Xildhibaan Bilow Keerow iyo siyaasiyiin kale oo lagu xiray magaalada Nayroobi

0
Thursday December 10, 2015 - 20:08:10 in Wararka by
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Bilow Keerow iyo siyaasiyiin kale oo lagu xiray magaalada Nayroobi

    Booliska Kenya ayaa maanta xabsiga u taxaabay Xildhibaan Bilow Aadan Kerrow oo ka tirsan aqalka sare ee dalka Kenya. Xildhibaanka ayaa lala xiray isaga iyo siyaasiyiin kale, markii ay ka soo laabteen deegaanka Mandhera oo uu ka soo jeedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Kenya ayaa maanta xabsiga u taxaabay Xildhibaan Bilow Aadan Kerrow oo ka tirsan aqalka sare ee dalka Kenya. Xildhibaanka ayaa lala xiray isaga iyo siyaasiyiin kale, markii ay ka soo laabteen deegaanka Mandhera oo uu ka soo jeedo.

Bilow Kerro oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in isaga iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda gobolka waqooyi bari Kenya laga qabtay garoonka diyaaradaha.

Waxaa uu sheegay in xarigiisa uu la xiriiro xabaal wadareedkii laga helay deegaanka Mandhera, isagoo horay ugu eedeeyay laamaha ammaanka Kenya inay ka dambeeyaan dad badan oo lala baxay, kuwaasoo wali maqan.

Hase ahaatee Xildhibaanka ayaa markii dambe raali gelin ka bixiyay eedeyamah uu u jeediyay laamaha ammaanka Kenya.

Xabaal wadareedka la helay ayaa waxaa la sheegay in hal qof oo haweeney kaliya aheyd, waxaana Maxkamad ay dhowaan amartay in la soo faago xabaal wadareedyada laga soo sheegay Mandhera.

Siyaasiyiinta gobolka waqooyi bari ayaa qeyla dhaan ka soo saaray dad la la’yahay, waxaana lagu eedeeyay laamaha ammaanka inay ku kaceen gabood fal ka dhan ah bani’aadanimada


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip