
FBI-da oo xabsiga dhigtay Khaalid Aadan C/qaadir oo ah Muwaadin Somaliyed
Muwaadin Soomaaliyeed oo heysta dhalashada dalka Mareykanka ayaa xabsiga la dhigay kadib markii lagu eedeeyay inuu hanjabaad u diray FBI-da Mareykanka isaga oo soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Wiilkaan Somaliga ah ayaa Barta Twitterka uu iska isticmaalo waxa uu
ku qoray hadalo uu ugu hanjabaayay FBI-da Mareykanka oo maalin ka hor
xiray Wiil ay saaxiibo yihiin Wiilka hanjabaada loo xiray.
Khaalid Aadan C/qaadir oo 19-sano jir ah ayaa ka carooday Xarig ciidamada FBI-da Mareykanka ay u geysteen C/risaaq Maxamed Warsame oo 20 sano jir ah, kaasi oo lala xiriiriyay inuu doonayay ku biirista Daacish.
Saacado kadib Khaalid ayaa Boggiisa Twitter-ka ka saaray Qoraalkii uu ugu hanjabaayay FBI-da, laakiin Sirdoonka Mareykanka ayaa markiiba sawiray Qoraalka si xariga Khaalid loogu adeegsado cadeyn ahaan.
Becky Thorson, oo kamid ah qaadiyasha Mareykanka ayaa amartay in Khaalid lagu sii haayo xabsiga ilaa laga dhageysanayo dacwadiisa maalinta Arbacada ee soo socoto.
Xabsiyada dalka Mareykanka waxaa ka buuxa dhalinyaro badan oo Somaliyed, kuwaasi oo lala xiriiriyay ku biirista Daacish.
FBI-da oo xabsiga dhigtay Khaalid Aadan C/qaadir oo ah Muwaadin Somaliyed
Muwaadin Soomaaliyeed oo heysta dhalashada dalka Mareykanka ayaa xabsiga la dhigay kadib markii lagu eedeeyay inuu hanjabaad u diray FBI-da Mareykanka isaga oo soo dhigay bartiisa Twitter-ka.