Qaar ka mid ah saxiixayaasha Mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha oo sheegay in laga been abuuray

0
Tuesday August 18, 2015 - 07:54:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar ka mid ah saxiixayaasha Mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha oo sheegay in laga been abuuray

    Qaar ka mid ah xildhibaanadii Mooshinka ka keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxa ay ku sheegeen in laga been abuurtay saxiixooda mooshinka la gudbiyayna uu ahaa mid sanad kahor ay sax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah xildhibaanadii Mooshinka ka keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxa ay ku sheegeen in laga been abuurtay saxiixooda mooshinka la gudbiyayna uu ahaa mid sanad kahor ay saxiixeen.
Xildhibaanadan ayaa waxa ay sheegeen in la xaliyay dhaliilo ay Madaxweynaha u soo jeedin lahaayeen muddo kahor ayna saxiixeen xilligaas mooshin ka dhan ah Madaxweynaha balse aysan ogeyn haatan mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha.

Cabdalle Boos Axmed oo ka mid ah xildhibanadii maanta shirka jaraa’id qabtay ayaa sheegay in muddo dheer ay u soo dhabar adeygayeen midnimada dalka ayna dhibaatooyin badan la kulmeen.

”Odayaasha Soomaiyeed ee midnimada u joogay labaatankii sano ee u dambeeyay dhibaato kasta ha nagu soo martee una dulqaadanaynay ayaan ka mid ahay, mooshinkaan la sheegayo oo soomaali oo dhan ka naxday waxa uu ahaa mid sanadkan horaantiisii la soo hadalqaaday kadibna la isaga yimid lana joojiyay.” ayuu yir xildhibaan Cabdalle Boos.


"Kooxo ka mid ah ragii xildhibaanadii hore saxiixay iyagoo aan noo soo sheegin eedeynta madaxweynihii qaranka soomaaliyeed ayay soo oogeen mooshinka aad aragteen iyo qoraalada aad aragteen qaarkoodna ay sii buunbuuninayaan.Mooshinkaa mudo dheer ayay ahayd markii la diyaariyay waana saxiixnay ballantuna sidan ma ahayn qaab qaldan ayay u dhacday in la shiro ayay ahayd qodobana la sameeyo balse markii dambe waa la heshiiyay waana u sheegnay raggii horboodayay mooshinka in la hakiyo , waxaana la isku afgartay baarlamaanka iyo dowlada in hal meel looga soo wadajeesto.”ayuu sii raaciyay Xildhibaan Cabdalle Boos Axmed.

Sidoo kale xildhibaanadii ka hadlay shirka jaraa’id ayaa waxaa ka mid ahaa Tahilil Cabdi Maxamed iyo Xildhibaan Ibraahim Cali Cumar oo labadaba sheegay in laga been abuuray uuna saxiixoodu ahaa mid sanad ka hor ay saxiixeen mooshin xilligaas socday,

Xildhibaanadan ayaa waxa ay cadeeyeen in mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha uu ahaa mid si qaldan loo maamulay iyagana aan lagala tashan. Waxayna ka codsadeen guddoonka baarlamaanka in la joojiyo lagana saaro saxiixooda mooshinka.

Mooshinka laga gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa loo gudbiyay guddoonka Baarlamaanka guddoonkana wuu aqbalay sidoo kale waxaa loo gudbiyay Maxkamada sare ee dalka lamana garan karo waxa ay ka bedeli karto warkan ka soo yeeray qaar kamid ah saxiixayaasha mooshinka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip