Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Dambi baarista oo Muqdisho lagu dilay

0
Saturday December 12, 2015 - 19:21:47 in Wararka by
  • Visits: 822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Dambi baarista oo Muqdisho lagu dilay

    Nin Sarkaal ahaa oo ka tirsanaa ciidamada Dambi Baarista Somaliya, CID ayaa lagu dilay saakay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii rag hubaysan oo Bistoolado wato ay beegsadeen Sarkaalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin Sarkaal ahaa oo ka tirsanaa ciidamada Dambi Baarista Somaliya, CID ayaa lagu dilay saakay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii rag hubaysan oo Bistoolado wato ay beegsadeen Sarkaalkaasi.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafada loo yaqaan Aargada Degmada Wadajir, waxaana rasaas ay la dhaceen raggii hubaysnaa Sarkaalkaasi.

Qaybaha sare ee jirkiisa ayeey kaga dhufteen dhowr xabadood, taasi oo keentay in durba goobta uu ku geeriyoodo Sarkaalkaasi.

Ninka Sarkaalka ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Col. Cabdi Nuur, wuxuuna ka mid ahaa Saraakiisha qaabilsan Baarista Dambiyada.

Raggii ka dambeeyay dilka Sarkaalkaasi oo labo nin ahaa ayaa ka baxsaday goobta ay ku dileen Sarkaalka, waxaana halkaasi yimid ciidamo ka tirsan Dowladda Somaliya oo goobta ka qaaday meydka Sarkaalka.

Shabaab ayaa beegsada ciidamada Dowladda iyo Saraakiisha, Degmada Wadajir iyo Degmada Dharkiinleey ayaa waxa ay noqotay Degmooyinka ugu badan ee ay ka dhacaan dilalka qorsheysan ee Shabaabka ay fuliyaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip