
Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ka dhacay Gobolka Baay
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen illaa 10 ruux oo labada dhinac ahaa, waxaana saraakiil ka tirsan dowladda ay sheegeen in guulo ka gaareen dagaalka.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa mid culus oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha lidka diyaaradaha.
Sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga oo magaciisa qariyay ayaa warbaahinta maxaliga u sheegay in dhankooda dagaalka uga dhimatay afar askari, halka Al-Shabaab shan dagaalyahan ka dileen, meydkoodana ka carareen.
Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegay in dagaalka ay kaga dileen illaa sagaal askari, ayna ku furteen qoryo isugu jiray Ak47 iyo qoryaha BKM, isla markaana ay gacanta ku hayaan deegaankii lagu dagaalamay
Maalmihii la soo dhaafay ayaa dagaalo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ka dhaceen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, iyadoo dagaaladaas labada dhinac ay guulo ka kala sheegteen.
Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ka dhacay Gobolka Baay
Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaan hoos-taga degmada Diinsoor ee Gobolka Baay. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka dagaalka uu ku bilowday, iyadoo sarkaal ka tirsan Ciidamada Milateri