku geeriyoodo Sarkaalkaasi.

Ninka Sarkaalka ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Col. Cabdi Nuur, wuxuuna ka mid ahaa Saraakiisha qaabilsan Baarista Dambiyada.

Raggii ka dambeeyay dilka Sarkaalkaasi oo labo nin ahaa ayaa ka baxsaday goobta ay ku dil een Sarkaalka, waxaana halkaasi yimid ciidamo ka tirsan Dowladda Somaliya oo goobta ka qaaday meydka Sarkaalka.

 

Shabaab ayaa beegsada ciidamada Dowladda iyo Saraakiisha, Degmada Wadajir iyo Degm ada Dharkiinleey ayaa waxa ay noqotay Degmooyinka ugu badan ee ay ka dhacaan dilalka qorshe ysan ee Shabaabka ay fuliyaan.

PUNLAND OO BEESHA CAALAMKA UGU BAAQAY INAAN LAGU QASBIN NIDAAMKA 4.5 IN DIB LOOGU LAABTO

MadaxwayneGaasQaar kamid ah xildhibaanada Barlamaanka dowladda Puntland oo Garowe Shirjaraaid ku qabtay ayaa kasoo horjeestay in dib wadanka Soomaaliya loogu celiyo nidaamkii ahaa ee 4.5.

Xildhibaan Cabdixakiin Dhoobodaareed oo kamid ah xildhibaanada shirka qabtay ayaa beesha caalamka ugu baaqay inaysan dowladda Puntland ku qasbin inay ogolaato nidaamka 4.5,

Wuxuuan sheegay xildhibaanku inay soo baxayaan warar ku saabsan in Puntland lagu cada adinayo nidaamka 4.5.Islamarkaana aysan Raali ka ahayn puntland Xildhibaanada ayaa sidoo kale Madaxwayne Gaas iyo waftigiisa Muqdisho ku sugan ku booriyey in aysan Ogalaan in doora shada Somaliya lagu galo 4.5

Magaalada Muqdisho ayaa ka soconayo shirarka ku saabsan habkii loo qaban lahaa doorsha da sanadka cusub ee 2016 Waxaana Shirarakaasi u dhaxeeyaa madaxdalka dowlada somaliya iyo iyo kuwa maamul goboleeyada

dowladase wali ma aysan cadeyn siyaasedeeda cad ee ku aadan doorka doorasho ee sanad ka cusub

BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO KA HORYIMID IN LA WAREEJIYO XARUNTII EX BAARLAMAAN

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay tallaabadii Guddoomiyaha Gob olka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ku wareejiyay Xaruntii Ex Baarlamaan, iyagoo ku tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah.

Kulan xildhibaanada Baarlamaanka uu iminka ku leeyahay xarunta Golaha shacabka ayaa la gu soo hadal qaaday wareejintii Guddoomiyaha Gobolka ku wareejiyay xaruntii Ex Baarlamaan, taa soo lagu wareejiyay Milkiilaha Telefishinka Universal.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mr Yuusuf Xuseen ayaa fagaare ka sheegay inay ku waree jiyeen Xarunta Ex Baarlamaan Milkiliilaha Universal iyo kooxdiisa, si ay meel loo soo dalxiis tago uga dhigaan

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin, isla mar kaana go’aan ka qaadanayaan tallaabada Ganacsato loogu wareejiyay Ex Baarlamaan, isla markaa na lagu balansanaa in xarunta dib u dayactir lagu sameeyo

Inkastoo wali kulanka uu socdo ayaa laga yaabaa, isla markaana Xildhibaano ka tirsan Baa rlamaanka ay ka hadlayaan arrintan ayaa laga yaabaa in Guddoonka Baarlamaanka u saaro Guddi.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Guddoonka looga baahan yahay inuu cadee yo cida xaqa u leh inay bixiso dhulkii Ex Baarlamaan, isla markaana ay sharci darro tahay in la bixi, waxaana uu dalbaday in Guddi loo saaro oo daba gala arrintaas, isagoo ku baaqay in qaraar laga soo saaro.

Nashqada dhismaha cusub ee Baarlamaanka Hore

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in maalinta berri Guddoonka iyo Guddiga Maaliyada ay go’aan ka soo saari doonaan arrintaas, isla go’aan ka soo saari doonaan.

Labo sano ka hor ayay aheyd markii Guddiyada joogtada baarlamaanka ay soo bandhigeen nashqad muujineysay in dib u dayactir lagu sameeyo xarunta Ex Baarlamaan, lama oga halka uu qor shahaas ku dambeeyay, iyadoo uu jiray mashruuc dayactir loogu sameyn lahaa xaruntii hore ee Baa rlamaanka Soomaaliya oo ay maal geli laheyd Imaaraadka Carabta.

MADAXWEYNAHA GAMBIA OO KU DHAWAAQAY IN DALKIISU YAHAY JAMHUURIYAD ISLAAMI AH

Madaxweynaha Gambia Yahya Jammeh oo dalkiisu ay u badan yihiin Muslimiinta ayaa ku dha waaqay inay yihiin Jamhuuriyad Islaami ah, isagoo xusay in la baab’iyay dhamaan dhaqamadii uu Gu meystuhu lahaa.

Mr Jammeh ayaa Telefishinka qaranka ee dalkiisa ka sheegay in wixii hada ka dambeeya Ga mbiya ay ku dhaqami doonto ku dhaqanka shareecada Islaamka, isla markaana xushmeyn doonto

Waxaa uu intaa ku daray in wax is bedel ah aan ku imaan doonin sida ay dadka u labistaan, isla markaana wax sharci ah lagu soo rogi doonin.

Madaxweyne Jammeh ayaa muddo 21 sano xukumayay dalka yar ee ka tirsan Galbeedka Afrika, waxaana uu mar ka bad baaday isku day afgambi.

Dadka Gambia ayaa 90% ay yihiin dad Muslimiin ah, waxaa horay u gumeystay Britain, waxa ana uu ku caan yahay dalxiiska, inkastoo muddooyinkii u dambeeyay uu sii xumaanayay xiriirka kala dhaxeeya dalkiisa iyo reer Galbeedka.

Midowga Yurub ayaa sanadkii hore si KMG ah u joojiyay lacago uu gar gaar ah uu siin jiray Gambiya.

"Maadaama Muslimiinta ay u badan yihiin dalka, Gambia kuma sii dhaqmi karto dhaqamadii Gumeystaha”ayuu yiri Madaxweyne Jammeh oo dadka u sharaxayay sababaha uu dalkiisa u noqday Jamhuuriyad Islaami ah.

Jamhuuriyadaha kale ee Islaamiga ayaa waxaa ka mid ah Iiraan, Pakistan iyo dalka Mauri tania ee Afrika ka tirsan.

Sanadkii 2013 ayuu ku dhawaaqay inay ka baxeen wadamada la isku dhaho barwaaqosooran ka ee la yiraahdo Commonwealth, isagoo ku tilmaamay urur u dhaqma sidii Gumeystaha oo kale, wa xaana sanadkii 2007 uu sheegay in dalkiisa uu helay daawo dabiici ah oo Cudurka Aids lagula taca alo.

TIRO DAD AH OO KU DHAAWACMAY QARAX BAM LAGU WEERARAY MASAAJID KU YAAL ADDIS ABABA

Ku dhowaad 24 ruux ayaa ku dhaawacantay qarax bamb oo lagu weeraray masaajid ku yaal magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Masaajidkan oo lagu magacaabo Anwar ayaa ku yaal xaafada Markaato, waana masaajidka u gu weyn Addis Ababa, bam gacmeedka ayaa lagu tuuray salaadii jimcaha kadib.

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Getachew Reda ayaa u sheegay Telefishinka AlJazeera in aa nay jirin cid ku dhimatay weerarka lagu qaaday masaajidka Anwar salaadii jimcaha kadib.

Wasiirka ayaa sheegay in weerarkan looga dan lahaa, in jahwareer iyo argagax lagu abuuro, ka dib todobaad dibad baxyo rabshado ka dhacayay Gobolka qowmiyada Oromada degto.

Gobolka Oromia ayaa dowladda qorsheyneysa inay ku darto Caasimada Addis Ababa, halka dadka Oromada ah ay taas ka soo horjeedaan, waxaana jiray isku dhacyo dhex maray Booliska iyo dad dibad baxayaal ah.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay weerarka, hase ahaatee ciidamada booliska iyo saraakiisha ammaanka ayaa si deg deg ah goobta u gaaray markii qaraxa dhacay.

XEER ILAALIYAHA GUUD "WAA IN LA MAGACAABO GUDDIGA MADAXA BANAAN EE LA DAGAALLANKA MUSUQ MAASUQA”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay muhiim tahay in la magacaabo Guddi madaxa banaan oo la dagaalama musuq maasuqa.

Isagoo ka qeyb galayay dood ka baxeysay Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in Guddiga madaxa banaan ee la dagaallanka musuq maasuqa uu suura gelinayo ka hortaga musu qa ka dhex jira hey’adaha dowladda iyo in cadaalada la horkeeno cidii lagu helo musuq maasuqa.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in guddigan uu horseedi dooni in wax walba lagu dhaqo cada alada, isagoo ku baaqay in hay’adaha dowladda ay xoogga saaraan la dagaallaanka musuq maasu qa.

"In hay’adaha ka shaqeynaya ama baaraya kiisaska la xiriira musuq maasuqa waxaa muhiim ah inay noqdaan kuwa ka madax banaan hay’adaha dowladda, sharciga inay raacaan oo hakuu tilm aamo waddo aad mareyso, waxyaabaha kale ee u baahan in la sameeyo waxaa ka mid ah in la dhiso Guddiga Madaxa banaan ee la dagaallanka Musuq maasuqa, waxaa kaloo muhiim ah iyana in la dhiso guddiga Madaxa banaan ee garsoorka”ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka.

Hey’addaha dowladda ayaa horay waxaa u jiray dhaliil ku aadan in musuq maasuq ay ku kace en, inkastoo aanay jirin cid loo maxkamadeeyay ama sharciga la horkeenay.

Soomaaliya ayaan laheyn Guddiyo la dagaalama musuq maasuqa, waxaana ay safka hore sa nadihii la soo dhaafay ka gashay dalalka ugu musuq maasuqa badan.

HAWEENKA SACUUDIGA OO MARKII U HOREYSAY KA QEYB GALAYA DOORASHOOYINKA DOWLADAHA HOOSE

Haweenka Sacuudiga ayaa markii u horeysay u dareeri doona doorashooyinka dowladaha ho ose ee dalkaas, iyadoo tallaabadan ay tahay mid Boqortooyada ku dooneyso in haweenka ay qeyb ka noqdaan siyaasada.

Haweenka ayaa sidoo kale ah musharaxa, isla markaana codkooda dhiibanaya, inkastoo aan loo ogoleyn inay gawaarida kaxeeyaan.

Ku dhowaad 978 ayaa ah Haween musharaxiin ah, kuwaasoo isdiiwaan geliyay, halka 5,938 ay yihiin musharaxiin Rag ah.

Haweenka musharaxa ah ayaa daahgadaashiis ama xijaab kala hadli doonta dadka, inta uu so cdo ololaha doorashada, waxaana ka mamnuuc ah inay ragga la kulmaan.

Illaa 130kun oo haween ah ayaa isu diiwaan geliyay inay codeeyaan, waxayna ka hooseysa tir ada ragga is diiwaan geliyay ee codeynaya, kuwaasoo gaaraya 1.35 milyan.

Salma alRashed ayaa noqotay haweeneydii u horeysay isu diiwaan gelisay inay codeyso, wa xaana ay sheegtay inay aad u faraxsan tahay, isla markaana ay ka qeyb qaadato doorashooyinka.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa muddo afartan sano ka jirin wax doorasho ah, tan iyo sanadkii 1965 illaa 2005, inkastoo Boqor Cabdalihii geeriyooday uu sameeyay sanadkii 2005 is bedel, haw eenkana ka qeyb geliyay siyaasada.

GANACSADE CAAN AHAA OO LAGU DILAY MAGAALADA KISMAAYO EE GOBOLKA JUBADA HOOSE

Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa ku soo waramaya in Xalay halkaasi lagu Dilay Ganacsade caan ahaa iyadoona Dilkaasi lagu eedeeyay Ciida mada Maamulka Juba.

Ganacsadahan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Shaakaay ayaa lagu Dilay Bartmaha Maga alada Kismaayo kadib markii lagala dagay Gaarigii uu saarnaa.

Sarkaal ka tirsan Maamulka KMG ah ee Juba oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dilka Ganacsadahaasi uu salka ku hayo aano qabiil balse Dilka Ganacs ade Maxamed ayaa lagu eedeeyay Ciidamada Maamulka Juba.

Ilaa iyo hada ma jirto wax hadal rasmi ah oo ka soo baxay Saraakiisha maamulka KMG ah ee Juba oo ay ugu jawaabayaan eedeymaha lala xiriira Dilka Ganacsade Maxamed Shaakaay oo ka dha cay Magaalada Kismaayo.

MAXKAMAD KU TAALLA KOONFUR AFIRKA OO XUKUN KU RIDDAY BURCAD DIL U GEYSTAY GANACSADE SOMALI AH

Maxkamadda sare ee magaalada Pretoria ee xarunta Koonfurta Afrika ayaa xukun ku ridday saddex nin oo Koonfur Afrikaan ah oo lagu helay inay dileen ganacsade Soomaaliyeed oo lagu mag acaabi jiray, Axmed Salaad.

Eedeeysanayashan ayaa waxaa la sheegay inay bishii Juun ee sannadkii 2012kii ay dileen ma rxuum Axmed Salaad kaddib markii ay ku weerareen dukaankiisa oo la oran jiray, Mike Supermarket oo ku yaallay tuulada Mdutjana oo ka tirsan gobolka Mpumalanga.

Ganacsadahan waxaa xilliga la tooganayay dukaanka la jiiftay labo ka mid ah shaqaalihii la shaqeynayay, iyadoo uu mid ka mid ah cararay, halka kii kalena uu isku qariyay qayb ka mid ah dukaanka.

Mid ka mid ah gacankudhiiglayaasha oo lagu magacaabo, Themba Mathibela ayaa waxaa la sheegay inuu ganacsadaha toogtay, ka hor inta aysan isaga iyo burcadda kale khasnadda kala bixin lacag dhan 2,500 oo Randka laga isticmaalo Koonfur Afrika ah; iyago sido kale boobay alaabahii ya allay dukaanka.

Sidoo kale, garsooradda maxkamadda oo lagu magacaabo, Mamona Teffo waxay gacanku dhi iglayaasha ku xukuntay min 20sano oo xabsi ah, inkastoo xukunka gacankudhiiglayaashan la she egay inuu ahaa xabsi daa’in ah ama madaxaa ha ku furto.

Garsooradda ayaa waxay kaloo sheegtay in marxuumka la dilay uu Koonfur Afrika u yimid si uu u helo nolol wanaagsan iyo inuu u shaqeeyo dadkiisa ku nool Soomaaliya oo aad u dhibaateysan.

Dhanka kale, marxum Soomaaliyeed ee la dilay, Axmed Salaad ayaa dukaanka lagu dhaxdilay lahaa, wuxuuna ahaa nin dhallinyarro ah oo 26jir ah.

Ugu dambeyn, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ayaa xukunka lagu riday bur cada soo dhaweeyay, kuwaasoo ay xuseen inay dhibaata weyn ku qabeen, isla markaana dhac bad an ay u geeysteen.

Si kastaba ha ahaatee, waxay jaaliyadda Soomaaliyeed ka codsadeen Dowladda Koonfur Afr ika in sidan oo kale cadaalada loo mariyo kooxaha burcadda ah ee caadeystay dhaca iyo dilka Soom aalida ay u geystaan; mana aha markii ugu horreysay oo maxkamada ku taala Koonfur Afrika ay xuk un noocan oo kale ah ku riddo burcad dil u geeystay muwadiniin Soomaaliyeed.

SOMALILAND OO DOOR BIDAYSA IN LA HELO CID KALE OO TURKIGA KU WEHLISA WADA HADALADA AY KULA JIRTO SOMALIYA

Xukuumadda Somaliland oo bishii November si kulul Turkiga ugu eedeysay inaanu dhex dhexaad ka ahayn wada hadalada ay kula jirto Somaliya, ayaa waxay sheegtay in loo baahan yahay in la helo cid kale oo Turkiga ku wehlisa dhex dhexaadin ta labada dhinac.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in doorka Turkigu uu ahaa in labada dhinac uu gogol u dhiggo, balse ay iminka Somali land dooneyso in dhex dhexaadin ay la gasho Somaliya.

"Turkigu wuxuu ahaa cidii gogosha dhigtay illaa iyo had da, doorkoodu wuxuu markii hore ah aa gogoldhig oo keliya. Iminka waxaanu dooneynaa inaanu dhex dhexaadin galno, waana soo dha weynaynaa. Islamarkaana waxaanu dooney naa in cid kaloo caalamka ay ka soo qaybgasho dhex dhexaad intaasi.” Ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC.

Wasiirka, ayaa yiri "Somaliya iyo Somaliland waa laba wadan oo jaar ah, waxaana ka dha xeeya amuuro farabadan oo u baahan inay ka wada hadlaan. Gogol baa loo sameeyay, waxaanu jec elnahay in wada hadaladii ay sii socdaan, oo la dardargeliyo.”

Somaliland, ayaa waxay ku adkeysanaysaa inaanu Tur kiga oo keliya dhex dhexaad ka sii ahaan wada hadalada laba da dhinac kaga soconaaya dalkaasi. Shirkii Somalida loogu qa btay Magaalada London, ayaa waxaa laga soo saaray in Som aliya & Somaliland ay wada hadlaan, isla markaana ay dhex dhexaadin ka noqoto bulshada caalamka.

RW CUMAR "GACANA WAXAAN KA GEEYSANAYNAA DAMINTA COLAADA, GACANA WAXAAN KU GO'AMINAYNAA NOOCA DOORASHO EE 2016"

Waa oraah uu ka yiri Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid kulan ka dhacay Galkacayo oo la gu dhex dhexaadinayey maamulada Galmudug iyo Puntland oo dirir ku dhex martay horaanta bisha an,

Xaqiiqdii hogaamiye kasta oo caalamka jooga wuxuu ka tagaa weerr mahadho ah, oo jiilasha soo koraya ay ku sheekaystaan, ama ka mid noqoto xikmadaha la galiyo diwaanada caalamka, lagu na qoro buugaagta taariikhda, laguna darsado khudbooyinka laga jeedinayo fagaarayaasha. Oraah taariikhda gashay hada ka hor waxaa yiri Allaha ha u Naxariistee Aabihii Madaxweyinihii hore ee Soomaaliya Cabdirashid Cali Sharmarke 1964tii, xiligaas oo dowladda Soomaaliya oo ciidan ahaan iyo dhaqaalo ahaan aad u tabar yareyd ay dagaal kula jirtay Boqorteeyadii Ethiopia, waxaana xiligaas qaban qaabo loogu jiray doorasho ka dhacda dalka, Madaxweyne Sharmarke oo xiligaas ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waraysi uu siiyey BBC ku yiri "Gacana waan ku codaynaynaa, Gacana Dalkaan ku difaacaynaa”

Dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo wuxuu ahaa runtii mid aad looga argagaxay qaabka uu ku bilowday, khasaaraha ka dhashay iyo sida dhaqsaha leh ee colaadu u saamaysay dalka oo dhan, waxaa hal mar ka qaxay magalaada dadkii nabada ku wada noolaa 21kii sano ee la soo dhaafay, waxaa magaalada noqotay nin iyo qori, waxaana ciidamo laga soo daabulay degmooyin iyo tuulooyin aad uga fog magaalada, tola’ay ayaa gees ka gees gobolka is qasatay, majarihii siyaasadeed ee dal ka ayaa hal mar is badalay, laba qof oo kasta oo sheekaysanaysa waxay hadal haysey dagaalka Ga lkacyo, waxaa ka guuxay fadhi ku dirirada, telefoon ku ilaaqtanka iyo baraha bulshadu ku xiriito ereyo isugu jira nabadayn, colaad abuurid iyo ka qayb qaadasho dagaal, waxaa saacad kasta warar ku tira kuteena ah lagu soo daabacayey Shabakadaha/website siyaasad ahaan kala taageera labada maa mul, waxaa Idaacadaha laysu marinayey hanjabaadyo ka soo kala yeeray masuuliyiin xilal sar sare ka haysa labada maamul, waxaa hal mar kala shaki soo galay saxiibadii wada shaqayntu ka dhaxay say ee ku kala abtirsanayey gobolka iyagoo xanta kala qarsanaya, waxaa dhamaan umadda Sooma aliyeed isla qireen hadii arinka galkacyo ka soo cusboonaaday aan xal deg deg ah laga gaarin iney suurta gal tahay in dib loogu noqdo dagaalkii Sokeeye.

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka duulaya masuuliyadda ka saaran shacabka uu xilka u hayo ay aa u duulay gobolka, wuxiu maalin gudaheed isu maray Cadaado iyo Garoowe, wuxuuna kulamo la soo qaatay madaxda labada Maamul, waxaa u suurto gali weysay inuu ka soo dago Galkacyo kadib markii lagu wargaliyey in dagaal uu ka bilowday magaalada, wuxuuna dib u gu soo noqoday Muqdisho, subaxii ku xigtay ayuu u duulay isagoo wata qaar ka tirsan wasiiradiisa iyo siyaasiyiin go bolka ka soo jeeda, wuxuuna dhexda u xirtay isidii colaadaas u daamin lahaa, isagoo socod ku dhex marayey ciidamo u caaboon dagaal oo qaarkood ay saaran yihiin dabaqyo dhaadheer, qaarna lu uqyada xaafadaha ay ka samaysteen difaacyo adag, halka qoryaha waaweyn u cartamayeen iney iskood isu ridaan, hoobiyaashuna ku liishaaman yihiin bartilmaameedkooda, Qoriga PMkuna diyaar u ahaa inuu wax burburiyo, Kaaruhuna gaaf wareegayey geesaha magaalada, waxaa xabado goos go os ah ka dhacayeen xiliga Ra’iisul Wasaare Cumar u kala gudbayey khadka cagaaran ee magaalada yaala qaybo ka mid difaacyada ciidamadu isugu jireen.

Hogaamiye waxaa calaamadihiisa ka mid ah in marka xaalkaan oo kale jiro uu isugu geeyo tal adiisa, aqoontiisa, khibaradiisa iyo hogaanimadiisa sidii colaadaas loo damin lahaa, waxaa kale oo ka mid ah inuu dhamaan qorshayaasha horyaal uu joojiyo, qorshihiisa kowaadna ka dhigto daminta colaada iyo wax ka qabashada hadii dalka ay ku habsato masiibo dabiiciya, hadii booqasho dibada ah ku maqan yahayna soo gaabiyo, waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaare Cumar ay u qor shaysnayd inuu ka qayb galo shir ay ka soo qayb galeen in kabadan 70 hogaamiye oo looga hadl ayey Cimilada Aduunka kana dhacayey magaalada Paris ee dalka Faransiiska horaantii bishaan, wux uuna sii hormariyey qaar ka mid ah waftigiisa, balse isagoo muujinaya xilka ka saran shacabkiisa ay uu ka baaqday kulankaas, wuxuna door biday inuu geedaha hoostooda uu ugu kala dab qaado kooxa ha ku dagaalamayey Galkacayo, wuxu isu keenay Isimadii gobolka, Culumo udiinkii, Aqoonyahanadii iyo Ganacsatadii si ay uga qayb qaataan daminta colaada, waxaa intaa dheer inuu beesha caalamka isugu yeeray iney Galkacyo yimaadaan, waana markii ugu horaysay ee ay Galkacyo seexdaan 7 ha been oo isku xigta wakiilada beesha caalamku, wuxuu dareensiiyey caalmka hadii aan dhibkaan xal loo helin iney suurta gal tahay inuu hakad galo tashiga 2016.

Heshiiskii Ra’iisul Wasaare Cumar uu garwadeenka ka ahaa waxaa lagu guulaystay arintii ma rkaas taaganayd oo ahayd "DHIIG JOOJIN” waxaa lagama maarmaan ah in lahelo xal waare oo inta as ka balaaran iyo dib u hesiisiin laga soo bilaabo heer tuulo, xaafad, degmo, gobol, maamul gobol eed laguna keeno heer Federaal, waana in dib u heshiisiintaas aan loo daba fariisan siyaasiinta, waa iney ka qayb qaataan dadka dantooda kowaad nabadu tahay, sida: Haweenka, Dhalinyarada, Culu mo u diinka, Odayaasha Dhaqanka iyo Ganacsatada, waxaa baryahaan xamar ka maqlayey qolooyin abaabulayo shirar siyaasadeed oo looga hadlayo arinka Galkacayo, waa arin soo dhaweyn leh, lakiin waa in nabada ay garwadeen ka noqdaan inta baahida ugu badan u qabta in nabad la helo.

"Gacmo Geeljire hoos ayaa loo dhaqaa” Dadka reer mudug si gooni ah ayaa laysugu xantaa ayadoo la eegayo dhaqanka, darisnimada, xididnimada, dhalashada iyo isdhex galka ka dhaxeeya iyo sida ay isu jecel yihiin marka ay joogaan meel ka baxsan gobolka. Dadkaa ku nool mudug walig ood ma arkin dib u heshiin dhab ah, Heshiiskii Galkacayo lagu wada dagay 21 sano ka hor waxaa uu ahaa heshiiskii dadka yare e nabada jecel ay iskood u ilaalinayeen dhamaan dowladihii soo maray dalka 15kii sano ee la soo dhaafay ma ahayn kuwo u tafa xaytay sidii Galkacyo nabad u heli lahayd dadka dagana u wada noolaan lahaayeen iyagoo is jecel oo walaalo ah, xildhibaanada ka soo jeeda gobolka ayaa iyagu ah kuwo aanba hoos u fiirin kaalinta uga aadan nabadaynta, taas oo macnahe edu tahay ineyba kursiga ugu fadhiyaan sidii ay ku gaari lahaayeen danahooda khaaska ah, qaar ka tirsan xildhibaanadaas waxay gabeen shaqadii Xildhibaanimo, waxayana dalxiis ku yimaadan magaa lada Muqdisho iyagoo ku nagaada mudo 10 casho ah kadibna ku noqda Nairobi iyo meelo kale. "Ru qo ninkii lahaa dabada hayo ma kacdo” meesha sartu ka quruntayna waa xildhibaanada gobolka.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku guulaystay in colaadaas la damiyo, waxaana si marxabo iyo qalbi wanaag ku jiro loo heshiisiyey Madaxweyne Cabdiwali Gaas iyo Madaxweyne Cabdikarin Guuleed, oo aan ku amaanayo iney yihiin geesiyaal, "geesi waa ninkii nabada qaata maal inta colaada” waxayna soo wada raceen diyaarad kadib markii ay is dhaafsadeen marti qaadyo ka kala dhacay labad dhinac ee magaalada, Isla markii ay ka soo degeen Muqdiso Ra’iisul Wasaaraha iyo Waftigiisa waxay deg deg u galeen shir horudhac ahaa oo looga tashanayey higsiga 2016, wax aana loo balasan yahay 12ka bishaan in go’aan laga gaaro nooca doorasho ee ka dhacaysa dalka. Waxaa xusid mudan in daminta colaadaas ay kaalin weyn ka qaateen madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo madaxweynaha Koofur Galbeed Sharif Xasan, waxaase lagama maarmaan ah in beesha caalamka, madaxda Federaalka, Madaxweynayaasha maamuladda Goboleedyada ay mar labaad ku noqdaan Galkacyo si loo abaabulo dadka colaadu saamaysay loona abuuro jawi nabad galyo ee ay ku wada noolaadaan dadka Galkacyo wada dagan.

Dhammaad

Diraac Salaad Fagaase Agaasimihii Hore ee Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya dhoodi222@gmail.com

HIIGSIGA WAA LAGU HOOGEY!!

Soomalida inteeda badan waxay ku jah wareersan tahay waxa Hiigsigu yahay, haddaba waa maxay Hiigsiga la sheego iney Soomaliya Hiigsanayso Sanadka 2016ka?. Hadda ka hor waxaan ka qaybgalay kulan ay qaar ka mid ah Saxafiyiinta Muqdisho la qaateen Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nick Key, mid ka mid Saxafiyiintii ayaa waxa uu waydiiyey Qarashaadkii loogu tala galay Horumarinta Saxaafada Soomaaliya halka ay ka baxday, Nick Key waxa uu yiri "yaa idinka mid ah oo yaqaana ama ii sharixi kara waxa la yiraaahdo Newdeal ama Hiigsiga” midkeena ma garan macnaha Newdeal, intuu qoslay buu yiri. "Sanadkan 2013ka wixii ka horeeyey Dowlada Soomaaliya waxyaabaha ay qabanayso waxaa soo jeedin jirey Beesha Caalamka waana lagu koontarooli jirey, yacni waxaa la lahaa Sanadkan waxaa la idinka doonayaa inaad waxaas qabataan, laakiin hadda arrintu sidaas ma ahan oo hadda Dowladda Soomaaliya ayaa Hoggaanka la wareegtey oo waxa ay rabto ayey noo sheegaan innana waan ku caawinnaa, marka Dowladda Soomaaliya nooma soo gudbin in la hore mariyo ama qarashaad la siiyo Saxaafadda Soomaaliya, sidaas raaali ku ahaada”. Waxaa naga soo haray Aamusnaan.

Waa wax lagu farxo haddii Hindisaha ama wax curinta laga soo wareejiyo Beesha Caalamka laguna wareejiyo Soomaalida oo in badan Agoon ka ahayd arrimahaas, Todobaadkii la soo dhaafay waxaa Shir jaraa’id Muqdisho ku wada qabtay Wasiirka Qorshaynta Cabdiraxmaan Caynte iyo Wasiirka Arimaha Debedda ee Swedan Ms Isabella Lövin oo xubin firfircoon ka ah waxa loogu yeero Hiigsiga 2016ka, Haweenayda Sweden ka socotay waxay ashalayy Dowlada Soomaaliya talaabada ay hore u qaaday ee ku wajahan Hiigsiga 2016ka waxayna intaas ku dartay iney arrimaha Soomaaliya uga danbayn doonaan Soomaalida. Mr Caynte ayaa hadalka qaatay wuxuuna yiri. "Dowladda Soomaaliya wax badan ayey ka qabatay Hiigsiga inta dhimmana waan ku dadaali doonaa intii karaan keen ah” Mr Caynte waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri. "Hiigsiga dhaliillo ayuu leeyahay maaddaama aanay Soomaalidu wax badan ka qayb qaadan Hindisihiisa oo aanay wax la taaban karo ku lahayn”.

Hadallaaas ka kala yimid Nick Key iyo Caynte waa ay is burimayaan marka Soomaalidu ma taqaanno cidda saxsan iyo midda qaldan, waana in la ogaado halka sartu ka qurunsan tahay, iyadoo sidaasi jiro ayaa Ajandaha kaliya ee hadda laga maqlo Madaxda Dowladu waxa weeye waxa loogu yeero Hiigsiga oo aan macno ahaan si wanaagsan loo fahamsanayn.

Maalintii Talaadada waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gebagebeeyey kulan ku saabsan Hiigsiga iyadoo ay ka horeeyeen kuwo kale oo badan, mid kalena waxaa loo ballansan yahay Bisha Febraayo ee Sannadka Cusub ee soo aaddan, haddaba sidee ahayd Xaaladda Magaalada Maalintii Talaadada ee 8da December. Mid ka mid ah dadka Muqdisho ayaa yiri. "Qarashka ku baxay Shirkii Daraad waxaa ka badan qarashaadka ku baaqday shacabka jeebabkiisa, sabatoo ah waxay lahayd saamayn wayn maadaama ay Waddooyin badani xirnaayeen oo ay aad u adkayd isu socodka dadka iyo Gaadiidka”.

Islaan Waayeel ah ayaa iyana tiri. "Hiigsiga waa lagu Hoogey oo Balaayo haku qaado, waxaan joogaa Xamar Wayne si aan yeelo ma aqaan, sababtoo ah Gaadiidkii Dadwaynaha ee Km4, waxaa Shalay lagu raacayaa 10kun oo shilin halka markii hore loogu raacayey 3kun oo shilin” waxaan waydiiyey Islaantaas sababta keentay arintaas, waxay tiri. "Kulankii Hiiigsiga ayaa ka socda Magaalada, waa wax naga yaabiyey, Gaadiidleyda waa loo garaabayaa sababtoo ah waxay ka soo wareegayaan Siinaay iyagoo doonaya KM4 iyo KM5”.

Nin kale oo maqlayey hadalka Islaantaas cataabaysa ayaa yiri. "dhibaatada maxa Muqdisho ku koobay? waxaa wanaagsanayd in dhibaatadan Xanibaadda ee na haysata nalala arko, waaxaan u jeedaa Shirkan Hiigsiga oo aynaan aqoon waxa uu Hiigsanayo in Magaalo kale loo raro si calal aqal aan u nefisno maalmaha qaar” waxa uu intaas ku daray "Waxaa ka sii wanagsanayd haddii Magaaladan sidaa loo kala xirayo in maalin ka hor Idaacadaha nalookaga sheego si aan guryaheena u joogno oo aynaan u soo lug go’in”.

W/Q. Cabdinaasir Xersi Iidle.

Email:Naasirx1@gmail.com/




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip