Amb. Cali Ameeriko: "Haddii aan tashan weyno waa naloo talinaa, walaalayaal aan tashano"

0
Saturday December 12, 2015 - 19:32:36 in Wararka by
  • Visits: 712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amb. Cali Ameeriko: "Haddii aan tashan weyno waa naloo talinaa, walaalayaal aan tashano"

    Danjire Maxamed Cali Ameeriko ayaa ka hadlay xaaladda dalka uu marayo xilligaan, gaar ahaan arrimaha siyaasadda dalka oo maraya meel xasaasi ah, bacdamaa uu soo dhowaaday wakhtigii kala guurka isla markaana la doonayo in hoggaanka Dowladda Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjire Maxamed Cali Ameeriko ayaa ka hadlay xaaladda dalka uu marayo xilligaan, gaar ahaan arrimaha siyaasadda dalka oo maraya meel xasaasi ah, bacdamaa uu soo dhowaaday wakhtigii kala guurka isla markaana la doonayo in hoggaanka Dowladda Soomaaliya isbedel weyn lagu sameeyo. Maxamed Cali Ameeriko oo ahaa safiirkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya ayaa isagoo ku sugan magaalada Toronto ee wadanka Canada waxa uu walaac ka muujiyay doorka madaxda Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin doorashooyin ka dhaca dalka, isagoona sheegay inay jiraan kooxo is abaabulaya oo doonaya inay mar kale hoggaanka dalka qabtaan, iyadoo meesha laga saaray doorkii xisbiyada dalka ay ku leeyihiin doorashooyinka dalka ka dhacaya.

"Haddii aan tashan weyno waa naloo talinaa, walaalayaal aan tashano” ayuu yiri Ambassador Maxamed Cali Ameeriko oo sheegay inay nasiib darro tahay khilaafyada hareeyay madaxda Dowladda iyo maamul goboleedyada.

Dhinaca kale hadalka Danjiraha Soomaaliyeed ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ka socdaan shirar iyo kulamo looga arrinsanayo hiigsiga sanadka 2016-ka, kaasi oo u muuqda mid aan cago badan ku taagneyn, isla markaana ay ku kala aragti duwan yihiin madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip