R/wasaare Sharmaarke oo ka hadlay wada hadalada Ahlu Sunna & Galmudug ku leeyihiin Dhuusamareeb

0
Saturday December 12, 2015 - 19:15:49 in Wararka by
  • Visits: 692
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/wasaare Sharmaarke oo ka hadlay wada hadalada Ahlu Sunna & Galmudug ku leeyihiin Dhuusamareeb

    Ra"iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa soo dhoweeyey, isla markaana rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadalada dhowaan uga furmi doona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud maamulka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra"iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa soo dhoweeyey, isla markaana rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadalada dhowaan uga furmi doona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Wal Jamaacah, wuxuuna ugu baaqay dhinacyadaasi inay muujiyaan, dabacsanaan, isu dhega-nuglaan, Soomaalinimo.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumada ay kaalin mug leh ka qaadan doonto fududeynta, iyo ka mira dhalinta shirkaasi, la isugu keenayo Maamulka Galmudug iyo Ahlusunnah Wal Jamaacah, waxa uuna tilmaamay in loo baahan yahay in laga gudbo khilaafka loona gudbo is faham iyo wax wada qabsi.

"Waxaan rajeynayaa in wadahadaladaasi ay miro dhalaan, ka xukuumad ahaana waxaan la garab istaagi doonaa taageeradeena.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo ugu baaqay dhamaamba siyasiyiinta, waxgaradka iyo nabadoonada Soomaaliyeed inay taageeraan wadahadaladaasi.”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip