Warar ku dhow dhow Xeer Ilaaliye kuxigeenka shaqada laga casilay ayaa sheegaya in xil ka qaadistiisa ay la xiriirto kiiska siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo la sheegay inuu ka hor-yimid qaabka Xeer Ilaalinta ay u wajahday dacwadda lagu soo oogay iyo habkii loo maray xarigiisa.

Xiriir aan la sameynay Dr. Axmed Cali Abuukar ayuu inoogu sheegay inuu maqlay xil ka qaadistay, balse aanay jirin wax warqad ah oo soo gaartay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xilka Xeer Ilaaliye kuxigeenka loo magacaabay mas’uul kale oo magaciisa lagu soo koobay Muuse Macalin oo markii hore ka mid ahaa kuxigeenada Xeer Ilaaliyaha Guud

Hey’addaha Garsoorka ayaa isku khilaafsan kiiska siyaasigan, oo dib ay u furtay Maxkamadda Racfaanka, isla markaana soo saartay warqad ay ku mudeysay dhageysiga dacwadiisa, kaddib markii Xeer Ilaalinta ay sheegtay inay racfaan ka qaadatay.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 21-kii bishan sii deysay C/raxmaan C/shakuur, kaddib markii Ciidamada ammaanka ay 17-kii bishan ka soo xireen gurigiisa weerar ay ku qaadeen oo lagu dilay ilaaladiisa, waxaanaqaraar ay soo saartay Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku diiday in wax racfaan laga qaato kaddib markii Maxkamaddu sheegtay in aan loo marin xarigiisa hab sharci ah.

XIGASHO:-JOWHAR.COM