Ciidamada dalka Ruushka oo amar Deg deg ah ka helay Madaxweyne Vladimir Putin

0
Saturday December 12, 2015 - 19:24:40 in Wararka by
  • Visits: 754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dalka Ruushka oo amar Deg deg ah ka helay Madaxweyne Vladimir Putin

    Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku amray ciidamada Milletariga dalkiisa in ay tillaabo adag ka qaadaan cid kasta oo khattar galisa ciidamadooda jooga dalka Siiriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku amray ciidamada Milletariga dalkiisa in ay tillaabo adag ka qaadaan cid kasta oo khattar galisa ciidamadooda jooga dalka Siiriya.

Madaxweynaha ayaa warkaan u sheegay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada dalkiisa waxaana Khudbadiisa toos looga daawanayey Telefishinada.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ma uusan xusin cid si gaar ah ammaanka ciidamada ruushka ee jooga Siiriya qatar ugu heysa, balse waxaa jira in dalka Turkiga iyo Ruushku ay aad ugu muransan yihiin wali diyaarad Ruushku uu la haa oo ay ciidamada Turkigu ku soo rideen Xuduuda Turkiga iyo Siiriya ay wadaagaan.

Mr Putin ayaa sheegay in tillaabooyin adag oo dhanka difaaca ah ay qaadi doonaan isaga oo aan si toos ah carabka ugu dhufan dalka Turkiga.

Madaxeynaha Ruushka ayaa markii ugu horeeysay ka dhawaajiyey in Ruushku uu hub ku taageeray jabhadda mucaaradka ku ah Madaxweyne Asad ee loo yaqaano FSA, si ay ula dagaallamaan kooxda Daacish.

Dowladda Mareykanka ayaa dhinaceeda sheegtay in aysan Moscow soo bandhigin cadeeymo muujinaya in mucaaradka ay hubsiisay.

Ruushka ayaa aad u taageera Madaxweyne Asad iyada oo dad badanina la yaabeen warka ka soo yeeray Mr Putin.

Kooxda Free Syrian Army ayaan ka jawaabin hadalka Mr Putin ee ah inuu hub siiyey si ay Daacish ula dagaalamaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip