"Waxaan qadka telefoonka kula hadlay Mohamed Aweis Mudey (Boqorka Bartamaha) oo xabsiga laga soo daayey berrina noogu iman doono Mogadishu. Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Qaranka oo codsigeena tixgeliyey una gudbiyey Madaxda Ethiopia. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa suxufiyiinta marwalba I xasuusin jirtey Boqorka. Waxaana mahad u sugnaatay EEBBE oo noo sahlay arrinkan”ayuu yiri Eng. Yariisow.

Sidoo kale Safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa xaqiijisay in WariyeMaxamed Aweys Muudey la sii daayay, isla markaana ay socoto howlaha loogu fududeynayo in dalka dib loogu soo celiyo.



Dadaalo diblomaasiyadeed oo socday iyo wada hadal u dhaxeeyay labada dowladeed ayaa sababtay in dib xoriyadiisa u helo Wariye Boqorka Bartamaha.

Wariye Maxamed Aweys Muudey Boqorka Bartamaha ayaa magaalada Addis Ababa lagu xiray dhamaadkii sanadkii 2013, waxaana xilligaas Maxkamad ay ku xukuntay 27 sano oo xarig ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu falal argagixiso ku lug yeeshay.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu guuleysatay in Xabsiyada Itoobiya ka sii deyso boqolaal maxaabiis, kuwaasoo la keenay Muqdisho bilo ka hor.